Caalamka:-WHO oo qabaneyso kulan looga hadlayo halista caabuqa Ebola

0
Friday May 18, 2018 - 10:24:58 in by salman abdi
  • Visits: 440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:-WHO oo qabaneyso kulan looga hadlayo halista caabuqa Ebola

    Caalamka:-WHO oo qabaneyso kulan looga hadlayo halista caabuqa Ebola

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:-WHO oo qabaneyso kulan looga hadlayo halista caabuqa Ebola

Caabuqa Ebola ee ka dilaacay baadiyaha dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ayaa ku fiday magaalo weyn oo ku taal dalkaasi, taas oo keentay cabsi ah in cudurku uu faraha ka bixi doono oo ay adkaan doonto in la xakameeyo.

Wasiirka Caafimaadka ee Koongo ayaa xaqiijiiyay in kiis Ebola ah lagu arkay magaalada Mbandaka, taas oo ay ku nool yihiin hal milyan oo qof.

Magaaladan ayaa ah xudunta isku xirta gawaarida xamuulka qaada ee isaga kala goosha dalkaasi tagana ilaa caasimadda Kinshasa.

Inta la og yahayn 44 qof ayaa la sheegay in caabuqu uu soo ritay oo 23 ka mid ahna ay u geeriyoodeenba.

Kiisaska ka dilaacay goobaha fog fog ee baadiyaha ayaa lasoo sheegaya in illaa iyo haatan la xaqiijiyay in uu caabuqu ku dhacay hal qof oo oo ku sugnaa magaalada Mbandaka.

Maalintii Arbacada in ka badan afar kun oo dawooyinka talaalka tijaabada ah ee xanuunka Ebola, ayaa hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxa ay gaarsiisay dalka Congo, taasi oo ah qeybtii ugu horeysay sideed kun oo dawooyin ah oo ay hay'addu horey u balan qaaday.

Dadka dalka Congo iyo saraakiisha caafimaadka ee WHO ayaa doonaya in la talaallo bukaanka uu soo ritay xanuunkan Ebola iyo tiro badan oo ah dadka ay la sameeyeen xiriir sida ugu dhaqsiyaha badan