Saaka Oo Jimce Ah Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Wargeysyada Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga.

0
Friday August 22, 2014 - 13:03:55 in by salman abdi
  • Visits: 1226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saaka Oo Jimce Ah Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Wargeysyada Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga.

    Suuqa kala iibsiga xagaaga waxaa ka hartay kaliya 10 maalmood, iyadoo kooxaha ay isku dayayaan inay dedejiyaan dhaqdhaqaaqooda suuqa kala iibsiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suuqa kala iibsiga xagaaga waxaa ka hartay kaliya 10 maalmood, iyadoo kooxaha ay isku dayayaan inay dedejiyaan dhaqdhaqaaqooda suuqa kala iibsiga.


Laacib.net waxa ay idiin soo uruurisay saaka wararkii ugu waa weynaa ee ay wargeysyada ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Aan ku horeyno:

Warar isqilaafsan ayaa saaka ku qoran wargeysyada Ingariiska oo la xiriirta heshiiska ay Manchester United ku dooneyso xiddiga Real Madrid Angel Di Maria.

Wargeyska The Sun waxaa saaka lagu daabacay in Manchester United ay dagaal 50 milyan ginni ah u geli doonto saxiixa Di Maria kaasoo sidoo kale diirada u saaran PSG.

Laakiin jariirada Daily Express ayaa iyadana qoreysa in tababare Louis van Gaal uu ku fekerayo inuu iska daayo saxiixa Di Maria si uusan u dhaawicin horumarka uu sameynayo Adnan Januzaj kaasoo booskiisa waayi doona haddii Di Maria uu yimaado. 

Arsenal ayaa la socota xaalada Winston Reid laakiin weli uma aysan dhawaanin daafaca West Ham,. (The Times)

Tottenham ayaa isku dayaysa inay 11 milyan ginni kula soo wareegto xiddiga QPR Loic Remy kaasoo uu burburay heshiiskii uu ugu wareegi lahaa Liverpool bishii hore. (Daily Star)

Manchester City ayaa sheegtay in weeraryahankeeda Stevan Jovetic inuusan iib aheyn inkastoo xiiso xoogan uu ka helayo Juventus. (Daily Mirror)

Heshiiskii uu Sami Khedira ugu wareegi lahaa Arsenal ayaa laga yaabaa inuu soo noqdo ka dib markii Real Madrid ay go’aansatay inay iska iibiso ciyaaryahanka khadka dhexe. (Daily Mirror)

Liverpool ayuaa dooneysa in Mario Balotelli ay ka saxiixaan heshiis dhaqan wanaag ah ka hor u wareegistiisa Anfield. (Daily Mirror)

Juventus iyo Roma ayaa doonaya inay la soo wareegaan daafaca 12ka milyan ginni lagu qiimeeyo ee Manchester City Matija Nastasic oo 21 sanno jir ah, halka Newcastle iyo West Ham ay doonayaan 26 jirka daafaca midig Micah Richards. (Manchester Evening News)


Contac@afkashacabka.com