Hogaamiye Hal Adayg Badan Oo Han Iyo Hiigsi Madaxweyne Leh ... "Xirsi Cali Xaaji Xassan"

0
Friday May 18, 2018 - 13:09:18 in by salman abdi
  • Visits: 1247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiye Hal Adayg Badan Oo Han Iyo Hiigsi Madaxweyne Leh ... "Xirsi Cali Xaaji Xassan"

    Xirsi cali xaaji xassan waa hogaanka iyo hagaha siyaasadeed ee xisbiga wadani.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xirsi cali xaaji xassan waa hogaanka iyo hagaha siyaasadeed ee xisbiga wadani.

Xirsi cali Xaaji Xassan, waxa uu ka mid ahaa tiir dhexaadyada halganada dagaal siyaasadeed u hiimbaday hawdka iyo hamalka duureed, wakhtigii xisbiga kulmiye ku jiray ololihii doorasho, waxaanu ahaa ragii gunduciyey guushii doorashada kulmiye ee 2010 gaadhay. Waxa uu ahaa xubin firfircoon oo falal foos iyo firfircoonineed kaga far-soocnaaday ragii ay soo wada mareen dawgii halganka ee kulmiye. Waana sababta uu garabka midig ee madaxweyne siilaanyo u ahaa, tan iyo wakhtigii uu kusriga fuulay Axmed siilaanyo, sidoo kale waa sababta iyo salcaynta uu uga ag dhawaaday siilaanyo, oo uu ragii ay isku ab iyo ooda aahaayeen uga dhawesytay madaxweyne siilaanyo. Waxa uu u magacaabay xil ku cusbaa golaha wasiirada, iyo saaxada siyaasdeed ee dhismaha golaha wasiirada Somaliland, xilkaasoo ahaa " wasiirka madaxtooyada” , markii uu madaxweynuhu arkay kartidiisa , waxa uu ka dhigay mishiinkiisa siyaasadeed iyo gacantiisa midig, sidoo kale waxa uu, kaalin muuqata oo saamayn leh iyo xilkii ugu shislaa ka siiyey, kaalmihii golahihiisa wasiirada ee ahaa 26-ka wasiir. Waxa uu ahaa masuulkii ugu saamaynta iyo hadal haynta badnaa ee xukuumadii Axmed siilaanyo.waxa uu door mihiima kulahaa dardartii waxqabad ee xukuumada siilaanyo, sidoo kale waxa uu ahaa mishiinka dhaqaajiya hawlaha waxqabad ee xukuumada.

 

Hadaba muddadii uu hayey xilkaa xirsi waxa uu ka tagay mahadhooyin waxqabad oo manfac u ah guud ahaan dadka iyo dalka Somaliland. Waxaana kamida:

1: Xidhiidhada dibada oo uu si hagar la’aan ah ugu guntaday inuu dib usoo nooleeyo isagoo safaro badan oo guula ah kumaray badiba qaarada yurub iyo wadamada daneeyayaasha somaliland,

2: Xidhiidhinta qurbojooga iyo xasuusinta kaalinta ay dalkooda ku lahaayeen,

3: Hir gelinta wadada halbowlaha ah’ ee uu hortii jire ku dhac karti isku dayeed u yeelan waayay inuu 1Mitter, oo wadada ceeri gaabo ah, hir geliyo, xirsi ayaa ahaa shakhsiyadii hal abuurkaa waxqabad heensaha u dhidbay isagoo garab buuxa ka helaya qurbo jooga, qaran jooga iyo deeq bixiyaal kale oo daneeya Somaliland, madaxweynuhunu u xil saaray hawl iyo hir gelinteeda, iyadoo uu jiray Wasiir arinkaa wadadu shaqadiisa wasaaradeed hoos imanaysay, hadana xirsi ayaa ka mudnaaday inuu hawshaa dhiimbiciyo.

4: Gacan siinta iyo garab siinta dhalinyarada dalka,

5: Shaqo abuur baaxad iyo beekhaan leh,

6: Tarka iyo taraalaha dadka tacabka nololeed haysto ee somaliland,

7: Qashin saarka xukuumada iyo qadhaab doonka uu qafil adag saaray.

8: Qaramayntii ciidamada bariga ka dagaalami jiray.

9: waxaanu raad weyn ama door weyn ku lahaa wax-qabad kasta oo ay xukuumadii siilaanyo ku talaabsatay maadaama oo uu ahaa mishiinka haga siyaasada siilaanyo.

 

Waa Mujaahid ka qayb ahaa qaran badbaadintii SNM waxa uu ku biiray Halganka Isagoo Dhalinyaro ah, Sanadii 1987-dii. Waana shakhsi daacadnimada alle iyo dawga diinta lammaan ka dhigtay, dedaal iyo dad jacaylna dir la’ah, musuqa iyo maryo ololkana iska maanacay, waxaanu ka dheeraa qabyaalada qaraabo kiilka iyo qolaysiga qaawan, beenta iyo baydh-baydhkana beri buu ka yahay, deel qaafka odhaaheed iyo dunuunuca saxaafada lagu durayo dad gaarana beribuu ka ahaa, aftahanimo iyo hal abuur tixeedna hal wadaag buu la ahaa, waa deeqsi gacan furan, waxbarashada maadiga iyo diintaba waa shakhsi bartay oo bar fiican ka gaadhay, hir gelintii hawlaha xukuumada iyo haqab tirka baahiyaha dad weynuhuna hadaf kiisa iyo shaqo maalmeedkiisa ayaa ay ahayd sidoo kale siyaasada iyo midabaynteeda waa shakhsi maarayn wanaagsan u leh waana siyaasi hawlkara.

Siyaasadu waa giraan wareegaysay ama tareen ku soconaya xawaare dheer, inaad xisbiga aad maslixiyadaada siyaasadeed iyo danahaaga siyaasadeed ee masiiriga ah ka dhex milic san weydo inaad ka aag bedelato waa sunaha siyaasada,

Kadib 6 sanadood oo uu safka hore kaga jiray golaha xukuumada iyo waxqabyadii madax weyne siilaanyo, Waxa uu iska casilay Dabayaaqadii 2015-kii xilkii wasiirnimo ee uu xukuumada axmed siilaanyo ka hayey, kadib markii ay u cuntami weyday inuu madaxweyne siilaanyo u qoob xidho Muuse biixi , oo sida xaqiiqada ah, uu tunka iyo tagoogta ka qaniinsanaa Xirsi Cali, Muuse biixi intaan kulmiye gacanta loo gelin waxaana dhex maray isku dhacyo siyaasadeed, tan iyo intii uu mimbarka wasiirnimo taagnaa. Waxa uu goostay garab gooni goosada oo la baxay garabka toosinta xisbiga kulmiye oo ay hadhaysay xurguf siyaasadeed, dhaqdhaqaayo dhabo toosina iyo dhawaaqyo talo siyaasdeed ah, kadib waxa uu si toosa 2016-kii ugu biireen garabkii toosinta ee uu hor kacayey Xirsi iyo niman badan oo miisaan siyaasadeed ku lahaa kulmiye, xisbiga wadani. Waxa uu gaadhay muddo kooban martbaka ( Leader) hogaamiye xisbiyeed, waxaana caado iyo cafiif u ah, Xirsi cali xaaji xasan in uu sida shumaca uga iftiimo hadba halka uu cago dhigto. Waxa xiiso gaara u samaynaysa siyaasad xirsi in xil kasta uu si iskii ah, iskaga tago iyadoon la casilin ama la bedelin, waxa uu iskii uga tagay shaqadii gudoomiye ku xigeenkii komishanka doorashooyinka oo uu ahaa xubin matalaysa xisbiga kulmiye, sidoo kale xailkii wasiirkii madaxtooyada oo uu si waadixa uga tagay iyana, kamid ahaan shihii xisbiga kulmye isagoo ahaa tiir muhiim ah ayaa uu iyana iskeed uga tagay.

Itaas kadib tan iyo markii uu si toosa salka u dhigtay xisbiga wadani, waxa uu kusoo kordhiyey xisbiga siyaasad hore u socoda, sidoo kale waa mishiinka haga siyaasada xisbiga wadani, waana hogaamiyaha iyo hagaha siyaasadeed waxaana xasuus mahadho ah, cadadkii codeed ee uu ka keenay bariga somaliland taasoo ahayd cododkii ugu badnaa ee xisbiga, waxa uu sidoo kale ahaa shakhsiyadii ugu ololaha badnaa xisbiga tan iyo wakhtigii ololaha xisbiga wadani.

Ma u Qalmaa Xisri Meeqaamka madaxweyne hogaamiyana qaranka

Waa su’aal dadku badiba ku kala fikir iyo aragti duwanaanayaan, waxaa jira dad dhaliilsan iyo dad taageersan, siyaasada iyo shikhsiyada xirsi, hayeeshee waxaan qabaa fikir ahaan in uu buuxiyey barana dhaafiyey shuruudihii madaxweyne nimo, sababtoo ah waa shakhsi leh karti hogaamineed oo waafiya, dedaal badan sidoo kale bartay cilmiga hogaaminta (Leading Innovation Change), waxa uu leeyahay sidoo kale hal abuur waxqabad, waana qof ku ad adag diinta alle (SW) waxa uu qaranka ku hogaaminaya siyaasad xalaala oo cid kasta mahadiso,

 

Sidee Xirsi Ku Noqon Karaa Madaxweyne ugu dhabayn karaa himiladiisa iyo hankiisa?

Waxaa suurto gala in inbadan oo idinka mid ahi qabaan su’aashaas, waxaan xaqiiqo ah inay hortaagan yihiin caqabado siyaasadeed oo aan u saamaxayn furasdaa, marka aynu si guud u eegno siyaasada axsaabta iyo daloolka u bannaan in riyada xirsi ku rumowdo, Suurto gal maaha inuu ikhtiraaco ama samaysto urur siyaasadeed ( Political Associatoin) waayo waxaa kala hufidooda iyo kala shaandhayntoodu gacanta ugu jirtaa Madaxweyne Muuse biixi, waxaana waadix ah in hadii uu samayeeyo urur siyaasdeed uu isagu hogaamiye ka yahay, in si cad oo bilaa gabasho ah, u reebayo muuse biixi oo ay ku loolamyaan siyaasada.

Waxaa uu haystaa fursad uu ku gaadhi karo riyadiisa hogaamiye daleed, waxaanu wakhti xaadirkan hogaanka iyo heensaha u hayaa xisbiga dardarta iyo tamarta siyaasdeed ee cusub ka dhex muuqato, waxaanu fursad wacan u haystaa inuu ka tartamo xisbiga una tartamo jagada madaxweyne nimo, wakhtigu haba dheeraadee, wallow ay ku xidhan tahay siyaasadiisa hadii uu soo hor marsanayo ama wakhtiga uu soo dhaweysanayo, inuu fursadaa musharaxnimo dhawaan ka dhex dhiimbado xisbiga. Sida la ogyahayna waxaa xisbiga ka dhex aloosan khilaaf siyaasi ah, taasina noqon mayso caqabad ka hor is taagta xirsi inuu jaqagadaa helo.

 

W/Q: fadxi garaad ciise

[emailprotected] or

+252-63 4001631