Hargaysa:-Xukuumadda Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabtay Safiirkii Hore ee Soomaaliya U Fadhiyay Qadar

0
Saturday May 19, 2018 - 09:48:41 in by salman abdi
  • Visits: 445
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Xukuumadda Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabtay Safiirkii Hore ee Soomaaliya U Fadhiyay Qadar

    Ciidamada booliska Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ku xidhay 15kii bishan Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Qadar, Cumar Cali Idiris.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada booliska Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ku xidhay 15kii bishan Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Qadar, Cumar Cali Idiris.


 

Xukuumadda Soomaaliland ayaan weli faahfaahin ka bixinin xadhiga Safiirkii Hore ee Dawladda Soomaaliya u fadhiyay Dalka Qadar, kaas oo ila sheegay in laga soo qabtay Huteel ku yaala Magaaladda Hargeysa badhtamaheeda oo uu ku soo degay.

 

sidoo kale xukuumadda Soomaaliya ayaan iyana ka hadal, hasayeeshee ilo wareedyo u dhuun daloola Xadhiga Safiirkii hore ee Soomaaliya u joogay Magaaladda Dooxa ee Dalka Qadar ayaa sheegaya in xadhigiisu uu ka danbeeyay ka dib markii looga shakiyay in uu ku hawlan yahay sidii uu khilaaf u dhex dhigi lahaa xukuumadda Somaliland iyo Dawladda Imaaraadka Carabta oo iminka xidhiidhkoodu uu aad u wanaagsan yahay.

 

 

Dawladdaha Qadar iyo Imaaraadka Carabta ayaanu xidhiidhkoodu wanaagsanayn, waxaana sidaas oo kale iyana labadaasi dawladdood la kala saftay somaliland oo xidhiidh wanaagsan la leh Dawladda Imaaraadka carabta iyo Soomaaliya oo iyana la jirta dawladda Qadar.

 

si kasatba ha ahaatee xidhiidhka Somaliland Iyo Soomaailya oo aan awalba ahayn mid fiican ayaa isna sii xumaaday, ka dib markii Dawladda Federaalka Soomaaliya ay si weyn uga soo hor jeedsatay heshiiska dekeda Berbera oo ay la wareegtay DP World.