Baligubadle:-Laba Caruur Ah Oo Shuban Biyood Ugu Geeriyooday Gobolka Hawd

0
Saturday May 19, 2018 - 12:42:23 in by salman abdi
  • Visits: 680
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baligubadle:-Laba Caruur Ah Oo Shuban Biyood Ugu Geeriyooday Gobolka Hawd

    Magaalada Baligubadle Ee Xarunta Gobolka Hawd ayaa waxa ka dilaacay Shuban biyood sababay dhimashadda laba qof halka ay cusbitaaladdana u jiifa qaar kale oo shuban biyoodku soo ritay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Baligubadle Ee Xarunta Gobolka Hawd ayaa waxa ka dilaacay Shuban biyood sababay dhimashadda laba qof halka ay cusbitaaladdana u jiifa qaar kale oo shuban biyoodku soo ritay.


Isu-duwaha caafimaadka ee gobolka hawd ayaa xaqiijiyay in degmada bali-cabane toddobaadkii hore laba qof ugu geeriyoodeen shuban biyoodka,waxaana isu-duwahu ka waramay deegaanada kale ee xanuunkani ku fiday iyo sida ay wasaarada caafimaadka uga hawl gashay.

"deegaanadda uu ilaa hadda shuban biyoodku ka jiro waxa ka mid ah degmadda Gumburaha,qoolcaday,baligubadle iyo bali-cabane,shubankaasina waa mid ilaa hadda aan gaadhi inaanu qayla dhaan u dirano wasaarada caafimaadka,lakiin anagu waanu ku filanahay ilaa haddana hawshiisa wanu ku jirnaa oo gacanta ayaanu ku haynaa kiisaskaas shuban biyood ee deegaanka ka dilaacay.

 

Intaas waxa uu ku daray isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka hawd isaga oo hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi."xaaladda shubanka ilaa hadda si taxadar ka muuqdo ayaanu ula soconaa waanan ku dadaalaynaa inaaanu hawsha shubanka soo gaba-gabayno.

Isu-duwaha ayaa bulshadda tusay qaabka ay iska nadiifinayaa biyaha wakhtiga lagu jiro xili roobaadka isla markaasina faray in ay iska karkariyaan biyaha inta aanay cabin ama siin caruurta u nugul in ay xanuuno kala gadisan ka qadaan biyaha.

Dhinaca kale markaad booqatid cusbitaaladda gobolka hawd iyo deegaanadda ku teedsan ee gobolka hoos yimaadda ayaa waxaad arkaysaa caruurta yar-yar oo cusbitaaladda jiifta isla markaasina qaarkood xaalada kala duwan ku jiraan isla markaasina u baahan in wasaarada caafimaadku deg deg ugu gurmato.