Xarunta Xuquuqal Insaanka Oo Ka Hadashay Xukun Cusub Oo Lagu Riday Boqor Buurmadow

0
Sunday May 20, 2018 - 15:21:40 in by salman abdi
  • Visits: 406
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarunta Xuquuqal Insaanka Oo Ka Hadashay Xukun Cusub Oo Lagu Riday Boqor Buurmadow

    Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay canbaaraynaysaa xukunka ku dhacay Boqor Cismaan aw Muxumed Buurmadow oo maanta Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Hargeysa ku xukuntay sadex sanadood oo xadhig ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay canbaaraynaysaa xukunka ku dhacay Boqor Cismaan aw Muxumed Buurmadow oo maanta Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Hargeysa ku xukuntay sadex sanadood oo xadhig ah.

Waxa hore Maxkamadda Gobolku ay ugu xukuntay boqorka shan sanadood oo xadhig ah.

Taariikhdu markay ahayd 26thApril 2018, Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo uu gudoominayo garsoore Axmed Dalmar Ismaaciil waxaay shan sanadood oo xadhig ah ku xukuntay Boqor Cismaan aw Muxumued Buur madow oo ah hogaamiye dhaqameed caan ah.Rafcaan uu qaatay ayay Maxkamadda Rafcaanku dhegaysatay 10 kii iyo 12kii May.

Maxkamadda rafcaanku maanta waxaay ayiday xukunkaas inkasta oo ay xadhigii ka dhigtay 3 sanadood, halkii uu markii hore ka ahaa 5 sanadood.

 

Waxa lagu eedeeyey "Ceebayn Qaran (qodobka 219 ee Xeerka Ciqaabta), iyo "faafin war been abuur ah (qodobka 328), iyo af-lagaado garsoor.

Eeduhu waxaay la xidhiidhaan xaflad ka dhacday magaalada Carmo oo ka tirsan maamulka Puntland, Somalia, oo lagu caleemo saarayay hogaamiye dhaqameed. Wuxuu garsooruhu sheegay in Boqorku ka jeediyay goobtaas hadal "wiiqaya jiritaanka qaranimada Somaliland islamarkaana uu ku dhaleecaynayo ciidanka Somaliland oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah.”

Xukunka Maxkamadda Gobolka ee rafcaaku ayiday wuxuu si cad u baal maray hanaanka dacwad qaadista caddaaladda ah. Waxa loo diiday inuu qareen yeesho inkasta oo uu marar badan codsady, iyo inuu u diyaar garoobo difaac. Waxa maxkamadda gobolku ay dhegaysatay oo keliya xeer-ilaalinta ka hor intaanay xukunka soo saarin.

Xorriyadda hadalka waxa damaanad qaaday qodobka 32aad ee dastuurka Somaliland iyo qodobka 19aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanka.

16ka April 2018 waxa Maxkamadda gobolka ee Hargeysa ay ku xukuntay Maxamed Kayse Maxamuud 18 bilood oo xadhig ah oo ay kaga xukuntay qoraal uu Facebook ga ku qoray.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ka codsanaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadooda u soo celiso Boqor Buurmadow iyo Maxamed Kayse Maxamuud.




Guleid Ahmed Jama Dafac

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka, Hargeysa Somaliland