Sanaag:Dagaal kooban oo deegaanka badhan ku dhex maray ciidamo puntland ah iyo ciidamada somaliland iyo wasiirka gaashaandhiga oo ku sii jeeday badhan

0
Sunday May 20, 2018 - 15:24:47 in by salman abdi
  • Visits: 427
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sanaag:Dagaal kooban oo deegaanka badhan ku dhex maray ciidamo puntland ah iyo ciidamada somaliland iyo wasiirka gaashaandhiga oo ku sii jeeday badhan

    wararka naga soo gaadhaya gobolka sanaag ayaa waxaa uu sheegaya in uu saaka deeganka Badhan uu dagaal ku dhex maray Ciidamada Somaliland iyo Kuwa Puntland .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

wararka naga soo gaadhaya gobolka sanaag ayaa waxaa uu sheegaya in uu saaka deeganka Badhan uu dagaal ku dhex maray Ciidamada Somaliland iyo Kuwa Puntland .

Dagaalkan ayaa qarxay ka dib markii wafti uu hogaaminaayo wasiirka wasaaradagaashandhiga Somaliland Md Ciise Yuusuf Axmed uu damcay in uu safar ku tago magaalada Badhan oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo .

Ciidamado ka maamulka Puntland isla markaana ka soo kacitimay magaalada Badhan ayaa waftiga wasiirka ka hor istaagey in ay gudaha u galaan Magaalada Badhan taas oo sababtey in uu dagaal ka dhex qarxo labada ciidan isla markaana ciidaankii la socdey wasiirku ay kala didiyeen ciidankii ka socdey Puntland una carareen dhinaca magaalada Badhan .

Balse Abaabul xoogan oo ay gudaha magaalada Badhan ka bilaabeen ciidamo ka socda maamulka Puntland ayaa waftigii wasiirka Gaashandhigu hogaaminaayey ay go,aansaden in aaney gudaha magaalada u Galin si aanu u qarxin dagaal xoogani Waftigii wasiirka ayaa iminka dib uga soo laabtey magaalada Badhan isla markaana ku soo jeeda magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobalka Sanaag .


Dhawaan ayey aheyd markii dagaal uu deeganka Tuko-raq ku dhex maray ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland .


xigasho: ilays