Muqdisho:-Roobab Ka Da'ay Muqdisho Oo Hakiyay Imtixaanaadkii Shahaadiga

0
Sunday May 20, 2018 - 16:11:44 in by salman abdi
  • Visits: 482
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:-Roobab Ka Da'ay Muqdisho Oo Hakiyay Imtixaanaadkii Shahaadiga

    Roobab tan iyo xalay ka da'ayay magaalada Muqdisho ayaa gooyay wadooyinka muhimka ah, iyadoo uu aad u yaraaday isu socodka dadweynaha iyo gaadiidka oo inta badan istaagay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Roobab tan iyo xalay ka da'ayay magaalada Muqdisho ayaa gooyay wadooyinka muhimka ah, iyadoo uu aad u yaraaday isu socodka dadweynaha iyo gaadiidka oo inta badan istaagay.



Roobabka ka da'aya magaalada ayaa saameynta ugu badan ku yeeshay boqolaalka kun ee dadka gudaha ku barakacay oo aan haysan hoy wanaagsan oo ay ka gali karaan daadadka soo rogmanaya.Sidoo kale imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ayaa la hakiyay maalin uun kadib markii dhawr iyo labaatan kun ay u fariisteen imtixaankaasi. Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dawladda federaalka Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa sheegay in roobabka da'aya dartood la hakiyay imtixaanka.

Daadad ka dhashay roobabka  da'aya ayaa keentay inay biyo galaan xaafadaha isku raranka, taasi oo qoysas badan ku keentay in xalay oo dhan ay soo jeedaan, isla markaana biyaha ka saaraan guryahooda.

 

Roobab, dabeylo iyo fatahaado ayaa dhawrkii todobaad ee ugu dambeeyay ka da'ayay dhulka Soomaalida, kuwaasi oo barakiciyay kumanaan qof, baabi'iyayna hanti badan.

Dhanka kale guddomiyaha Magaalada borama ee gobolka Awdal ee Somaliland, Cabdiraxman Axmed Cali ayaa sheegay in ilaa shan iyo toban qof ay ku dhinteen daadad iyo roobaba dabaylo watay oo ku dhuftay 24-kii saac ee la soo dhaafay degaano ka tirsan gobolkaasi, gaar ahaan degmooyinka lughaya iyo baki.

Wararku waxaa ay sheegayaan in deegaanada qaarkood ay daadadku burburiyeen dalagyadii beeraha.