Hargaysa:-Xukuumada Somaliland Oo Si Rasmi Ah U Soo Bandhigtay Khasaaraha Ka Dhashay Roobabkii ka Daay Xeebaha Dalka -
Xukuumada somaliland ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay khasaaraha ka dhashay roobabkii dabaylaha watay ee ka da'ayey deegaanada xeebaha.
Gudoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka Cabdikariin Xinif oo la hadlay warbaahinta ayaa si rasmi ah u soo bandhigay khasaaraha ka dashay roobabkii ka da’ay degmooyinka xeebaha ee dalka waxaanu yidhi "Meesha la yidhaa Laasqoray khasaare weyn ayaa soo gaadhay , 17 laash ayaa 7 la helay dadkii saarnaa halka aan la hayn 10 laash iyo dadkii saarnaa, gobolka Saaxil hal qof oo dhimasho ah iyo todoba qof oo dhaawac ah ayaa na soo gaadhay, gobolka ugu khasaaraha badani waa gobolka Awdal, waxa la sheegayaa in dhimashadu ay tahay 15 qof, xoolo badan ayaa qabawgii iyo roobkii dambe laayey, dad fara badan ayaa soo barakacay oo laga soo raray goobahoodii, dad badan oo laga badbaadiyey baduna way jiraan.”