Hargeisa:-"Waxaa Dhacday Masiibo Qaran, Waxaanay U Baahantahay In Si Wada Jir Ah Loogu Gurmado" Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan.

0
Tuesday May 22, 2018 - 11:10:35 in by salman abdi
  • Visits: 616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-"Waxaa Dhacday Masiibo Qaran, Waxaanay U Baahantahay In Si Wada Jir Ah Loogu Gurmado" Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan.

    Hargeisa:-"Waxaa Dhacday Masiibo Qaran, Waxaanay U Baahantahay In Si Wada Jir Ah Loogu Gurmado" Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:-"Waxaa Dhacday Masiibo Qaran, Waxaanay U Baahantahay In Si Wada Jir Ah Loogu Gurmado" Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani

Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay Musiibada ka dhacday Galbeedka Somaliland, gaar ahaan Deegaanada Lughayaha Baki oo ay ka taagan tahay xaalad adag ka dib markii ay deegaanadaasi ku dhufteen roobab duufaano wata oo galaaftay nolosha dad iyo duunyadaba.


 

 


Hogaamiyaha ayaa ugu horaynba tacsi u diray dhamman dadkii ku naf waayey masiibadaasi qaran "Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan dadka ku dhintay dhibaatada dhacday, waxaanan illaahay ugu baryayaa in uu u naxariisto janadiisana geeyo. Ehelkii qaraabadii iyo dhamaan dadka reer Somaliland sabir iyo iimaan illaahay haka siiyo.


Sidoo kale Hogaamiye Xirsi ayaa qaranka usoo jeediyey in la sameeyo gurmad deg deh ah oo aan loo kal hadhin waxaana hadalkiisa ka mid ahaa " Waxaa muhiim ah in dawlada, xisbiyada iyo dhamaanba bulshada mucaarad iyo muxaafid aynu iska kaashano sidii loogu gurmannlahaa dadkaa dhibaatadu soo gaadhay ee gobolada Selel illaa Awdal, xisbi ahaana diyaar ayaanu nahay gurmadkaa in xisbigu ka qayb qaato. Ayuu yidhi Hogamiyaha Waddani


Sidoo kale Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu si dareen leh uga hadlay inay ayaan daro tahay in inaan laga gaashaamanarrimaha noocaasi ah waxaana uu yidhi markale hogaamiyuhu " Qaran ahaan waa ayaan daro in marna abaari dadkeenagumaado marna roob oo aynaan wax xal ah iyo sidii mushkilada looga bixi lahaa u diyaarin culayska iyo masuuliyaduna waxay saaran tahay maalinba cidii talada qaranka haysa iyada oo wixii guuldaro ee qaranka soo gaadha aynu dhamaan ceebteeda wada leenahay.


Ugu Danbayntiina wuxuu soo jeediyey in tamar iyo tallo laysgu geeyo arrintaasi taagan ee ay sababtay masiibada duufaantu " Waxay u baahantahay in aynu talo iyo tamarba isku biirino oo aynaan eegan xaalada soo noqnoqonaysa ee aafooyinka dabiiciga ah ee halakeeyay dadkeenii iyo xoolaheenii. Uma baahna far isku fiiq ee waxay u baahantahay ficil iyo awooda muwaadiinta oo midaysan iyada oo illaahayna aynu la kaashanayno oo baryayno. Cid kasta oo dunida wax inaga tari kartana ula tegayno inaga oo qorshe u samaysanaynaā€¯ ayuu yidhi Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan