Somaliland:- Iskuulka Abaarso Oo Ka Jawaabay Eedaymo Muddooyinkii U Dambeeyay Uu U Jeedinayay Wariye Coldoon.

0
Tuesday May 22, 2018 - 11:10:35 in by salman abdi
  • Visits: 701
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland:- Iskuulka Abaarso Oo Ka Jawaabay Eedaymo Muddooyinkii U Dambeeyay Uu U Jeedinayay Wariye Coldoon.

    Somaliland:- Iskuulka Abaarso Oo Ka Jawaabay Eedaymo Muddooyinkii U Dambeeyay Uu U Jeedinayay Wariye Coldoon.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland:- Iskuulka Abaarso Oo Ka Jawaabay Eedaymo Muddooyinkii U Dambeeyay Uu U Jeedinayay Wariye Coldoon.

AYAAN KASOO BAXAY GUDDIDA AGAASINKA EE DUGSIGA ABAARSO SCHOOL Annaga oo ah guddida agaasinka (Board of Directors) ee Dugsiga Abaarso School, waxa soo if baxday beryahan danbe weerar iyo dibindaabyo kasoo yeedhaysa warmooge, Cabdulmaalik Muuse Coldoon, weerarkaas oo ku jihaysan Dugsiga

Abaarso, ahna mid ka fog xaqiiqada ka jirta Dugsiga iyo agaasinkiisa. Dugsigani waxa uu jiray ilaa 2009kii, waxana himilooyinkiisa ka mid ah: • in uu ardayda u gudbiyo waxbarasho tayo sare leh; • in uu soo saaro dhallinyar ku gaadhan aqoon, kalsooni, karti, himilo fog, iyo akhlaaq ay nafahooda iyo bulshadooda ku horumariyaan; • In ardayda lagu barbaariyo is-diridda (mutadawacnimada), iyo in ay bulshada wax ku celiyaan, oo tusaale-ahaan iyaga oo wax barta ay aqoontooda u fidiyaan qaar ka mid dugsiyada, sida kuwa agoomaha (inta ay ka gaadhi karaan) iyo ardayda dugsiga tuulada Abaarso. • In ardayda ka baxda Dugsiga lagu barbaariyo waddaniyadda iyo in ay horumarka dalka ka qayb qaataan. Dugsigu waxa uu leeyahay qaab-dhismeed ka kooban Guddida Agaasinka (Board of Directors) oo tiradoodu dhan tahay 9 xubnood oo dhammaantood ka mid ah waalidiinta carruurta, isla markaana ay aqoonsan tahay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland. Xilka Guddidan waxa ka mid ah dejinta siyaasadda lagu maamulo dugsiga, haddii ay tahay wax-ku-biirinta manhajka, shaqaalaynta maamulaha Dugsiga, wacyigelinta diinta, dhaqanka, anshaxa suubban, xidhiidhinta dugsiga iyo daneeyeyaasha sida Wasaaradda Waxbarashada, Dawladda Hoose, Maaliyadda, Amniga, Arrimaha Dibedda iyo taakulaynta xagga dhaqaalaha ee dugsida. Waxa kale oo jira Guddida Waalidiinta oo ka kooban 11 xubnood. Xilka Guddida Waalidiinta waxa ka mid ah ilaalinta anshaxa, wacyigelinta diinta, fayodhowrka, cuntada, xoojinta xidhiidhka macallimiinta, ardayda iyo waalidiinta. Guulaha wax-ku-oolka ah ee uu soo hooyay Dugsigu intii uu jiray waxa ka mid ah: – Aqoonsi caalami ah oo uu dugsigu helay, markii uu buuxiyay shuruudaha caalamiga ah ee dugsiyada dhiggiisa ah, taas oo suurto gelisay in ardayda ka baxda dugsigu ay geli karaan jaamacad kasta oo adduunka ah. – Waxa kale oo uu ka mid yahay 11ka dugsi ee heerkooda waxbarasho ugu tayo fiican yahay qaaradda Afrika. – In ardaydii u baxday waxbarasho dibadeed ay guulo la taaban karo ka soo hooyeen jaamacadihii ay dhiganayeen, qaarkoodna ay mutaysteen shaahaadooyin Sharaf, arrinkaas oo magaca Somaliland iyo inta AfSoomaali ku hadasha kor u qaaday, loona aqoonsanaan karo danjireyaal dalkooda ah. – Dugsigu waxa uu dhowaan mutaystay shahaado Sharaf waxtarka uu bulshada taray awgeed – taas oo ay bixiyeen ururka International Somali Awards (ISA). – Tiro gaadhaysa 134 arday ayaa ku guulaystay in ay helaan deeqo waxbarasho kala duwan, jaamacado ku yaal dhammaan daafaha dunida. Jaamacadahaas waxa ka mid ah kuwa ugu magac dheer adduunka sida Harvard, MIT, Yale, Columbia University iyo qaar kale oo ka tirsan dunida Islaamka oo ku yaal dalal ay ka mid yihiin Lebnaan iyo Qadar.
Haddaba, kol haddii aynnu dad muslimiin ah nahay, waxa waajib innagu ah in aynnu gudbinno xog run ah oo sugan. Hadalka fitnada ah ee ka soo yeedhay warmooge, Coldoon, waa hadallo uu eed ka galay in ku dhow 500 oo waalid iyo carruurtoodii, eedahaas oo u dhigan sumcad-dil ku beegan dugsiga iyo agaasinkiisa, ardayda iyo waalidiinta, Ilaahayna kala xisaabtami doona. Waxana is-weyddiin mudan, miyuu Coldoon, oo aan marnaba soo ag joogsan dugsiga, kuna howl galay ku-tidhikuteen, miyuu uga danayn iyo lexejeclo badan yahay waalidiintaas tiradoodu ku dhowdahay 500? Jawaabtu waa maya! Ma habboona in bulshada lagu jahowareeriyo male-awaal. Waxa kale oo xusuus mudan inaanay dhaqankeenna iyo ka Islaamka ka mid ahayn sumcad-dilku. Waxa kale oo xusid mudan in dugsigani yahay mid ay bulshadu leedahay, waxtar la taaban karona muujiyay. Sidoo kale, waxa aan habboonayn in la aflagaadeeyo, lagana abaal-ka-dhaco ciddii ay innaga dhexayso waxtar wax ku ool ahi. Magacyada Guddida,Agaasinka Axmed Suldaan Jambiir, Guddoomiye Saciid Axmed Maxamuud, Guddoomiye-xigeen Cabdi Xasan Ducaale, Sheekh Maxamed Mahamuud Xirsi Abdulqaadir Xaashi Cilmi, Axmed Ibraahin Cawaale, Amaal Ahmed Misaan, Jinaw Maxamed Qaalib, Cumar Jamaac Faarax