Mickel Keating oo Warqad Hanjabaad Ah uu Soo Diray Somaliland Iyo Puntland

0
Wednesday May 23, 2018 - 08:22:35 in by salman abdi
  • Visits: 428
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mickel Keating oo Warqad Hanjabaad Ah uu Soo Diray Somaliland Iyo Puntland

    Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo diblomaasiyadeed, danjire Keating ayaa dhambaalkan soo gaadhsiiyay Somaliland iyo Puntland toddobaadkan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo diblomaasiyadeed, danjire Keating ayaa dhambaalkan soo gaadhsiiyay Somaliland iyo Puntland toddobaadkan,  waxaanu dawladda Somaliland iyo maamulka Puntland kaga codsaday inay si deg deg ah u bilaabaan wada hadal, si loo baajiyo in dagaal dambe dhaco.

 

Sida ay xogahani sheegeen wuxuu danjire Keating Somaliland iyo Puntland ku wargeliyay go’aan uu sheegay inay Qaramada Midoobay gaadhay oo ah in laga joojin doono mucaawooyinka iyo weliba la macaamilkaba haddii ay joojin waayaan dagaalka islamarkaana bilaabi waayaan wada hadalo.

Xogo kale ayaa iyaguna sheegay inaanay dawladda Somaliland weli ka jawaabin qoraalka danjiraha Qaramada Midoobay oo ah mid aan saxaafadda loogu tallo gelin, waxase la filayaa inay si deg deg ah uga jawaabto.

Geesta kale, warar aan la xaqiijin Karin ayaa Geeska Afrika u sheegay in danjire Keating uu Somaliland iyo Puntland kala noqday niyad jab, ka dib markii ay madaxweynayaasha Somaliland iyo Puntland ka gaws adaygeen laba qodob oo uu ula tagay.

Warku wuxuu sheegay in Madaxweynaha Puntland Mr. Gaas oo uu ku soo horeeyay uu ka diiday in dagaalka uu baajiyo, waxaanu ugu hanjabay inuu dagaal ku qaadi doono Somaliland haddii aanu Madaxweyne Biixi ciidamada Somaliland ka saarin Tukaraq, ka hor bisha barakaysan ee Ramadaan. Mr. Gaas ayaa u muuqda inuu ka dhabeeyay hanjabaadiisa ka dib markii ay ciidamada Puntland soo weerareen Somaliland 15 May oo ahayd laba maalmood ka hor Ramadaantii, waxaanu hadalkaas Mr. Keating u sheegay 12 May oo ay Garowe ku kulmeen.

War kalena wuxuu sheegay in Mr. Keating uu isku dayay inuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku qanciyo inuu telefoon kula hadlo Madaxweynaha Puntland Mr. Gaas. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inuu ka gaws adaygay inuu telefoon kula hadlo Madaxweynaha Puntland.



Xigasho Geeska Afrika