Gudaha:-Xukuumadda Oo Maalintii Labaad Gargaar Is Daba Joog Ah Gaadhsiisay Deegaannadii Ay Ku Dhufteen Roobabkii Dabaylaha Watay Iyo Baaq Cusub Oo Loo Diray Bulshada.

0
Wednesday May 23, 2018 - 16:53:23 in by salman abdi
  • Visits: 489
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudaha:-Xukuumadda Oo Maalintii Labaad Gargaar Is Daba Joog Ah Gaadhsiisay Deegaannadii Ay Ku Dhufteen Roobabkii Dabaylaha Watay Iyo Baaq Cusub Oo Loo Diray Bulshada.

    Gudaha:-Xukuumadda Oo Maalintii Labaad Gargaar Is Daba Joog Ah Gaadhsiisay Deegaannadii Ay Ku Dhufteen Roobabkii Dabaylaha Watay Iyo Baaq Cusub Oo Loo Diray Bulshada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudaha:-Xukuumadda Oo Maalintii Labaad Gargaar Is Daba Joog Ah Gaadhsiisay Deegaannadii Ay Ku Dhufteen Roobabkii Dabaylaha Watay Iyo Baaq Cusub Oo Loo Diray Bulshada.

Xukuumadda Somaliland, ayaa sii dardar gelisay ololaha ay gargaarka ku gaadhsiinayso dadweynihii ay saamaysay masiibadii ka dhalatay roobabkii dabaylaha watay ee dhawaan ku dhuftay deegaannada xeebta ee gobollada Saaxil, Salel iyo waqooyiga gobolka Awdal, waxaana ay maanta kaalmooyin is daba joog ah gaadhsiisay deegaanno tiro badan oo ay dhibaatadaasi taabatay.

Tiro kamid ah diyaaradaha qummaatiga u kaca ee dhawaan Jamhuuriyadda Somaliland ay ku caawisay dawladda Isu tagga Imaaraadka Carabtu oo ay ka buuxaan gargaar xukuumaddu diyaarisay, ayaa subaxii hore ee saaka la gaadhsiiyey deegaannada Cabdi geeddi, Gargaara, Bullaxaar, Tuurka Ceel-sheekh iyo Geerisa oo dhammaantood kamid ahaa meelihii masiibadu ku dhufatay, waxaana gargarkaas oo isugu jirey Raashin, Timir, Biyo, Dhar iyo Bacaha roobka iyo qorraxda celiya hoggaaminayey xubno xukuumadda katirsan oo gaadhsiiyey dadweyne tabaalaysan oo goobahaas ku sugan.

Madaxda xukuumadda u qaabilsan deegaannadan oo iyagu halkaas kusii sugnaa, ayaa guddoomay deeqaha gargaarka ah ee ay xukuumaddu gadh-wadeenka ka ahayd, waxaana ay isla markiiba u qaybiyeen dadweyne tabaalaysan oo halkaas ku sugnaa, kuwaas farxad iyo rayn-rayn ku qaabilay kaalmada xukuumaddu kor kacayso ee la gaadhsiiyey.

Dadweynaha gargaarka la gaadhsiiyey, ayaa xukuumadda uga mahadceliyey sida ay xilka iskaga saartay inay intii karaankeeda ah kaalmayso dadka dhibaataysan, waxaana ay ka mahadceliyeen gargaarka degdegga ah ee halkooda lagu gaadhsiiyey.

Intii hawlaha gurmadka iyo gargaarka ah lagu gudo jirey waxa faahfaahin ku saabsan heerka ay taakuladu marayso bixiyey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaah Ismaaciil (Saylici), isaga oo baaq u diray dhammaanba bulshada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba.

Ugu horrayn madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu shaaca ka qaaday inay dawlad ahaan tiro badan oo kamid ah goobihii masiibadu ku habsatay ay gaadhsiiyeen taakulo kala duwan, isaga oo hoosta ka xarriiqay in deegaannada weli hadhsan badidooda loo qorsheeyey in wixii gargaar ah lagu gaadhsiiyo gaadiid, "Guddi ahaan wixii Gargaara bari ka xiga ee Berbera laga soo bilaabo ilaa Lughaya in Berri laga bilaabo wixii gaadiidku geli karo berri laga bilaabo, wixii aan gaadiidku geli karina ay diyaaraddu weli sii socoto,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici).

Madaxweyne-kux-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa uu baaq u diray bulshada reer Somaliland, isaga oo ka codsaday inay gacan ka geystaan gargaarka loo fidinayo bulshada tabaalaysan ee ku dhaqan deegaannada roobabka dabaylaha wataa ka da’een, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, "Umadda reer Somaliland gudo iyo dibadba meel kasta oo ay joogaan waxa aanu ka codsanaynaa inaanay maanta waxba la hadhin, kii beer lahaa bannaankuu joogaa, kii xoolo lahaana bannaankuu joogaa, kii iska baro kacay ee tuulooyinka joogayna wax alla iyo wax uu haystaa ma jirto oo cid loo fadhiyaa, markaa hawsha inoo taallaa waa hawl aad iyo aad u baaxad weyn, dhismaynu u baahannahay iyo inaynu dadka hoygii usoo celinno oo xoolihii dib loo soo celiyo.”

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu ka warramay shir degdeg ah oo ay maanta isugu yimaaddeen, kaas oo tiro kamid ah wasaaradaha lagaga codsaday inay soo qiimeeyaan baaxadda dhibaatada deegaannada masiibadu ku dhacday le’eg yihiin, "Maanta shirkayagii waxa kasoo baxay in wasaaridihii inta badan hawshani khusaynay, gaar ahaan wasaaradda Beeruhu soo qiimeeyaan oo shan cisho gudahood ku keento wixii khasaare beero gaadhay, wasaaradaha Xannaanada Xoolaha, Biyaha iyo Caafimaadkuna sidaas si le’eg ay samayso,” ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici.

Xukuumadda Somaliland waxa ay dawladda Imaaraadka carabta uga mahadcelinaysaa gacanta balaadhan ee ay ka geysatay gurmadka xaalada duufaantu sababtay ee dadku ku waxyeeloobeen xeebaha Somaliland, kuwaas oo la gaadhsiiyay mucaawimo kala duwan ka dib markii imaaraadku, Somaliland ku caawiyey diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah.

Dhammaanba bulshada reer Somaliland iyo cid kasta oo diyaar u ah inay gacan ka geysato dhibaatada dhacday waxa uu madaxweyne ku-xigeenku ka codsaday inay wixii taakulo ah kusoo shubaan akoonnada kala aha 575 iyo 574 oo ka furan Baanka dhexe ee dawladda.
Wa-bilaahi Tawfiiq