Hargeisa:-Dawladda Somaliland Oo Hadda Ka Hadashay Dagaalkii Tuke-raq.

0
Thursday May 24, 2018 - 10:17:07 in by salman abdi
  • Visits: 476
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-Dawladda Somaliland Oo Hadda Ka Hadashay Dagaalkii Tuke-raq.

    Hargeisa:-Dawladda Somaliland Oo Hadda Ka Hadashay Dagaalkii Tuke-raq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:-Dawladda Somaliland Oo Hadda Ka Hadashay Dagaalkii Tuke-raq. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo ayaa ka hadlay dagaalka saaka ka dhacay Tuke-raq waxaana uu yidhi:

"Marnaba looma fadhiyin in dawlad Islaam ahi ama dad muslim ahi dad muslim ah xilliyada caynkaasi ah oo bishii barakaysnayd aynu jirno ay weerar ku qaadaan dhimasho iyo dhaawacba dhinac walba ka gaystaan . Hase yeeshee iyagoo mar kale is leh ka faa’idaysta duufaannadii Somaliland ka dhacay ee ay dadwaynaha iyo dawlada Somaliland ku mashquulsan yihiin sidii loo samato saari lahaayeen sidii loo samatabixin lahaa dadkii ay dhibaatadu soo gaadhay ayay arrintaasi isku dayeen inay Ciidamada Puntland saddex meelood weerar kaga soo qaadeen Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland ,saddexdiiba waa lagu jabiyey guushana waxa leh Jamhuuriyadda Somaliland" ayuu yidhi wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland ahna afhayeenka xukuumadda Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo oo la hadlay wakaaladda wararka ee SOLNA.