Bolotelli Oo Sharaxay Sababta Uu Mar Kasta U Doorto Lanbarka 45

0
Tuesday August 26, 2014 - 15:17:33 in by Burco Office
  • Visits: 1129
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bolotelli Oo Sharaxay Sababta Uu Mar Kasta U Doorto Lanbarka 45

    Mario Balotelli oo shalay dhamaystiray saxiixa uu ugu biirayt Liverpool ayaa markale doortay funaanadii No.45. Balotelli ayaa sheegay in No.45 iyo booska uu ka ciyaaraa ay is waafaqsan yihiin. Mario ayaa ku kaftamay in marka laysku geeyo labada tiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mario Balotelli oo shalay dhamaystiray saxiixa uu ugu biirayt Liverpool ayaa markale doortay funaanadii No.45. Balotelli ayaa sheegay in No.45 iyo booska uu ka ciyaaraa ay is waafaqsan yihiin. Mario ayaa ku kaftamay in marka laysku geeyo labada tiro ee uu namberkiisu ka kooban yahay noqonaayo No.9 taas oo ah booskiisa caadiga ah.

laga soo bilaabo markii  Mario Balotelli uu garoomada Yurub ka ciyaaraya ayaa lagu xasuustaa namberka caanka uu ku yahay ee No.45. Waxaana lays waydiiyaa sababta uu u dooran waayay nambarada ay ciyaartoyda ay isku booska yihiin jecel yihiin.

 

Balotelli ayaa N.45 u soo xidhay kooxaha Inter Milan, AC Milan, Man City iyo hadda oo uu liverpool u xidhan doono. Balotelli oo u waramayay websiteka rasmiga ah ee  Liverpool ayaa yidhi: "Markii ugu horaysay ee aan u ciyaaray kooxda Inter Milan, aad ayaan u yaraa, waxaana la isiiyay No.45 ka sababtoo ah da’yarka waxaa la siiyaa nambarada u dhexeeya 36-50. Waxaan doortay No.45, waxaanan ku kaftamay in marka laysku geeyo labada tiro ee nambarkayga ay noqonayso booska nambarka booska aan ka ciyaaro. Tusaale ahaan 4+5= No.9. Afartii kulan ee iigu horaysayba goolal ayaan dhaliyay”.

 



Afkashacabka.com / Cayaaraha

Contact@afkashacabka.com