Waftiyo Tiro badan oo ku soo qulqulaya Buuhoodle iyo Xukuumadda Somaliland oo an ka Warqabin kana Hadal +SAWIRO

0
Wednesday August 27, 2014 - 16:14:19 in by Super Admin
  • Visits: 1219
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waftiyo Tiro badan oo ku soo qulqulaya Buuhoodle iyo Xukuumadda Somaliland oo an ka Warqabin kana Hadal +SAWIRO

    Waxa Maanta Ka soo Degay Madaarka Yar ee Laga Hirgeliyay Magaalada Buuhoodle 3 Diyaaradood oo Siday Weftiyo Kala Duwan oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa Maanta Ka soo Degay Madaarka Yar ee Laga Hirgeliyay Magaalada Buuhoodle 3 Diyaaradood oo Siday Weftiyo Kala Duwan oo
 Iskugu jira Siyaasiin iyo Dadweyne Kale Iyago Ka Qaybgeli Doona Xaflada Lagu caleemo Saarayo Hogaamiyaha Cusub ee Maleeshiyada Khaatumo ee Cali Khaliif Galayr.

 

Madaarka Magaalada Buuhoodle aya ah Mid ay dadweynaha Reer Buuhoodle Keligood Gacantooda Ku Dhisteen Iyado aanay Jirin Cid ama Haayad Ka Caawisay Kharashka Iyo Qalabka, Waxaana Haatana Ka Dhisan Runway Dheer oo Ka Sameysan Jay iyo Ciid Laakin Diyaaradaha Yar Yari Soo Fadhiisan Karaan Keliya.

Dadweynaha Reer Buuhoodle aya Maanta Daawasho uu Tegay Masuuliyinti Halkaas Ka soo degtay Iyo Diyaaradaha Halkaasi Ku Sugan, waxaana Masuuliyinti Halkaas Ka soo Degtay Loo Gelbiyay Magaalada Buuhoodle Iyago Halkaasi Jooga Doona Ila Xaflada Caleemo Saarko Dhacayo.

Geesta Kalena Xukummada Somaliland ayaan waxba ka Ogayn Hawada Somaliland oo Marba Diyaarado Ka Soo Degayaan Taleex Marna Buuhoodle Iyado ay Hadda Ka soo degeen Siyaasiin Ka Tirsan Dowlada Moqadisho ee Somalia Iyago Maanta Ku Sugan Qayb Ka Mid ah Gobolka Togdheer, Waxaana Hore Uga Soo Degtay Madaarka Taleex Diyaarad Ka soo Kictintay Moqadisho oo Hub iyo Saanad Military Saaranyahay.


Contact@afkashacabka.com