Dugsi Cusub oo la yidhaa Camuud ayaa laga furay Burco iyo Nuxurka Hadaladii laga jeediyey Furitankii Dugsigaasi +SAWIRO

0
Wednesday August 27, 2014 - 17:19:45 in by Super Admin
  • Visits: 941
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dugsi Cusub oo la yidhaa Camuud ayaa laga furay Burco iyo Nuxurka Hadaladii laga jeediyey Furitankii Dugsigaasi +SAWIRO

    Munaasibad Ballaadhan oo lagu furayey Sannaddugsiyeedka Cusub ee Dugsiga Sare ee 2014 /2015 ayaa lagu qabtay Xarunta Dugsigaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasibad Ballaadhan oo lagu furayey Sannaddugsiyeedka Cusub ee Dugsiga Sare ee 2014 /2015 ayaa lagu qabtay Xarunta Dugsigaasi.


Munasibaddan waxa ka soo qaybgalay Masuliyiin ka socotay Wasaaradda Waxbarashada, Maamulka, macaliminta iyo ardayda Dugsiga, Waalidiin, Culimo awdiin iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Waxa ugu horeyn munasibadda kahadlay Jamac Axmed oo kuhadlayey afka maamulka dugsigani camuud waxanu sharaxaad ka bixiyey Tayada Dugsiga, Macaliminta dhigaysa iyo weliba hadafka guud ee loo aasaasay Dugsigan,waxana uu tilmaamay inay ka hawlgeli doonaan macalimin ajaanib ah iyo kuwa muwaadiiniin ah oo aqoontoodu sarrayso oo heer jamacadeed ah, waxa uu bulshada gobolka togdheer ugu baaqay inay ka faaidaystaan dugsigan oo ka duwan Dugsiyada kale ee Burco.

Xubno ka mid ah Walidiinta Ardayda Dugsigani, Macalimin , Arday iyo Culimo ka socotay wasaaradda diinta iyo awqaafta ee gobolka Togdheer oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa qiray tayada Dugsigani inay tahay mid la isku hallayn karo oo ubadka lagu aamini karo, waxay xuseen in ay kala duwan yihiin ardayga aqoon keliya la baro iyo ardayda Tarbiyada iyo dhaqanka wanaagsan iyo aqoonta kale la isugu daro, waxay ku ammaaneen dugsigan inu yahay mid ka suntanaan doona dugsiyada gobolka.

Ibrahin Cabdi yare oo ka socday Wasaradda Waxbarashada ee Gobolka Togdheer ayaa isna dhicisa Ardayda iyo Macaliminta ba u soo jeediyey waanooyin iyo talooyin wax ku ool ah, wuxuna ugu baaqay inay ku dedaalaan ardaydu sidii ay dereejooyinka sare ugu tartami lahayeen una noqon lahaayeen hormuudka ardayda gobolka, isagoo si weyn uga waaniyey tahriibta iyo waxyaabah saamaynta kuleh dhalinyarada wakhtigan, wuxu sidoo kale macaliminta ugu baaqay inay aad uga dhisaan dhinaca diinta iyo dhaqanka ardaydan isla markaasna ku dedaalan sidi ay usoo saari lahaayeen arday tayo leh oo dhinac walba ka dhisan.

Ugu danbayntii Dugsigan ayaa noqonaya Dugsigii ugu horeeyey ee la baxa Magaca Jaamacadda Ugu Faca weyn Dalkan Somaliland ee Camuud, kaasoo laga filayo in macnaha iyo miisanka magaciisu xambaarsan yahay uu xambarsanaan dono dugsigani.







Contact@afkashacabka.com