Codeynta doorashada Wadanka Sweden oo bilaabatay iyo Muwadiniin Kaadhadhkii Codaynta loogu diiray Boostooda

0
Thursday August 28, 2014 - 10:12:43 in by Hargeysa Office
  • Visits: 899
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Codeynta doorashada Wadanka Sweden oo bilaabatay iyo Muwadiniin Kaadhadhkii Codaynta loogu diiray Boostooda

    Cidii doonaysa in ay codkeeda waqti hore sii dhiibato ayaa maanta oo arbaco ah ay furantay codeynta doorashada guud ee Sweden.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cidii doonaysa in ay codkeeda waqti hore sii dhiibato ayaa maanta oo arbaco ah ay furantay codeynta doorashada guud ee Sweden.


 Doorashada ayaa si rasmi ah u bilaaban doonta 14 September balse qofkii doonayo in uu ka fogaado safka ayaa codkiisa maanta dhiiban karo.

Hay’ada qaabilsan qorsheynta doorashada ee lagu magacaabo Valmyndigheten ayaa kaararka cododka u dirtay dad gaaraya 7.6 milyan oo xaq u leh in ay codeeyaan. Qofkasta kaarkiisa waxaa loogu soo diray boostada. Hay’ada ayaa sidoo kale diyaarisay 3000 oo goobood oo lagu codeyn karo, sida iskuulada, maktabadaha, goobaha tareenada iyo xitaa dukaamada qaarkood.

Codeynta doorashada waxaa ka qeyb qaadan kara dadka ugu yaraan Sweden ku noolaa 3 sano. Dadka haysta dhalashada Sweden ayaa keliya codeyn kara doorashada baarlamaanka, balse kuwa gobolada iyo degmooyinka ayaa dadka oo dhan u furan.

Doorashada ayaa la filayaa in ay noqoto mid xiiso leh, iyadoo xisbiyada mucaaradka ay hogaanka u hayaan aftiyada la ururiyay balse waxaa la filayaa in xulufada dowlada ay kor u soo kacaan.

Ibrahin Hirsi Mohamed
Afkashacabka.com
Sweden