"ninkaa(cali khaliif) inaanu qabanno ayaanu rabnay laakiin waa naga Baxsaday, oo Ethiopia ayey galeen oo u carareen" Taliye Dhuunkaal

0
Thursday August 28, 2014 - 10:43:08 in by Hargeysa Office
  • Visits: 954
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "ninkaa(cali khaliif) inaanu qabanno ayaanu rabnay laakiin waa naga Baxsaday, oo Ethiopia ayey galeen oo u carareen" Taliye Dhuunkaal

    "ninkaa(cali khaliif) inaanu qabanno ayaanu rabnay laakiin waa naga Baxsaday, oo Ethiopia ayey galeen oo u carareen" Taliye Dhuunkaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"ninkaa(cali khaliif) inaanu qabanno ayaanu rabnay laakiin waa naga Baxsaday, oo Ethiopia ayey galeen oo u carareen" Taliye Dhuunkaal

Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland Maxamed Maxamuud Dhunkaal, ayaa Ka Hadlay Dagaal ciidankiisu shalay galabtii  gudaha ugu galeen Magaalada Saax-dheer ee Koonfurta Gobolka Sool.

 

Taliye Dhunkaal oo u warramayey mid ka mid ah idaacadaha ka Hawlgala  Koonfurta Somalia, ayaa sheegay inay ciidankooda ku amreen sidii ay u  baajin lahaayeen Caleemo-saar kooxda Khatumo doonaysay inay ku qabsadaan Halkaas oo la doonayey in Cali Khaliif lagu cumaamado.

Taliyaha ayaa sheegay inay ciidanku Ujeeddadii ay lahaayeen oo ahayd inay Xafladaas Baajiyaan gaadheen, isla-markaana ay gacanta ku dhigeen Maxaabiis iyo gaadiid Dagaalku oo Kooxda KHaatumo lahayd,

"Aroorta(saaka) ayaa laga qaban lahaa caleemo-saarkii cali Khaliif Halla Baajiyo ayaanu ciidanka farnay inay Baabi’iyaan, meesha waxanu la wareegnay  Magaalada, afar maxaabiis ah iyo gaadiidna waanu ka Haynaa.”Ayuu yidhi Taliye Dhunkaal.

Taliyuhu waxa uu ka Hadlay Xaaladda Guud ee Magaalada Saax-dheer, waxana uu xusay inay doonayeen soo qabashada Cali Khaliif, balse aanay u suurtogelin, waxana uu yidhi,

"xaaladda saax-dheer waa degan tahay, nimankiina Ethiopia ayey galeen oo u carareen, ninkaana(cali khaliif) inaanu qabanno ayaanu rabnay laakiin waa naga Baxsaday.”

Dagaalka shalay ka dhacay Deegaannadan ay ku sugan yihiin Maleeshiayda Khaatumo, ayaa wax aka dhashay kala carar ku dhacay Maleeshiyada, waxana Gebi ahaanba Baaqday Munaasibadda Saakka Loo ballansanaa oo la doonayey in Cali Khaliif loogu cumaamado Hoggaanka Kooxda.

Ciidanka Somaliland ayaa hore wacad ugu maray inaan  calaamo-saarka Cali Khaliif ka qabsoomi Doonin Somaliland Gudaheeda, waxana ay ku Gudo jiraan Xuuraan ay ugu  hawllan yihiin ka hortegidda caleemo-saar Cali Khaliif loogu qabto Deegaannadaas.


Contact@afkashacabka.com