Wararkii ugu Danbeeyey ee Dagaalkii Saaxdheer iyo Ciidanka Qaranka oo hada ku sugan Gurigii Cali khaliif lagu Caleemo saari lahaa.

0
Thursday August 28, 2014 - 12:09:11 in by Hargeysa Office
  • Visits: 2147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu Danbeeyey ee Dagaalkii Saaxdheer iyo Ciidanka Qaranka oo hada ku sugan Gurigii Cali khaliif lagu Caleemo saari lahaa.

    Goobjoogayaal ku sugan Deegaanka seexdheer iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka JSL ayaa Shebekedda www.afkashacabka.com u xaqiijiyey in Dagaalkii istaagay isla markaasna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goobjoogayaal ku sugan Deegaanka seexdheer iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka JSL ayaa Shebekedda www.afkashacabka.com u xaqiijiyey in Dagaalkii istaagay isla markaasna

Cali Khaliif gallaydh iyo koox uu hogaaminayaa u kala firdhadeen Deegaanada Cadaado, Gaalkacyo iyo Buuhoodle.

Waxay sheegeen Ciidamada Qaranku inay Gacanta ku dhigeen illaa 3 Baabuur oo Tikniko ah oo ay ka yaaceen Maleeshiyadii Khaatumo, Madax Dhaqameed tiro badan oo ka soo qaybgalay Caleemo saarka cali khaliif gallaydh, iyo xubno ciidan ah, waxay sidoo kale xuseen in dad badan oo ku dhintay ay jiraan oo ku jiray Dagaalka, waxana saacado kooban kadib ciidanka qaranku si nabadgelyo ah ula wareegeen amaanka Saaxdheer.

Masuliyiinta Saaka ka qaxay Deegaanka Saaxdheer Waxa ka mid ah Wufuud Culus oo ka kala yimi Muqdisho iyo Gaalkacyo oo uu ka mid ahaa Raysalwasaarihii hore ee Somaliya Cali Maxamed Geeddi, kuwaaso dhammantood degaanka xalay ugu soo hoyday inay ka qaybgalaan Caleemo saarka hogaamiyaha Khaatumo Cali khalif gallaydh.

Dhinaca kale Degaanka Saax Dheer waxa lagu waday in maanta lagu caleemo saaro madaxweynaha cusub ee khaatumo ee dhawaan la doortay, Cali Khaliif Galaydh.

Taliyaha guud ee ciidanka milateriga Somaliland sareeye gaas Ismaaciil Shaqalle ayaa isaguna BBC u sheegay in saaka hawlgal ay sameeyeen ciidamadiisu ay kula wareegeen tuulada Saax-Dheer iyo hareeraheedaba.

Saax Dheer ayaa 70km dhinaca koonfur galbeed ka xigta magaalada Laascaanood .



Wixii Warar ka soo kordha Xaaladda Degaankaasi kala soco www.afkashacabka.com