Jiif dheer" maanso"w/q: mohamed abdirahman Ibrahim " dhagcad"

0
Saturday March 01, 2014 - 09:31:15 in by Super Admin
  • Visits: 2328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Jiif dheer" maanso"w/q: mohamed abdirahman Ibrahim " dhagcad"

    maansadan jiif dheer waa Maansadii sadexaad ee ja'llayda" si kooban, abaarteedu waa labo aflay ,mar sxbkay caydaruus mumin bay fariin celin u tahay,kumana afgo,dee waa ujeedo badan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

maansadan jiif dheer waa Maansadii sadexaad ee ja'llayda" si kooban, abaarteedu waa labo aflay ,mar sxbkay caydaruus mumin bay fariin celin u tahay,kumana afgo,dee waa ujeedo badan


                                                                                     28-02-2014

   ................"Jiif dheer” maanso”................

maansadan jiif dheer waa Maansadii sadexaad ee ja’llayda” si kooban, abaarteedu waa labo aflay ,mar sxbkay caydaruus mumin bay fariin celin u tahay,kumana afgo,dee waa ujeedo badan akhristoowba ah iyo dhugashadiisa.

Erey baa wax jaasima
Jeelaga abbaartoo
Jeel gooya hibashoo
Ama haga juqaalkee
Murtideena jiif dheer
Aaan ka saafo jidhiftee
Waa jadiinka hideheena
Joooharadda hantideena
Iyo Jiridda dhaqankeena
Sooyaalka jaribkeena
Jicsinkeena sharafta ah
Iyo Jamaad oodwadaaga
Yeegle aanu jari Karin
Anfaciisa jamac haabto!!!!
****** ****** ******
Jaalahaygii mu’minoow
Midhahaagii jaandheer
Jiifatada hoggeedii
Jalbeebtankii howraarta
 
Kaftank iyo juskiisii
Jidyaqaanka maansada
Qof jagi fahmaayaa
Dood kula jamaadoo
Ja’da gabaygu leeyahay
Qalbi furan ku jaajee
 
Jamatay filkeediii
Kohatayna jalaqsan
Hibatayna jaandheer
Jirrinsiiyey aniguna
Jaran jarka heegoo
Keen,hoonku jabaqee
Ninka jalaska ruxi kara
Ee jidkiisa sugi kara
Jeeniqaarka ha u saanto!!!
****** ****** *******
Midna aan jalbeebtee
Wuxuu uurku jilayuu
Afku uu ku juuqaaye
Maxaaad ugaba jeesani
Jidib dhagaxan qaado
Jayga daadsan golisyo
 
Jibsintiisa marriye
Jaarkuusha imiroollka
Jaajuurka buur gaha
Iyo jajabka dheemanta
ku jeelaami buurdhaab
Soo jajabso waa sede.******
Ama jeexyadii caynta
Baadkiyo jidhaamuhu
Calcalyadu dhex jiifeen
Jeer mayaygu hooroo
Jocorkuna tog uuu yahay
Cosobkuna jiq uu yahay
Horwayntaadii jeedaali
Maarayn ku jaan daaji
Inta joofka dheeraata
Intay jaafin cimiladu
Jaritaanka kaydkaa
Hadda jiilaalka dhaafsha.*****
Ama jabadkan agtaada
Judhaada iyo cuddaada
Jeexjeexo ciidaada
Ku jeegaami shinida
Dayaceeda daba joog
Maruun tacabka waad jarane.****
Hadda badeena jago wayn
Jeeble way ka wayn tahay
Iyo wax laga jilaabsado
Jeyshashkaa kalluunka ah
Jawaan intaad ka rarataad
Cidba aad jaleecdeen
Carba maad janqoowdeen
Calafkana sartiis jarran
Caydaruus ha jeebeen
Waa jookar ciyaartuye
Haysku jabin cadaamada
Nafta bayda ha u jarin
Jaalle soor wadaagnoow
Ha isku jarayn ilduufkay
Ka dacwootay jaraqbad!!!!!

****** ***** *******
Oogga juubahaa dhaca
Ee geelu joogi waayo
Jilibdhigasho uu bido
Ninka soo jarmaadaa
Waa xaqiiq inuu jaman
Juhdi uu ged dhigayee
Hadday labo jiil wadaagoo
Joodari ku wada koray
Jaahoodu siman yahay
Ay jeexa wada xulaan
Oo jahaadka wada galaan
Oo colka wada jafaan
Kolka la isu jilib aasto
La isu joogsho kartiyaha
Hadi midi tabuu jilay
Ku hantiyo jinaadkii
goobta jiibteediyo
jamhuurka hiilkiisa
jabdhankaa siyaadadi
waa jeeskiisa higilkiisa
jiinkiisa hiddihiisa ….”genes” oo ah hiddo qaade"
iyo jaliil si uu qoray
iyo qaddar sad uu jaray
sidaynu uga janqeeynaa
ubadaa ha jagamsadee
tuhun la is jaleecaa
misna loo janjeedhasmo
ama talo la jiitaa
waa jiciir la heensade
wuxuu jantay wehelkay
janbigayga waa guul
dadkun jooga guudiyo
jamacay wax ku yihiin!!!!

****** ******* ******
Midna aan yar joojee
Jeegaantuba inay roobka
Jooojisoy afwaajiso
Jiil horaa malaystoo
Jiruhuna run moodee
Waxse aqooni jamratay
Hogol jeego wehetiyo
 
Waqal fad ku joogsaday
Jibaaxay maasheeyey
Jirkoo cadcadeed furan
Ilaysku jabshay dhibicdii
Falaadhuhuna jeexeen
Oo jibaalkii dabayshu
Tuska hore u jeedisay
Jihadaad ka dhugataba
Jeegaanta qaansaysan
Todobo midab ku joogaan
Aad kasoo jaleecayso
Balse jufaduu ka isirmay
Abyad jaaamuda ahaa.
Adna waad lajoogtaa
Jawigiyo dadkaagiyo
Jalaqlaha la oon tiray
e'durduurta jagamsaday
ha u baaqin jaahwayn.****
Qalinkiyo jugtiisaa
Intuu maanku kugu jiro
Intuu miyirku kula jiro
Jiidhaadu nagi tahay
Jalla’ a ha u garaabin!!!
 

***** ****** *******
Hadaad weheto janniyo
Haduu jikaaso waayuhu
Rabbaa jaangooya labadaba
Sirtuna jaaha sare iyo
Jaansaarka maaahee
Ibtilaa ku hoos jilan
Waxa aad ka jamatana
Waa laguugu jeedaa!!!!

***** ******* *******
Haduu aadmi kula jiro
Oo eebe kaa jiro
Waxba waanu kuu jarin
Waaqlaad ku joogtaa.
Haduuse eebe kula jiro
Oo aadmi kaa jiro
Waxba waanay kaa jarin
Rabbibaa agtaa jira
Jacaylkii bad aroortaa
Anbiyadaad la jaartaa
Janadaad ku gaadhaa
Jirso samirku wa gobe!!!
                ………. w/q: mohamed abdirahman Ibrahim " dhagcad”……..

                                 Mdhagcad06@hotmail.com