SPORTS: Kulamadii Shalay Iyo Xalay Ee Horyaalada Qaarada Yurub iyo Manchester United Oo Markale Barbaro Gool La'aan ah Lagashay Burnley

0
Sunday August 31, 2014 - 11:57:35 in by Burco Office
  • Visits: 1287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SPORTS: Kulamadii Shalay Iyo Xalay Ee Horyaalada Qaarada Yurub iyo Manchester United Oo Markale Barbaro Gool La'aan ah Lagashay Burnley

    Waxaa wali sii socota dhibaatada haysata kooxda Manchester united kadib markii ay barbaro gool la'aan ah la gashay kooxda Burnley oo xili ciyaareedkan ku soo biirtay horyaalka ingiriiska;

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa wali sii socota dhibaatada haysata kooxda Manchester united kadib markii ay barbaro gool la'aan ah la gashay kooxda Burnley oo xili ciyaareedkan ku soo biirtay horyaalka ingiriiska;

Van Gaal iyo kooxdiisa ayaa 3 dii kulan ee ugu horeeyay horyaalka ingiriiska ka urursaday 2 dhibcood oo kaliya.

Kulankan dhex maray kooxaha Burnley iyo Man united ayaa ahaa mid ay qaybtii hore ee ciyaarta ay sameeyeen fursado aan badnayn. Van Gaal ayaa isbadal ku sameeyay kooxdiisa iyo waliba shaxdii looga bartay ee 3-5-2, wuxuuna ciyaarta ku soo galay shaxda ah 3-4-1-2 halka uu line upkiisana ku bilaabay ciyaartoyda kala ah De Gea; Jones, Evans, Blackett; Valencia, Fletcher, Di Maria, Young; Mata; Van Persie, Rooney.

Wuxuuna kulankisii kowaad fursad usiiyay laacibka ay dhawaan Real Madrid lacagta qaaliga ah kala soo wareegeen ee Angel Di Maria. Qaybtii hore ee ciyaarta ayay difaaca Man united la dhibaataysnaayeen kubadaha baalaha lagaga soo tuuryay halka Rooney iyo Di Maria ay muujiyeen ciyaar wanaag. Di Maria ayaana ahaa ciyaartoyga ugu fiicnaa dhinaca Man united. Waxaana qaybtii hore ee ciyaarta gacanta sare lahayd kooxda martida loo yahay ee Burnley waxayna lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah.United

Markii laysku soo nastay ee dib layskugu soo laabtay ciyaarta ayay markale Burnley dardar ciyaarta ku soo gashay waxayna ku sigatay inay hogaanka qabato bilawgii qaybtii danbe ee ciyaarta, balse Man united ayaa dib u soo ceshatay kalsoonida iyadoo uu daqiiqadii 61 aad Van Persie kooxdiisa goolaha u daah furigaadhay kadib markii uu kubbad qurux badan ka helay Flecher laakiin kubbada ayaa wax yar dul martay birta goolka. Man united ayaa qaybtii danbe ee ciyaarta samaysay fursado badan oo ay guulal ku dhalin karaysay balse difaaca Burnley ayaa uga dhaartay inay shabaqooda  soo taabtaan.

Daqiiqadii 64 aad ayuu Di Maria dhulka ku dhacay wuxuuna u muuqday inuu xanuu badan dareemayo, waxayna jamaahiirta Burnley kaga jawaabeen inay ku heesaan erayo ay ka mid yihii: "Alla maxaa lacag layska lumiyay”. ciyaarta ayaan wax goolal ah la kala dhalin waxayna ku soo dhamaatay barbar dhac gool la’aan ah. waa kulankii labaad ee isku xiga ee ay Man united barbaro gasho . Van Gaal ayaan wali wax guul ah ka gaadhin horyaalka ingiriiska isagoo 2 dhibcood ka qaatay 3 kulan oo uu ciyaaray.van gaal di Maria DI Maria1 sir

Stoke City Oo Cashar La Ilaawaan Ah U Soo dhigtay Man City

Stoke

Gool la yaableh oo uu kooxdiisa Stoke City  u dhaliyay Mame Diouf ayaa kooxdiisa u suurto galisay inay Etihad Stadium saddexda dhibcood kagala soo baxaan.

Tababaraha kooxda Man City ee Pellegrini ayaa saddex ciyaartoy ka badlay kooxdii City ee liverpool todobaadkii hore ka badisay, wuxuuna isku badalay Pablo Zabaleta iyo Gael Clichy, Aleksander Kolarov iyo Bacary Sagna. Waxakale oo kursiga kaydka ku bilaamay Dzeko halka uu Aguero ku soo laabtay lineupka City.

Kooxda Martida ah ee Stoke City ayaa qaybtii hore ee ciyaarta soo bandhigtay ciyaar habaysan waxayna difaaceedu weerarka city uga dhaarteen inay wax gool ah ka dhiyaan. City ayaa in badan ku dadaalaysay inay jabiso difaac xadiidka ah ee kooxda Stoke balse qaybtii hore ee ciyaarta aysan u suurto galin labada kooxood inay wax goolal ah kala dhaliyaan. Waxayna qaybtii hore ee ciyaatu ku dhamaatay 0:0.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta, ayay labada kooxood ku soo galeen dardar xoog leh iyadoo ay Man city ka doonaysay inay goolka ku hormarto. Balse daqiiqadii 58 aad ee qaybtii danbe ee ciyaarta ayay ayuu Diouf kooxdiisa u dhaliyay gool uu kalidii soo shaqaystay oo aad u qurux badan waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Stoke City hogaanka ku hayso.

Intaa kadib ayay Man city isku dayday inay iska soo celiso goolka balse waxa ka hor imanaysay iska caabin ay u maare waayeen sidaan waxay ciyaartu ku soo dhamaatay Stoke oo Etihad Stadium 3 dhibcood faraha ku jartay Man city.

Chelsea Iyo Everton Oo Ay Dhexmartay Ciyaar Waali Ahi Iyo Chelsea Oo Guusheedii Sii Wada

costa

Chelsea ayaa kooxda Everton oo ay ku booqatay gurigeeda Goodison Park kaga soo badisay 6:3, kulan xiiso iyo xamaasad badan oo dhex maray labada kooxood ayay Chelsea ku soo bandhigtay awoodeeda ciyaareed. Kulankan oo ay labada kooxood ku soo bandhigeen awoodooda weerar ayay u adkaysan kari waayeen difaac yada labada dhinac balse Chelsea aya  u muuqatay inay tahay inay leedahay intaa doonto soo dhali aniguun baa kaabadine.

Kulankan dhex maray kooxaha Everton iyo Chelsea ayaa ahaa mid aad u dag oo xiiso iyo xamaasad badan. Kulankan ayaa ahaa mid ay labada kooxood isku qaadayeen weeraro halis ah taas oo keentay  inay difaacyada labada kooxood u adkaysan waayaan weerarka aan kala joogsiga lahayn. Waxaa la odhan karaa waxay ciyaartani ahayd mid ay rumaysan waayeen dadkii daawanayay waxaana labada kooxood u suurto gashay inay iska dhaliyaan 9 gool.

Diego Costa ayaa daqiiqadii 1aad ee bilawgii ciyaartaba kooxdiisa goolka kowaad u dhaliyay kubbad qurux badan oo uu ka helay Cesc Fabregas. Costa ayaa noqday ciyaartoygii labaad ee Chelsea ah ee goolal ka dhaliya saddexda kulan ee ugu horeeya horyaalka ingiriiska, waxaana ka horeeyay Adrian Mutu.

Daqiiqadii 3aad ee isla bilawgii  ciyaarta ayuu  Branislav Ivanovic  Chelsea u dhaliyay goolka labaad waxayna muuqaaldii danbe muujinayaan in goolka Ivanovic ahaa hormasaarto(Offside). Ciyaarta ayaana noqotay 2:0 ay Chelsea hogaanka ku hayso.

IVano Ivanovic costa

Daqiiqadii 45 aad ee dhamaadii qaybtii hore ee ciyaarta ayuu Kevin Mirallas kooxdiisa u dhaliyay goolka kowaad waxaana lagu kala nastay Chelsea oo 2:1 ku hogaaminaysa. marl

Markii laysku soo nastay ee ay koox kastaaba la soo tashatay tababaraheeda ayaa ciyaarta layskugu soo laabtay. Labada kooxood ayaa halkii ka sii waday weerarkii waalida ahaa waxaana daqiiqad kasta lafilan karaayay in gool dhinac kasta ka dhalan karo.

Daqiiqadii 67 aad ayuu  Harzard ku sababay in difaaca Everton ee Seamus Coleman iska dhaliyo goolka saddexaad. Laba daqiiqo kadib ayuu Steven Naismith  akooxdiisa u dhaliyay goolka labaad waxayna ciyaartu noqotay 2:3 ay Chelsea wali hogaanka ku hayso. Weerarkii ayaa wali halkii ka sii socday waxayna u muuqatay in difaacii labada kooxoo meeshaba ka bixi gaadhay.

Daqiiqadii 74 ayuu Nemanja Matić  kooxdiisa culayska ka dulqaaday isagoo gool caaqiibo leh  oo aanu goolhaye Haward  is dhaqaajin ka dhaliyay. Natiijada ciyaarta ayaa noqotay 2:4.

Eto;o oo ciyaarta badal ku soo galay ayaa kooxdiisii hore ee Chelsea daqiiqadii 76 ka dhlaiyay goolka saddexaad ee Everton waxayn markale ciyaartu sii noqotay mid aan la saadaalin karin waxayna ciyaartu noqotay 3:4 ay wali Chelsea ku hogaaminayso. Isla haldaqiiqo kadib ayuu Ramires kooxdiisa markale hogaanka u sii dheereeyay isagoo daqiiqadii 77 aad kooxdiisa goolka shanaad u dhaliyay waxaana goolkaas caawiye ka ahaa Matic oo goolka afraad kooxdiisa u dhaliyay.Chelsea ayaa saddexdii kulan ee ugu horeyay horyaalka ingiriiska dhamaantood wada guulaysatay, waxaan xusuus mudan in Costa uu saddexdaa kulan dhaliyay 4 gool.

Mourinho Eto'o LUkaku

Natiijooyinka Kulamadii maanta dhacay oo dhamaystiran:natiijo

Bayern Munich Oo Babaro Lagashay kooxda Shalke 04

Alonso

Kooxda difaacanaysa horyaalka Jarmalka ee Bayern Munich ayaa barbaro 1:1 ah la gashay kooxda Shalke 04 oo ay gurigeeda marti ugu ahayd.Gool muran dhaliyay oo uu kooxda Shalke u dhaliyay Benedikt Howedes ayaa Bayern Munich u diiday inay 3da dhibcood la soo qaataan.

Robert Lewandowski ayaa kooxdiisa Bayern u dhaliyay goolkaiisii kowaad ee horyaalka Jarmalka, goolkaas oo uu hogaanka ugu dhiibay kooxda Bayern.Pep Guardiola ayay kooxdiisu iska maamulanaysay ciyaarta inteeda badan ,balse waxay ku guul daraysteen inay goolal kale ka dhaliyaan kooxda Shalke.

Intii ay ciyaartu socotay ayaa Bayern laga diiday Rekoore kadib markii ay difaaca Shalke kubbadu gacanta kaga dhacday balse garsoore Marco Fritz ayaa ka diiday inkasta oo ay muuqaaladiidanbe muujinayeen inay arintaasi jirtay.

Bayern Munich ayay wax wayni  iska badaleen qaab ciyaareedkii lagu bartay,waxayna laqabsan laayihiin shaxda cusub ee Guardiola ee ah 3-4-3. Xabi Alonso oo todobaadkan ku soo biiray Bayern Munich ayaa u saftay kulankiisii kowaad . Bayern Munich ayaa kulankii furitaanka guul gurigeeda kaga gaadhay kooxda Wolfsburg.

Baryern Munich oo kaliya ayaa kooxda Shalke04 kaga fiican guulaha ay gurigeeda ku gaadhay xili ciyaareedkii hore. Manuel Neuer ayaa kooxdiisa fursado goolal laga dhalin lahaa kooxdiisa ka badbaadiyay, waxayna Shalke dardar ku soo gashay ciyaarta iyadoo 10 kii daqiiqo ee ugu horaysay halis galisay kooxda Bayern.

jarl

Juventus Oo Horyaalka Ay Difaacanayso Guul Ku Bilaabatay

Juve

Kooxda difaacanaysa horyaalka Talyaaniga ee Juventus ayaa horyaalka ku bilaabatay guul ay ka soo gaadhay kooxda Chievo oo ay gurigeeda marti ugu ahayd.Massimiliano Allegri oo shaqada tababaranimo ka badalay tababarihii hore ee Juventus ee Antonio Conte ayaa kooxdiisa xili ciyaareedka cusub kula  bilawday guul muhiim ah.

Gool uu iska dhaliyay Cristiano Biraghi ayaa kooxda Juventus guusha u sahlay.Inkasta oo ay kooxda Juventus horyaalka guul ku bilaabatay haddana waxaa ka muuqatay kala daad sanaan badan waxaana u suurto galiwayday inay weerar keedu wax goolal ah ka dhaliyaan kooxda Chievo.

Daqiiqadii 7 aad ee bilawgii ciyaarta ayuu kubbad uu madaxa ku soo dhuftay Martin Caceres  ayaa Biraghi ku sii dhacday waxayna ugu danbayn gashay shabaqa kooxda Chievo goolkaas ayaana kala saaray labada kooxood. Juve ayaan nasiib u helin inay goolal kale dhaliyo iyadoo Arturo Vidal uu birta ku fudhtay kubbad halis ahayd halka Tevez na uu sidoo kale laba jeer birta kubbada qabadsiiyay.

Allegri ayuu ka maqnaa kubbad sameeyahay ree Talyaani ee Andrea Pirlo balse kooxdiisa ayaa ku faraxsan inay horyaalka ku bilaabatay guul ay u qalantay.Chievo ayaan wax guul ah ka gaadhay kooxda Juventus tan iyo sanadkii 2010. Juventus ayaana 1:0 kaga soo talaabsatay kooxda ay martida u ahayd ee Chievo.

Tababarha kooxda Chievo ee Eugenio Corini ayaa laga saaray goobta tababarayaashu istaagaan dhamaadkii ciyaarta,kadib markii uu soo dhaafay xariiqda garoonka.

Dhinaca kale kooxda Roma oo xili ciyaareedkii hore horyaalka kula tartamaysay  kooxda Juventus ayaa iyana guul muhiim ah kagaadhay kooxda Fiorentina. Roma ayaa Fiorentina kaga badisay 2:0.




Afkashacabka.com / Cayaaraha

Contact@afkashaca