WAA KUMA SOOMAALI-QALDAAN....

0
Saturday March 01, 2014 - 21:02:27 in by Super Admin
  • Visits: 1686
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA KUMA SOOMAALI-QALDAAN....

    Waa kuma soomaali-qaldaan? Sababteese loogu naanaysay soomaali-qaldaan?Ma qalad ay galeen ayaa loogu naanaysay mise wax soomaaliyi u heelanayd ayay fuliyeen oo halkii ay bogaadin ka mudnaayeen ayaa loogu badalay naanaystan xun?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa kuma soomaali-qaldaan? Sababteese loogu naanaysay soomaali-qaldaan?Ma qalad ay galeen ayaa loogu naanaysay mise wax soomaaliyi u heelanayd ayay fuliyeen oo halkii ay bogaadin ka mudnaayeen ayaa loogu badalay naanaystan xun?

 WAA KUMA SOOMAALI-QALDAAN

Waa kuma soomaali-qaldaan? Sababteese  loogu naanaysay soomaali-qaldaan?

Ma qalad ay galeen ayaa loogu naanaysay mise wax soomaaliyi u heelanayd ayay fuliyeen oo halkii ay bogaadin ka mudnaayeen ayaa loogu badalay naanaystan xun?

Ma qabataa in laba jeer qaldaan lagu tilmaamo 1960kii iyo 1991kii?

Dhamaan waxaan salamayaa warbaahinteena qaaliga ah ee rayiga dadwaynaha si bilaa hagrasho ah ugu gudbisa dadwaynaha,kuwaas oo aan inta badan soo dhigo  maansooyinka aan curiyo amaba rayigayga khaas ka ah,waxaanan si niyada u salamayaa dhamaan shacbi waynaha kartida iyo wadaninimadu ku dheehan tahay ee reer Somaliland.

Waxaan jeclahay bal inaan qoraalkaygan ku soo koobo jawaabaha su'aalahaas an xaga sare isku soo waydiinay,kuwaas oo xaqiiqatan aan u arko inay yihiin qaar muhiim ah in wax layska waydiiyo .


Oodo dhacameed siday u kala sareeyaan ayaa loo kala guraaye bal aan siday isugu xigaan uga jawaabo,

Taariikhdu markay ahayd  26-06-1960 ayaa sidaynu kawada dharagsan nahay guboladii waqooyi ee la odhan jiray British Somaliland uu ingiriisku siiyay xoriyada buuxda ,waa loo dabaaldegay ,lagu farxay laguna riyaaqay guusha u soo hoyatay gobolada waqooyi ,muwaadiniinta waxaa wakhtigaa qalbigooda kawada guuxayay in marhadii saancadaalaha laga xoroobay laheli karo  shanta soomaaliyeed oo midawda ,walaw ay sidaa reer waqooyi u fikirayeen soomaalidii talyaanigu gumaysan jiray ee iyana la odhan jiray Italian Somaliland daacad kamay ahayn soomaaliwayn in lahelo ,taas waxaa inoo cadaynaysa akhriste markii shan cisho ka bacdi si shuruud la'aan ah reerwaqooyi(somaliland) ay u geeyeen dawlad nimadoodii oo curdin ah muqdisho in loo bixiyo SOOMAALI-QALDAAN, haday dhab ka ahayd akhriste reer koonfureedka midnimadu, umad dhan oo dawlad nimadoodii ka doorbiday inay soomaalidii kale isla doonaan toodiina ku wanqalay miyay istaahilaan in loogu yeedho SOOMAALI-QALDAAN,shuruud la'aanta  aan wax shuruud ah lagu xidhin midnimada ayay ka faa'idaysteen kuwaas oo ay uba qaateen in aanay dadkani xilba rabin isla markaana waxay qaybsadeen xilalakii ugu sareeyay dawladii wagaas la macmalay,Abaal nin gala waa la arkaa se nin guda lama helo ,manay garan walaladiin marhaday sidaa garteen waxay xag u leeyihiin siiya.


Sababta ay reerwaqooyi(somaliland) shuruud ugu xidhi wayday wakhtigaas midawga tusaale kooban hadaan kaasiyo ,maana aniga oo leh shirkad caalamku yaqaan hadaan doono walalkay ila dhashay inaan shirkadiisa midawno oo aan samaysano shirkad naga dhaxaysa wax shuruud ah oo aan ku xidhayo ayaan jirin, sababtu waxay tahay waxaan ogahay walalkay in aanu i duudsiyayn wax aan xaq u leeyahayna leexsanayn waa haduu yahay walal aan kabadso ama xoolahayga hunguri ka hayn oo sidayda daacad ka ah heshiiska ,sidaa aad tusalahan ka dhugan karto reer somaliland daacad ayay ka ahaayeen midawga se walalahoodii koonfureed ayaa khiyaamay ,soomaalidu waxay ku maahmaahdaa SIDAAN KUUGU LISAY IIGUMAAD HANBAYN ,reer somaliland-na sidii ay u hureen dawlad nimadoodii looma soo dhawyn waxay xaq u lahaayeena lama siin.Waataan ku lahaa gabaygii somaliland aan u tiriyay qayb ka mida:

somaliland godoo soona noqonmayso

soonaha xuduudahay adkayn waanay sugi taase

sidii ay rabtaan lagaran sabankii sigistiine

sax waxay ulahayd baan la siin hoosna loo riixye

saxiib waxaan ahayn ninkii salaanta loo diido

waxa uu saluugana lasixin kugu saro kacyoo hadalye

salalbaa hurdada kaa kacshee kugu sinaadh qaadye.

 

Hungawgii midawga wixii ka danbeeyay waxay reer somaliland ogaadeen inay xaqiiqatan ahaayeen SOOMAALI-QALDAAN ,waxaa layidhi hubsiimo halbaa lasiistaaye inagoon iska hubsan soomaaliwaynta ladoonayo horta daacad malaga wada yahay ayaynu dawladnimadeena walal aan daacad ahayn gacangta u galinay ,Intaa wixii ka danbeeyay waxaa dadaal loo galay sidii markale dawladnimadii reer somaliland gacanta laagu soo dhigi lahaa loona taabi lahaa dawladnimo buuxda.

hadaan anigoo jawaabaha sii wada u soo leexdo su'aashan Ma ina qabataa in laba jeer qaldaan naylagu tilmaamo 1960kii iyo 1991kii?

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa daacadi mahuungowdo wax hadba jilibka loo aasto ,loo fikiro,hadba dhinac loo rogaba  18-05-1991kii waxaa magalada burco lagaga dhawaaqay in dawladnimadayadii aanu 30sano ka hor dalawga ka tuurnay lasoo noqonay ilaa maantadan oo laga joogo wakhtigaa 23sano ay somaliland ku naaloonayso nabad,dawladnimo buuxda,horumar dhinacwalba leh,dhaqaale sii kobcaaya,walaladayadii wagii lixdankii na khiyaamayoow waxaan idin waydiinayaa markale miyaanu idinka mudan nahay inaad hadana tidhaahdaa waa QALDANTIHIIN oo dawladnimadiinii lasoo noqonmaysaan qaran jirana noqonmaysaan oo marlabaad waxaad tihiin SOOMAALI-QALDAAN ? bal idinku dub isugu noqda oo afkiina erayada aad ka leedihiin dhagahiinu ha maqlaan.

waxaan aan kusoo gababaynaa qormadan aan ugu magac daray waa kuma SOOMAALI-QALDAAN tixdan yar ee gaaban:

qaran jira ayaanu nahay

qawlkoodu adagyahayoo

qalbigoodu furan yahayoo

qunbacashada aan aqoon

qalad kastood naga gashaan

waxbaba kasoo qaadi hayn

qalbi daacada hadaad leedihiin

walaaladayo qaali ah tihiin

qaadirkaan idinku dhaarshee

laba jeer waa qaldan tihiin

miyay naga kiin qabataa ?

 

WABILAAAHI TAWFIIQ.

W/Q . Abwaan Mawliid Axmed Faarax-Kuddar

Email.Maco2013@hotmail.com

,,,,,,,,,,,,,Russia ,,,,,,,,,,