Ciyaaryahan Caan Ku Ah Ciyaarta Cricketka Oo Ka Sheekaynaya Waayihiisa, Guulihi uu gaadhay Iyo Wixii Ugu Adkaa ee soo mara

0
Monday September 08, 2014 - 09:39:49 in by Super Admin
  • Visits: 1124
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaaryahan Caan Ku Ah Ciyaarta Cricketka Oo Ka Sheekaynaya Waayihiisa, Guulihi uu gaadhay Iyo Wixii Ugu Adkaa ee soo mara

    Ciyaaryahankan oo lugu naaneyso Freddie ayaa sheegay in ay xaaskiisu caawisay ka dib markii ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaryahankan oo lugu naaneyso Freddie ayaa sheegay in ay xaaskiisu caawisay ka dib markii ....

Andrew Flintoff waxa uu aad caan ugu ahaa ciyaaraha cricketka iyo guulihii taariikhiga ahaa ee uu ka soo hooyay ciyaaraha cricketka ee caalamiga ahaa, laakiin ciyaaryahankan hore waxa uu ka sheekeeyay sida qarsoodida ah ee uu halgankanka kula jiray xanuunka bulimia taas oo uu sheegay in aanuu ka bogsadeen haddii aanay barbar joogsan xaaskiisu.

 

Ciyaaryahankan oo lugu naaneyso Freddie ayaa sheegay in ay xaaskiisu caawisay ka dib markii cunno xumo iyo khamri aad u farabadan oo uu cabi jiray darteed  uu aad u kordhay miisaankiisa Oo gaadhay 17st 12lb.

Isaga oo la hadlaya Piers Morgan oo ah wariye sii diiaya taxane ku aadan sheekooyinka dadka caanka ah,waxa uu sheegay  in laga soo bilaabo sanadkii 2000 in culayskiisu aad u kordhay isaga oo sheegay in uu bilaabay in uu ka cuslaado miisaan ahaan feedhyahanka Lennox Lewis.

Lix iyo sodon jirkan ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad ay aad u xumaatay waxaana uu sheegay in cidna aanuu xiligaasi u sheegi karaynin xaaladda adkeyd ee uu ku sugnaa maadaama uu ku dhaawaday in uu yeesho qaabka iyo muuqaalka qalabka rasaasta celiya.

Waxa uu sheegay talooyin ay siiyeen dhakhaatiir takhasuskoodu yahay qaabka cunada iyo nidaamka ay tahay in cunada loo cuno oo uu ku dhaqmay ay sabab u tahay guusha weyn ee uu ka gaadhay yaraynta miisaankiisa , iyo sidoo kale kaalinta xaaskiisa ay ka qaadatay yareynta miisaankiisa ayada oo markasta u soo jeedin jirtay talooyinka ku aaddan caafimaadkiisa kana ilaalin jirtay in uu cuno cunno xadigeedu ka farabadanyahay inta caafimaad ahaan loogu talagalay.

Sidoo kale waxa uu ku sheegay sababta keentay in uu yaraado culayskiisa ay tahay isaga oo si joogta ah u ciyaari jiray Jimka , waxaana uu joogteeyay jimicsiga si uu ugu guuleysto in uu dhimo miisaankiisa.

Ninkan ciyaaryahanka waxa uu sheegay guushan uu gaadhay in uu mahadeeda u celinayo xaaskiisa oo uu sheegay la’aanteed inaanuu ku guuleysteen hawshan adag ee uu galay iyo dagaalkan ba’an ee uu la galay culayskan tanka badan ee jidhkiisa fuulay. 



Afkashacabka.com / Cayaaraha 

Contact@afkashacabka.com