Mo- Farah Oo Ku Guulaystay Orodka Great North Run +Daawo Sawirada

0
Monday September 08, 2014 - 10:24:55 in by
  • Visits: 1543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mo- Farah Oo Ku Guulaystay Orodka Great North Run +Daawo Sawirada

    Orod yahanka Reer Somaliland isla markaana ku orda magaca wadanka Ingiriiska ee Mohamed Farah ayaa wali ku jira guulihii isdaba jooga ahaaee uu u horseedayay wadanka uu u ordaayo ee England.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Orod yahanka Reer Somaliland isla markaana ku orda magaca wadanka Ingiriiska ee Mohamed Farah ayaa wali ku jira guulihii isdaba jooga ahaaee uu u horseedayay wadanka uu u ordaayo ee England.

Mohamed ayaa ku guulaystay orodka loo yaqaan "Great North Run”, wuxunaa noqday orod yahankii ugu horeeyay ee Ingiriis u orda oo ku guulaysta tartankan tan iyo sanadkii 1985.

Mohamed ayaa ka guulaystay Mike Kigen, isagoo orodkan ku dhamaystiray saacad iyo hal secod.Orod yahankan hore ugu soo guulaystay labada biladood ee dahabka ah ee Olympicada ayaa biladan ku guulaystay kadib markii uu sanadkii hore kaalinta labaad ka galay.

Mohamed oo markii guushan gaadhay ka hadlay ayaa yidhi: "Maan filayn inaan 60 daqiiqo guushan ku gaadhayo. Markii hore waxay u jeedadaydu ahayd inaan in ka badan 60 daqiiqo ku dhamaystiro, aad ayayna iigu fiican tahay inaan xili ciyaareedka guul iyo waqti fiican ku dhamaysto. Sanadkan wax badan ayaan bartay, wuxuuna ahaa mid marna ii fiican marna xaalku igu adag yahay. Hadda waxaan doonayaa inaan yara nasto oo aan fasax u baxo, si aan diyaar ugu noqdo tartanka horyaalka orodka ee sanadka danbe”Steve Kenyon ayaa ahaa orod yahankii England u dhashay ee biladan ku guulaysta, 29 sanadood ka hor.halkan hoose ka fiirso sawirada markii uu Mohamed Farah ku guulaysanayay tartankan.

mohamed6mohamohamedmohamed3Mohamed4mohamed5

Mohamed Farah ka hor tartanka iyo sanadkii hore

Halkan Ka Daawo Momhamed Farah:http://www.mirror.co.uk/sport/other-sports/athletics/great-north-run-mo-farah-4178551