I Xusuusi Haddaan Illaawey: Falsafadaha Jahawareerinta ee Mucaaradka..

0
Sunday March 02, 2014 - 09:02:30 in by Super Admin
  • Visits: 1034
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    I Xusuusi Haddaan Illaawey: Falsafadaha Jahawareerinta ee Mucaaradka..

    Waddanka waxa ka socda jahawareerin badan oo aan u dan ahayn wadajirkiisa, horumarkiisa, kala dambayntiisa, oo inta badan ka timaadda colka xil-sugayaasha ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waddanka waxa ka socda jahawareerin badan oo aan u dan ahayn wadajirkiisa, horumarkiisa, kala dambayntiisa, oo inta badan ka timaadda colka xil-sugayaasha ah.

I Xusuusi Haddaan Illaawey: Falsafadaha Jahawareerinta ee Mucaaradka


Waddanka waxa ka socda jahawareerin badan oo aan u dan ahayn wadajirkiisa, horumarkiisa, kala dambayntiisa, oo inta badan ka timaadda colka xil-sugayaasha ah.

Waxa u wanaagsan dal iyo dadba in hadba xilka cidda hayso lagu ilaaliyo, lagu ixtiraamo oo aan laga been sheegin, si kolka doorkaagu soo galo aad wakhti ugu hesho aad ku fuliso danaha qaranka - waa haddii ay kaa dhab tahay e.

Mucaaradka xukuumadda Somaliland munaasabado tiro badan, Cod baahiyeyaal xoog badan ku dara, weedho mitid ah, oo loo ararto, la iska nasiyo oo laga dhigo runtii, iyo socdaallo loo asteeyo iska-horimaad iyo xaalad abuur lagu soo jiito indhaha moogganaha, ayay aad culayska u saaraan. Hudheellaa lagu shiraa. Dad baa la isugu yeedhaa. Website’yo ay og yihiin baa laga daba akhriyaa war ay xaqiiqo-darradiisa iyaguba og yihiin, oo shir jaraa’idyo loo qabtaa.

Haddaba, akhriste, i xusuusi haddaan illaaway. Waxa aan hoos ku soo qaadanaynaa weedhaha u badan ee mucaaradku ku celceliyaan. Ka soo naqil bogga aad ka daalacato ee saxaafadda, oo ku kala qor (a) Been, ama (b) Run – hadba sida ay kuula muuqato. Fadlan raac tiraabta u horraysa oo ah tan mucaaradku cod-baahiyeyaasha ka sheegaan.

·         Madaxweynuhu dalka ma maamulo, iyada oo aanu madaxweynaha la doortay ee qaranku meelna ku maqnayn, xanuunsanayn, miyir la’ayn, oo hawlmaalmeedka xafiiskiisa gudanayo… (a) BEEN      (b) RUN

 

·         Biyo-Gelintii Hargeysa waa la cunayIyada oo maanta ay dalka isugu yimaadeen shirkado danaynaya inay ka calaf-qaadaan barnaamijyada la xidhiidha biyo gelinta magaalada Hargeysa ay caasimadda joogaan oo qandaraasyo-horaadkii  Expression of Interest (EOI) loo soo bandhigay, iyaga oo metelayey dalal ay ka mid yihiin Somaliland, Kenya, Uganda, France, Germany, Rwanda, Sudan, South Sudan, Somaliya, Djibouti, Rwanda, Ethiopia, India, China, Argentina, USA, UAE, South Korea, Italy, Turkey, Switzerland, South Africa, Netherland iyo Spain… (a) BEEN      (b) RUN

 

·         Waddada Ceerigaabo Lacagteedii waa la lunsaday: Iyada oo ninka sidaa lihi aanu waxbaba ku darsan, dhiggeedana dadka ku boorriyo inaan waxba lagu darsan, isla mar ahaantaana wax kasta oo muuqda uu ka indhasaaban yahay, oo ka mid tahay inaan weli la bilaabin, qalabkii lagu dhisi lahaa horraantiisiina waddanka soo gaadhey, wixii la ururiyey iyo halka ay maraysona ummadda fagaare loogu soo bandhigay… (a) BEEN      (b) RUN

 

·         Madaxweynuhu Muddo Kordhin ayuu doonayaa: iyada oo meel uu ka yidhi, cid uu ku yidhi, goor uu yidhi midina aanay jirin, sir iyo caad toonna… (a)BEEN      (b) RUN

 

·         Waddanka Nabadi Kama jirto: Iyada oo Madaxwynaheeda masaajidada shacabka kula tukado, suuqyadeedana in badan socod ku maro iyada oo aanu wadan ilaalo ka socota qaramada midoobey iyo Afrika… (a) BEEN      (b) RUN

 

·         Waddanku halkii u liidatey ayuu marayaa: Iyada oo miisaaniyadda qaranku shan jibbaarantey, horumar ballaadhan laga gaadhey dhinac walba, waxbarashadii kor u kacday oo sabool iyo hantiileba loo sinnaaday, ciidamadu derejadii qaateen, mushahaarooyinka ciidamada iyo shaqaalaha kor loo qaaday, garsoorka aan qabiilaysnayn la xoojiyey, sharciga iyo kala-dambayntii hirgashay… (a) BEEN      (b) RUN

 

·         Guddoomiye Cirro Waa laga Gardaran yahay: iyada oo aan cidiba ugu iman mooshinnada kala dambeeyey ee uu isaga iyo xulafadiisu ku kala firdhiyeen wadajirkii Golaha Wakiillada, isla markaana ku-digasho iyo aleegad ugu dareen burburintii qodobbada Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo kuwa Xeerhoosaadka, isla mar ahaantaana markii la isku soo miyirsaday iyagu afka gacanta geliyeen, haddii Guurtidu xal u heshayna, guul ka shhegteen… (a) BEEN     (b) RUN

 

·         Siyaasadda Arrimaha Dibeddu Waa Fadhiid: Iyada oo maqaamkii u sarreeyey iyo guulihii u ballaadhnaa qaddiyadda Somaliland gaadhey sannadihii u dambeeyey, gaar ahaan intii ay gadhwadeenka ka ahaayeen labadii wasiir ee u dambeeyey Mudane Maxamed Cabdullaahi Cumar iyo Mudane Maxamed Biixi Yoonis… (a) BEEN      (b) RUN

 

·         Iyo iyo iyo iyo….

 

 Dr. Deria N Jire

Nairobi, Kenya