17 Guuradii ka soo Wareegtey Doorashaii 2aad ee Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal 23/02/1997 (Shir Beeleedkii u Dambeeyey) Qaybtii 5aad

0
Sunday March 02, 2014 - 13:21:50 in by Super Admin
  • Visits: 1114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    17 Guuradii ka soo Wareegtey Doorashaii 2aad ee Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal 23/02/1997 (Shir Beeleedkii u Dambeeyey) Qaybtii 5aad

    Maxakamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamuud Axmed Faarax:-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxakamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamuud Axmed Faarax:-

Maxakamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamuud Axmed Faarax:-

Anigu muddo kooban ayaan joogey Maxakamadda Ma jirto Dacwad I soo gaadhey, Gudoomiyihii hore iima soo gudbin wax dacwad ah, oo ku Saabsan cababashada Murashixiinta, laakiin Maxakamaddu maaha hay’ad siyaasadeed waxaan idiin sheegayaa waa Muwaadiniin Murashixiintu waanay Dacwoon karaan"waxaanse idin Xusuusinayaa in maanta Shir-beeleedka Qaran ee Hargeysa ka socdaa uu Yahay Hay’adda keliya ee Dalka Ugu Saraysa,”

Hadaba Qoraalada waan soo yara koobayaa si aanay wakhti dheer inooga Qaadan waxaynu u soo Gudbaynaa, haweenka iyo Shirweynaha.


Haweenka iyo Shirweynha


Haweenka Jamhuuriydda Somaliland 10/12/1996 ayaa waxay u soo gudbiyeen shir gudoonka shirweynaha 3aad ee beelaha Somaliland codsi ay kaga dalbanayaa in Xubno Haween ah lagu daro ergooyinka si ay uga mid noqdaan Xubnaha Golayaasha qaranka sidaas Shirweynuhu waxaa ka hor akhriyey Qoraalka Gudoomiyihii Shir-Gudoonka Shiikh Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar, wuxuu yidhi :”Arrintan haweenku waa arrin Xasaasi ah Diin ahaan iyo Dhaqan ahaan,”Markaas Shir Gudoonka iyo Haweenka ayaa ka wada hadlaya.

Intaas ka bacdi waxaa shir Gudoonku isla qaatay in aan maanta loo baahnayn haween tartama ama golayaasha ka mid noqda waxayna ku sababeeyeen in lagu jiro dib u heshiisiin,


Shiikh Axmed Sh. Nuux Furre ayaa BBC waraystay waxa la waydiiyey Maxaa haweenka loogu diidey in ay Noqdaan ama isu Sharaxaan Madaxweyne wuxuu ku Jawaabey "Adeer Ma qaadi Karaan”

Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa Canab Cumar ileeye Ku Tidhi Madaxweyne Adigu Maxaad Dumarka u ogoshahay wuxuu ugu Jawaabey " koley intii Maxamed Siyaad Barre idin siiyey idiinka yarayn maayo”

La Soco Qaybta Dambe……… Doorashadii , Xidhintaankii Shirka iyo Billadii Qaranka oo la bixiyey yaa la siiyey……………………


Yusuf Mohamed Arish (Yusuf arts)

E-mail: - yuusufarts@hotmail.com

 

Burao, Somaliland