Kooxda Aston Villa Oo Garoonka Anfield Ku Garaacday Kooxda Liverpool
Tababaraha Liverpool ayaa isbedel ku sameeyay shaxdiisa isagoo ku soo bilaabay Lallana iyo Markovic halka uu kursiga keydka geliyay Raheem Sterling oo uu hore u sheegay inuu u baahan yahay nasasiino.
Laakiin shaxdaasi ma noqon mid uu durbadiiba ku faa’ido oo Aston Villa ayaa ciyaar adag ku soo bandhigtay Anfield, waxaana ay hogaanka u qabteen ciyaarta qeybteedii hore markii kooner ay si fiican u difaacan weysay Liverpool uu shabaqa la helay Gabriel Agbonlahor.
Aston Villa ayaana heshay fursado kale isla qeybtii hore ee ciyaarta laakiin kama aysan faa’deysanin, waxaana qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida ku aheyd Anfield.
Bilowgii qeybtii labaad sidoo kale waxba iska bedelin ciyaarta Liverpool ayaana ciyaarteeda waxaa ka muuqatay habacsanaan, tababaraha ayaana xilli danbe bedel sameeyay iyadoo Raheem Sterling uu bedel ku soo galay bartamihii qeybta labaad isagoo bedelay Adam Lallana.
Daqiiqadii 81aad ayayna Liverpool u dhawaatay inay hesho goolka barbaraha markii uu Coutinho sida Brazil lagu yaqaano qoob ka ciyaar ku soo galay xerada Aston Villa waxaana darbadiisa ay ku dhacday birta taasoo nasiibdarro ku aheyd.
Reds ayaana ku guuldareystay inay goolka barbaraha hesho taasoo ka dhigtay inay dhadhamiyaan guuldaradoodii labaad ee xilli ciyaareedka ka dib guuldaradii ka soo gaartay Man City. Waxaana ay ciyaarta ku dhamaatay 1-0 oo ay Aston Villa guusha ku raacday.
Afkashacabka.com / Cayaaraha
Contact@afkashacabka.com
Kooxda Aston Villa Oo Garoonka Anfield Ku Garaacday Kooxda Liverpool
Liverpool ayaa dhadhamisay guuldaradeedii labaad ee xilli ciyaareedka iyadoo guuldarro 1-0 ay ka soo gaartay kooxda Aston Villa oo marti ku aheyd garoonka Anfield.