Juventus Oo San Siro Ku Dubatay AC.Milan Siina Adkaysatay Hogaanka Horyaalka.

0
Monday March 03, 2014 - 05:20:42 in by London Office
  • Visits: 896
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Juventus Oo San Siro Ku Dubatay AC.Milan Siina Adkaysatay Hogaanka Horyaalka.

    Juventus Oo San Siro Ku Dubatay AC.Milan Siina Adkaysatay Hogaanka Horyaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Juventus Oo San Siro Ku Dubatay AC.Milan Siina Adkaysatay Hogaanka Horyaalka.

Kooxda Juventus ayaa guul ka gaartay kooxda AC.Milan oo ay marti ugu aheed garoonka San Siro ciyaar aad u xiiso badneed, AC.Milan ayaa wax walbo samaysay ciyaarta laakiin gool ayaa diiday iyagoona qaybtii hore iska qasaariyay fursado badan ugu danbayntiina ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 0-2 oo ay guushu ku raacday Juventus.

kooxda AC.Milan ayaa ciyaarta ku soo gashay weerar aan kala joogsi lahayn iyagoo helay fursado qaali ahaa waxaana ugu halisaneed fursad uu ka qasaariyay Kaka daqiiqadii 25 inkastoo kubadaas ay dhaaftay Buffon laakiin Bonucci ayaa kabad baadiyay inay sii gasho goolka, Buffon ayaa caawa si wayn uga hor istaagay kooxda AC.Milan inay dhaliso goolal,  43 daqiiqo Kaka ayaa u soo dhawaaday inuu dhaliyo gool mar kale laakiin Buffon ayaa ka badbaadiyay kubadaas.

44 daqiiqo kooxda Juventus ayaa heshay goolka koowaad waxaana u dhaliyay Fernando Llorente kadib kubad uu u soo qaaday Lichtsteiner isagoona shabaqa sii dhex dhigay kubadaas ciyaarta ayaa noqotay 0-1 sidaas ayaana lagu kala nastay qaybtii hore

Qaybtii danbe Milan ayaa isku dayday inay soo bar barayso ciyaarta laakiin fursadihii ay heleen uma badalin goolal, 68 daqiiqo Carlos Tevez ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxda Juventus kadib shuud xooganaa oo uu ku riday goolka Milan isagoona ciyaarta ka dhigay 0-2, ciyaarta ayaana ku soo idlaatay sidaas.

Bonucci oo bad baadinaya kubadii Kaka.

Afkashacabka.com

Rooma Italy/Office

Contact@afkashacabka.com