M/Ku xigeenka oo soo gabo-gabeeyay Sugidda Cuntada iyo Biyaha

0
Monday March 03, 2014 - 05:24:05 in by London Office
  • Visits: 982
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    M/Ku xigeenka oo soo gabo-gabeeyay Sugidda Cuntada iyo Biyaha

    M/Ku xigeenka oo soo gabo-gabeeyay Sugidda Cuntada iyo Biyaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

M/Ku xigeenka oo soo gabo-gabeeyay Sugidda Cuntada iyo Biyaha
M/Ku xigeenka oo soo gabo-gabeeyay Sugidda Cuntada iyo Biyaha

Hargeysa (afkashacabka.com)- Munaasibado kala duwan oo is huwan laguna soo gabagabaynayey todobaadka sugidda cuntada iyo biyaha ee Somaliland ayaa maanta lagu qabtay Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Munaasibaddaasi oo ahayd mid si qurux-badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Wasiirradda wasaaradaha Qorshaynta, Beeraha, Xanaanadda Xoolaha, Kaluumaysiga, Deenka iyo horumarinta reer miyiga iyo hay’adaha qaramada midoobay ee ka shaqeeya arrimaha cuntada iyo wax soo saarka khayraadka badda iyo berrigaba.

Dhinaca kale waxaa madashaasi si weyn uga dhex muuqanayey dadweyne fara badan oo iskaga kala yimid xaafadaha kala duwan ee magaaladda Hargeysa kuwaasi oo qayb ka ahaa bandhiga madashaasi.

agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta qaranka Cabdirashiid Axmed Guuleed oo halkaasi ka hadlay ayaa warbixin kooban ka bixiyey qaabkii loo soo waday todobaadkii ina dhaafay barnaamijkan oo loogu magacdaray todobaadka sugidda cuntada Somaliland.

Madaxa hay’adda IFAD Mr. Neol Harris oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay inay farsad u tahay isaga iyo hay’addisaba inay ka dhexmuuqdaan munaasibadan qiimaha badan ee lagu dhiiri galinayey wax soo saarka dalka Somaliland.

Sidoo kale waxaa isna halkaa ka hadlay Madaxa hay’adda FOA ee xafiiska Somaliland u qaabilsan qaramada midoobay Mr. Luca Alinovi,Phd waxaanu sheegay inay FOA ku han-weyntahay inay ka qayb qaadato barnaamijka lagu hormarinayo cuntada iyo wax soo saarka dhaqaalaha Somaliland.

Wasiirka Kalluumaysiga Cali Jaamac oo isna xafladdaasi ka hadlay ayaa sheegay inay dadka reer Somaliland faraha ka qaadeen wax soo saarkoodii waddaniga ahaa una jeesteen Baastada iyo Bariiska laga soo saaro waddamada shisheeyaha.

Waxaanu tilmaamay in waxyaabahaasi aan tayada fiican lahayn ee laga soo dhoofiyo dalalkaasi shisheeye ay keeneen cudurro kala duwan oo aanay bulshadud horey u lahaan jirin. Isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Maanta waad la socotaan inaynu faraha ka qaadnay oo aynu ku badalanay Baastada iyo Bariiska iyo saliidda shisheeyaha oo aynaan garanayn meeshii laga soo saaray”.

Wasiirka xanaanada xoolaha Dr. Cabdi Awdaahir Cali oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey qiimaha uu todobaadkani ugu fadhiyo Somaliland, kaasi oo uu tilmaamay in ay taariikhdu xusidoonto. waxaanu sheegay in danta laga leeyahaa barnaamijkani ay tahay in la hello cunto dalka ku filan iyo biyo nadiif ah.

Waxaanu yidhi "Waa todobaad aynu is xasuusinayno ma haysanaa cunto inagu filan ma haysanaa biyo inagu filan. Hadii biyo la helo cuno iyo caanaba waa la heli balse su’aashu waxay tahay sideebaynu kula soo baxnaa. kuwa Ilaa Bariga ilaa Galbeedka hadii aad socoto waxaad arkaysaa uun dhul oodan beeri makabaxday waamaya?, casw makabaxay waa maya?, xoolihii maku noolaanayaan, waa maya. hadii ay kuwa dhulka iska ootay wax la cuno uun inooga beeraan waxba inagama xumaadeen”.

Sidoo kale Dr. Cabdi Aw Daahir waxa uu sheegay inay wasaaradiisa iyo xooluhu sanadkiiba soo galiyaan dalka lacag dhan $500 00 Million oo Dollar bal se dhibaatadu ay tahya intii ay soo saareenba inay dadku hadana qaadka uun ku cunaan.

"Annagu waxaanu soo saaraa sanadkiiba $500,000 oo Million oo Dooler balse intiiba waxay dib ugu cunaa qaadka ee sideebaynu arrintaa ku xalinaa? anigu sidii afweyne odhan maayo aynu joojino oo wixii inaga raacay baynu ogeyn oo qolyahaa qaadka keenaa inaga yeeli maayaane waxaan odhan lahaa maalin galinkeed uun qaadka mayska joojinaa” ayuu yidhi wasiirka xooluhu.

Wasiirka Biyaha Xuseen Axmed Cabdulle oo isna halkaasi ka hadlay ayaa fariin u diray dadweynaha reer Somaliland, isaga oo ku dhiiri galiyey in ay xidhaan biyaha roobka gu’ga soo socda.

Wasiirka wasaaradda Beeraha Professor. Faarax Cilmi Geedoole oo isaguna xafladdaasi hadal ka jeediyay ayaa faahfaahiyay bandhigga carwadaasi iyo faa’iidadii ay lahayd, waxaanu sheegay in waxa ugu badan ee ay dadku beertaan uu yahay Hadhuudhka iyo Digirta taasina ay salka ku hayso siyaasadda dawladda uu ka tirsan yahay.

Prof. Geedoole ayaa hoosta ka xariiqay in haddii si fiican loo maalgaliyo beeralayda dalka sida dhul beereedka Bulaale inay wax badan oo dhaqaale ah dalka ka soo galin lahaayeen.

"Nin baa hal miis oo kaliya maanta soo dhigay 42 nooc oo kala duwan oo cuntada dalkeena laga soo saaro ah. Beeralaydaasi Bulaale waxay shaqaaleeyeen 5 inan oo ka soo baxay Jaamacadaha gaar ahaan kuwii soo bartay cilmiga Beeraha ee sacabka haloo garaaco. sanadkii hore iyo kan hadii aynyu isku qiysaasno 30000 baynu hoos u dhacnay waxaana laynooga baahan yahay inaynu xidhano biyaha isla markaana kor u qaadno qodoshada beeraha” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka qorsheynta iyo hormarint Dr. Sacad Cali Shirre oo isna halkaasi ka hadlay
ayaa u mahad celiyey shaqaalaha wasaaradaha ka soo shaqeeyey barnaamijkani iyo hay’adaha FOA iyo IFAT oo iyagu barnaamijkani gacan weyn ka gaystay iyo sidoo kale mulkiilaha Hoteelka Maan-soor oo ugu deeqay barnaamijkani in aanay bixin wax kharash ah ama kirro ah hoolkii barnaamijkaasi lagu soo bandhigay.

Dr. Sacad waxa uu ka warramay dhawr qodob oo la xidhiidha siyaasadda waddamada ay Somaliland cuntada ka soo iibsato iyo hadiiba ay dhacdo inay joojiyaan wadamadaasi iibgaynta wax soo saarkooda, sida ay Somaliland noqon doonto, waxaa kale oo uu sheegay in siyaasadda caalamka ee maantu ay tahay in ay maamulaan wadamadda Biyo iyo hub haysta, sidoo kalena ta mustaqbalka dunida u talindoonaan iyagu.

waxaanu yidhi "Kuweena dibadaha joogaa mararbay inoogu hanjabaan inay inaga joojin doonaan, waxay inoo soo diraan maxaynu yeeleyna amarkaa haday inaga joojiyaan. xoolaha biyaha iyo beerahaba iyo wixii la mid ah waa in la ilaaliyo”.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici oo gabagabadii xafladdaasi ka hadlay ayaa si aad ah ugu dheeraaday sida ay lagama maarmaanka u tahay in ay bulshadeenu u guntadaan wax soo saarka, isaga oo ku baraarjiyay inay dadku jiifka ka toosaan oo ay wax soo saarka xagga beeraha ah u jeestaan.

Md. Saylici waxa uu tusaale u soo qaatay faa’iidooyinka ay leedahay inay bushadu ku baraarugto khayraadka dalkooda yaalla, isaga oo si gaar ah ula hadlay ganacsatada dalka oo uu u soo jeediyay inay ganacsigooda Bariiska iyo Baastada ku daraan dhaqashada xoolaha oo uu sheegay inay ka heli lahaayeen faa’iidooyin ka badan ta ay ka helaan bariiska iyo baastada.

"Ganacsatadeenu maba yaqaaniin inay xoolaha dhaqashadoodu tahay ganacsi fiican oo lacag badan laga heli karo, bal se waxay ku mashquulsan yihiin Baastada iyo Bariiska kaliya. Nin baa yidhi Somalidu waa Bisadda oo kale waayo waxay u jeceshay inay kaluunka cunto kaluunkuna waxa uu ku dhexjiraa waxay ugu necebtahay oo ah biyaha Somaliduna waa sidaas oo kale oo waxna ma tabcadaan inay raaxaystaana way doonayaan” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenku.

Isaga oo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi "Xayawaanka kale oo dhammi waxa uu dhistaa gurigii uu gali lahaa balse Bisaddu waxba ma dhisato laakiin waxay jeceshay inay ku seexato meel quruxbadan iyo sariir uu qof gogladay Somaliduna waa sidaas oo kale mana shaqaysanayaan inay meel fiican ku noolaadaana ay jecelyihiin”.






Afkashacabka.com

Hargeisa/Office

Contact@afkashacabka.com