Gabadhii Ugu Horeysay Ee Soomaaliyad ah oo ka mid noqota BoolisKa Dalka Maraykanka
Khadra Maxamed, oo ah gabadh Soomaaliyeed ayaa waxay ka mid noqotay saraakiisha booliska magaalada St. Paul, ee dalka Mareykanka,
Khadra Maxamed, oo ah gabadh Soomaaliyeed ayaa waxay ka mid noqotay saraakiisha booliska magaalada St. Paul, ee dalka Mareykanka, taasi oo ka dhigaysa gabadhii ugu horeysay ee Soomaaliyad ah ee heerkaasi ka gaadha dalka Maraykanka.
Khadra waxay ka sheegtay xafladi lagu magacaabay sarkaal nimadeeda , in dalka Soomaaliya aanay ka dhicin in gabadh Soomaaliyeed ay noqoto saraakiisha ugu saraysa ciidamada booliska Maraykanka.
Xaflad shalay gelinkii dambe ka dhacday magaaladaasi ayaa Khadra loogu ogolaaday inay xidhato xijaabka iyo astaanta ciidanka booliska dalkaasi.
Khadra Waxay sheegtay inay aad u jeceshahay inay door weyn ka ciyaarto shaqada loo dhiibay isla markaana ay caawiso haweenka Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi Mareykanka gaar ahaan magaalada St. Paul.
Khadra Mohamed ayaa ku dhalatay dalka Kenya iyadoo qeyb kamid ah nolosheeda ku qaadatay magaalada imika ay sarkaalka booliska ka tahay.
contact@afkashacabka.com