Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Ee Somaliland Oo Garoonka Hargeysa Stadium Ka Bilaabmay

0
Wednesday September 24, 2014 - 18:30:45 in by salman abdi
  • Visits: 1711
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Ee Somaliland Oo Garoonka Hargeysa Stadium Ka Bilaabmay

    Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Ee Somaliland Ayaa Garoonka Hargeysa Stadium Ka Bilaabay Tartanka Orordda 3kilo Miter Kaas Oo Ay Ka Soo Qayb Galayaan Degmooyinka Hargeysa .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Ee Somaliland Ayaa Garoonka Hargeysa Stadium Ka Bilaabay Tartanka Orordda 3kilo Miter Kaas Oo Ay Ka Soo Qayb Galayaan Degmooyinka Hargeysa .

Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Ciyaaraha Dhalinyarada Iyo Dalxiiska Oo Si Rasmi Ah U Furay Tartankaasi Orodada Gelinkii Dambe ee Shalay Ayaa Tilmaamay In Ay Tartankan Uga Gol Leeyihiin Sidii Dhalinayro Wadanka Magaciisa Ku Ciyaarta Uga Soo Bixi Lahaayeen Isla Markaana Ay Tahay Mid Lagu Dhiiri Galinaayo Dhalinyarta Dalka Kaas Oo Dhalinyarada Ka Mashquulin Doona Mudada Uu Socdo Balwadaha Iyo Aafada Tahriibta.

Gudoomiyaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Ee Somaliland Mustafe Cali Nuur Ayaa Isna Sheegay In Ay Tartankan Xidhiidh Ahaan Soo Qaban Qaabiyeen Markii Afaraad , Tartankan Oo Ay Maalgelinayso Mudada Uu Socdo Wasaarada Ciyaaraha Dhalinyarada Iyo Dalxiisku , Waxanu Xusay In Tartankan Ay Hore U Qaban Jirtay Dawlada Hoose Ee Magaalada Hargeysa Isla Markaana Markii Ay Qaban Kari Wayday Ay Ka Xidhiidh Ahaan Ka Faa`Idaysteen, Waxaanu Sheegay In Degmooyinka Caasimadu Ka Qayb Qaadan Doonaan Orodkan 3 Kilmo Miter Degmo Kastana Ka Rabaan In Uu Ka Soo Baxaan Labaatan Orordyahan Oo Kaliya Dabdeed Marka Uu Tartankani Dhamaado Uu Xidhiidhku Qaban Doono Tartan Kale Oo Ka Soo Bilaabmi Doona Buurta Kala Jeexan Iyada Oo Xubnaha Ku Guuleysta La Abaal Marin Doono.

Gudoomiyaha Olympic Da Qaranka Xasan Waraabacade Oo Isna Goobtaasi Ka Hadlay Ayaa Tilmaamay In Orodku Ka Mid Yahay Waxayaabah Ugu Muhiimsan Ee La Dhiiri Geliyo Isla Markaana Waxa Uu Xidhiidhka Ka Dalbaday In Ay Bilaabaan Tartanka Orodada Ee Dugsiyada , Waxa Kale Oo Uu Xusay In Tartankan Looga Gol Leeyahay Sidii Looga Hor Tagi Lahaa Balwadaha , Tahriibta Iyo Dhibaatooyin Ay Dhalinyarada Caasimadu Kula Kacayeen Beryahan Dambe Shacabka Caasimada Ku Dhaqan.

Gebogebadii Xafladaas Waxa Ka Hadlay Xubno Ay Ka Mid Ahaayen Xogahayaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Mustafe Cabdi Xadi Iyo La Taliyaha Wasiirka Ciyaaraha Cumer Xuseen Qoobnaaji.

Contact@afkashacabka.com