Cayaaryahan caan ah oo u geeriyoodey Naxdinta goolkii Frank Lampard

0
Wednesday September 24, 2014 - 19:18:11 in by salman abdi
  • Visits: 1062
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cayaaryahan caan ah oo u geeriyoodey Naxdinta goolkii Frank Lampard

    Cayaaryahan u dhashay Dalka Ugandha oo lagu magacaabo Fahad Musanan ayaa geeriyoodey habeenkii Axadii kadib markii wadnaha looga soo boodey Xiligaas oo uu daawanayey Cayaartii Man City iyo Chelsea.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cayaaryahan u dhashay Dalka Ugandha oo lagu magacaabo Fahad Musanan ayaa geeriyoodey habeenkii Axadii kadib markii wadnaha looga soo boodey Xiligaas oo uu daawanayey Cayaartii Man City iyo Chelsea.


Ninkan geeriyoodey ayaa sida lasheegay waxa uu daawanayey Cayaartii dhex martay Manchester City iyo Chelsea waxa uuna dhulka ku dhacay markii uu Goolka Bareejada dhaliyey Cayaaryahankii hore ee Chelsea Frank Lampard markaas oo wadnaha looga soo boodey.

Saaxiibada Musanan ayaa u sheegay Wakaalada wararka Dalka Uyandha ee Kawowo news agency.in Cayaaryahankaan uu aad taageere ugu ahaa Kooxda Chelsea isla markaana ay u maleeyaan in u geeriyoodey Naxdinta Goolkii Lampard.

Sidoo kale Cayaaryahanka ay isku kooxda yihiin Gerald Bagoole ayaa isagoo jooga Ibitaalka lagu magacaabo Bombo Military Hospital, waxa uu sheegay in subixii Axada ay wada joogeen tababarka kooxdooda islana quraacdeen caafimaad kiisuna uu aad u wanaagsanaa weliba waxaan cabaar kasheekeysnay ayuu yiri Cayaarta oo Maqribkii bilaabaneysey waxaana ugu faanayey in kooxdeyda Arsenal badisay Chelsea laga doonayo sidaa oo kale aad ayuu faraxsanaa waxaanan ku kala tagnay waan kusoo wacayaa markey Cayaartu dhamaato laakiin nasiib daradan ayaa kasoo hormatay.

Dhanka kale Xiriirka kubada cagta Dalkaas ee Uganda Football Associations oo loo soo gaabiyo(FUFA) ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen ku xaqiijiyey Geerida Cayaaryahanka Fahad Musanan oo katirsanaa kooxda Milateriga dalkaas ee Simba FC,iyadoo warsaxaafadeedka lagu yiri naxdin ayaan kaqaadnay geerida deg dega ah ee kudhacday Cayaaryahanka waxaanan Xaqiijineyna in uu geeriyoodey kadib markii wadnaha looga soo boodey isagoo daawanaya kulan katirsanaa Horyaalka Dalka England.

Taageerayaasha iyo Maamulka Cayartoyda kooxda Simba FC ayaa iyaguna tacsi u diray ehelkiisa waxayna muujiyeen sida ay uga nexeen geerida Cayaaryahnkooda oo xubin muhiim ah ka ahaa kooxdaas.


Markasta Kale Saco wararki Udanbayay iyo Ciyarahu Udanbayay 

Contact@afkashacabka.com