Man United oo Diyaarad ku dulmari Doona kulanka Villarreal Iyo Real Madrid.

0
Thursday September 25, 2014 - 11:11:51 in by salman abdi
  • Visits: 1374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man United oo Diyaarad ku dulmari Doona kulanka Villarreal Iyo Real Madrid.

    Luis Suarez Oo Laba Gool U Dhaliyay Barca iyo Keylor Navas Oo Diyaar U Ah Inuu Casillas Kula Tartamo Goolhayaha Kowaad Ee R.Madrid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Luis Suarez Oo Laba Gool U Dhaliyay Barca iyo Keylor Navas Oo Diyaar U Ah Inuu Casillas Kula Tartamo Goolhayaha Kowaad Ee R.Madrid

Jamaahiirta Man United ayaa diyaarad uu saaran yahay Boodh uu ku xardhan yahay Ronaldo dib ugu soo laaboo gurigaaga ayay ku dul marindoona kulanka Villarreal Iyo Real Madrid.

Ronaldo ayaa lala xidhiidhinayay inuu dib ugu soo laabanayo Old Trafford waxayna koox ka mid ah taageerayaasha United abaabulayaan inay diyaarad ku dul maraan kulanka ay Real Madrid la ciyaari doono kooxd Villarreal waxayna ku soo qoran doonaan boodhka ay soo qaadan doonaan ‘Come home Ronaldo-United Reel’.

 

 

United Reel ayaa ah urur ay leeyihiin jamaahiirta United ee qaarad kasta oo aduunka ah waxayna sheegeen : " United Reel waxay si firfircoon uga jirtaa dhamaan qaaradaha aduunka, waxaananu u midaysanahay jacaylka Ronaldo ee shaqsi ahaan iyo ciyaartoy ahaanba”.sidan ayay kooxda jamaahiirt united ku sheegeen war ay soo saareen.

"waxaanu  utaaganahay aragtida United , mana joojin doono ilaa inta aanu Ronaldo keenayno girigiisa”.

Si kastaba ha ahaatee, Ronaldo oo ka hadlay kulankii ay Real 5:1 kaga badisay kooxda Elche ayaa sheegay inuu mustaqbalkiisu yaalo Santiago Bernabeu waxaana hadalkisii ka mid ahaa: "Halkan ayaan ku faraxsanahay mustaqbalkayguna wuxuu yaalaa Madrid”.

Luis Suarez Oo Laba Gool U Dhaliyay Barca B Waana Goolashiisii Ugu Horeeyay Isagoo Xidhan Maaliyada Barcelona

suarez1suarezsuarsuaruarsaurezzsuarez

Luis Suarez ayaa kooxda Barca B u dhaliyay laba gool kadib markii uu u saftay kulan saaxiibtinimo oo ay la ciyaartay kooxda 19 jirka ka hoosaysa ee Indonesia.waxakale oo kulankan isna  gool ka dhaliyay Thomas Vermaelen oo ay isna Barcelona xagaaga la soo wareegtay.

Kooxda Barca B ayaa 6:0 ku gumaaday kooxda Indonesia.Tababare Luis Enrique ayaa doonaya in Vermaelen iyo Suarez kooxda Barca B uga faa’iidaystaan inay taam unoqdaan kooxda kowaad.Vermaelen ayaa dhaawac ku maqnaa halka suarez uu ku jiro ganaaxii FIFA ku riday.

Suarez ayaa laba gool ka dhaliyay kulankan isla markaana caawiye ka ahaa midkale isagoo sabab u noqday in kooxda Barca B gaadho guul raaxo leh . in Suarez Barca B ka ciyaaraa isago oo kaliya faa’iido umay ahayn ee waxakale oo ka faa’iidaystay da’yarka Barcelona oo khibrad fiican ka helaya gooldhalihayaha ree Uruguay.

Suarez ayaa diyaar unoqon doona inuu Barcelona kala qayb galo kulanka Real Madrid iyo Barcelona ee 25 October ka dhici doona Santiago Bernabeu.

Keylor Navas Oo Diyaar U Ah Inuu Casillas Kula Tartamo Goolhayaha Kowaad Ee R.Madrid

Navas vs Casilas

Goolhayaha ay Real Madrid xagaaga la soo wareegtay ee Keylor Navas ayaa diyaar u ah inuu Casillas kula loolamo goolhayaha kowaad ee Real Madrid. Navas ayaa kulankii xalay ay Real Madrid 5:1 kaga badisay kooxda Elche goolka ku jiray.

Navas ayay Madrid kula soo wareegtay  €11.2 milyan oo yuro,iyadoo kala soo wareegtay kooxda Levante, wuxuuna kulankan Elche u ahaa kii ugu horeeyay ee uu horyaalka ku bilawdo goolka Madrid.

27 jirkan ree Costa Rica ayaa kulankii xalay sameeyay badbaadinta laba fursadood balse wuxuu awoodi waayay inuu joojiyo goolka Real Madrid looga hormaray ee uu dhaliyay Edu Albacar.

Navas oo ka hadlay arintan kadib guushii Real Madrid ayaa yidhi: "Waan faraxsanahay sababtoo ah kooxda ayaa guulaysatay, waxaanu qaadanay saddexda dhibcood waxananu doonaynaa inaanu sii wadno.wax badan ayaan kooxdan ka baranayaa, maanta waxaan hore u qaaday talaabo khaas u ah waayahayga ciyaareed”.

"Waxaan rajaynayaa inaan sii wado hanaankan isla markaana aan ciyaaro waqti badan si aan kooxda u caawiyo inay guulaysato.waa inaad si adag u shaqaysaa marka aad tabbabarka joogto si aad go’aanka ugu adkayso tababaraha marka uu dooranayo goolhayaha”.

Jamaahiirta Real Madrid ayaa hore ugu kala qaybsan tay arinta Casillas waxayna qayb ka mid ah Jamaahirta Madrid ku qayliyeen Casillas iyagoo doonaya in Ancelotti uu fursad siiyo Keylor Navas. 




Afkashacabka.com / Cayaaraha 

Contact@afkashacabka.com