Heshiisiinta Laba Belood oo Ka Mid Ah Beelaha Deg Gobolka Saraar oo lagu soo gabagbeeyey+Ururka Midnimo oo Shahaadon gudoonsiiyey Cidii ka Qayb qaadatay Arinkaasi+Qaar Ka Mid Wasiiradii Ku Jiray kulankaasi oon helin Shahaado Sharafyadaas=warbixin

0
Monday March 03, 2014 - 17:10:24 in by
  • Visits: 1048
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heshiisiinta Laba Belood oo Ka Mid Ah Beelaha Deg Gobolka Saraar oo lagu soo gabagbeeyey+Ururka Midnimo oo Shahaadon gudoonsiiyey Cidii ka Qayb qaadatay Arinkaasi+Qaar Ka Mid Wasiiradii Ku Jiray kulankaasi oon helin Shahaado Sharafyadaas=warbixin

    Sidoo kale ururkani oo mudooyinkan ugu danbayeey ku hawlanaa soo af jarida khilaafaadyadii ka dhex taagnaa Beelaha Cali Bare Iyo Reer Barre oo maalintii shalay lagusoo gabagabeeyey magaalada Ceeldhaab ee gobolka saraar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale ururkani oo mudooyinkan ugu danbayeey ku hawlanaa soo af jarida khilaafaadyadii ka dhex taagnaa Beelaha Cali Bare Iyo Reer Barre oo maalintii shalay lagusoo gabagabeeyey magaalada Ceeldhaab ee gobolka saraar

Ururka midnimo oo ka mid ah ururada sida waynuga shaqeeya deegaanada bariga Somaliland isla markaana inta badan ku hawlan horu marinta nabada iyo midaynta deeganada ay ka hawlgalaan, kaas oo mudooyinkii u danbaysay ku hawlanaa soo afjairada khilaafaad_beleedyadka ka deeganada ay ka shaqeeyaan sida khilaafyadii soo kala dhex galay beelaha Sacad yoonis iyo Reer Iidle kuwaas ooka qayb qaatay go,gol nabadeedyadii looga furay Degaanka Oog ee gobolka Saraar.

Sidoo kale ururkani oo mudooyinkan ugu danbayeey ku hawlanaa soo af jarida khilaafaadyadii ka dhex taagnaa Beelaha Cali Bare Iyo Reer Barre oo maalintii shalay lagusoo gabagabeeyey magaalada Ceeldhaab ee gobolka saraar.

Heshiisiinta beelaha Reer Barre iyo Reer Cali barre oo ay ka soo qayb galeen madax aad u tira badan oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arimaha gudaha Somaliland iyo wafti uu hogaaminaayey ,iyo cuqaasha iyo waxgaradka belahaasi.

Waxaana laysla meel dhigay waxyaabaha ay beelahaasi isku hayaanayadoona halkaasi lagusoo af jaray colaadii dhex taalay labadaa beelood ee walaalaha ah,waxaana munaasibadaasi uu Ururka Midnimo ku Gudoonsiiyey Dadkii Sida wayn uga shaqeeyey nabadd kusoo dabaalida labadaasi belood waxaana shahaado sharafyo ay ku mutaysteen dadaalkookad lagu gudoonsiiyey Salaadiinta iyo wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Cali Waran Cadde ,Cuqaashi iyo Sulaadiintii Shahaado Sharafyada La Siiyeyna Waa kuwan hoos Ku Xusa.

1.Suldaan cabdulaahi suldaan cali

2.Badhasabka Gobolka Saraar axmed cali nuur

3.Suldaan Ismaciil Nuur Wacays

4.Suldaan Carab Cabdi

5.Suldaan siciid yuusuf x.ducalle

6.Gudoomiyahi gudida dhexdhexadka Daa,uud Ogle Farax,

7.Suldaan Ibrahin Ismacil Cige

8.Haydhka Deganka Lagu Shirayey

 

Waxaana xusid Mudan in qaar ka mid ah wasiiradii ka qayb galay kulankaasi aan la siin shahaado sharafyadaasi la gusoonsiiyey wasiirka arimaha gudaha iyo salaadintaasi waxaana ka mid ahaa wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Cali Siciis Raygal,Wasiirka Duulista iyo Hawadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, oo kasoo kala jeeda labadani belood ee mudadada halka sano ah is hayeyey,mudadaasna ay manta uun ugu horayso.

waxaana aan arinkaasi wax ka waydiinay gudoomiyaha Ururka Midnimo Yuusuf Khaliif Waxaana uu noo sheegay "Cida aanu shahaado sharafta siinay waxa ay ahayd dadkii muadada halka sano ahayd ku hawlana so of jarida colaadihii iyo khilaafaadkii dhex yaalay labadaa belood ee walaalahaā€¯

 

Si Kastaba Ha Ahaatee Ururka midnimo oo dhidibada loo taagay sanadkii 2009kii kasoo loo aasaasay horu marinta iyo nabadaynta beelaha dega degaanada bariga Somaliland waxa ay xaruntiisa kobaad ku taalaa magaalada Burco waxaana uu intii uu jiray ka qayb qaatay horu marinta iyo midaynta beelaha dega gobolada bariga somalilad,ururkan oon haba yaratee aan cidi tageerin ayaa waxa uu isu abaabulay sidii uu horu mar la taaban karo uga gaysan laha gobolada bari ee Somaliland oo aad moodo inay ka danbeeyaan gobolada waqooyin ee dalka.

Isagoona dhiiri galin u ah qurbo joogta dalka sidii ay uga qayb qaadan laheen horu marinta dalkooda si loo hel horu marsan.

Afkashacabka.com/Burco Office

contect@afkashacabka.com