Daawo: Muuse Biixi Cabdi oo shaaciyay Mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta madaxwaynaha ee lahadalhayo
" Waxa weeye in Doorashada wakhtigeedii lagu qabto, Dadaala waanu ugu jiraa. Waakii Madaxweynuhu isagoo Baarlamaanka la hadlaya yidhi Saacad in lay kordhiyo diyaar uma ihi. Annagu waxaanu ku soconaa sida Distoorku dhigayo Shantii sano markay dhamaadaan in Doorashadii la qabto. Waanu ku dadaalaynaa cid walbana inay ku dadaasho weeye, wixii foorso maanjor ah ee awoodeena ka baxsan dee Ilaahaybaa ku shaqo leh, laakiin annagu mawqifkaanu ka taaganay waa kaas.” Ayuu yidhi Mujaahid Muuse Biixi oo waraysi siiyay Telefishanka Qaranka.
Gudoomiyaha Kulmiye oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaasi ku daray " Waanagii wada jir u saxeexnay in doorashada wakhtigeedii lagu qabto Saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinku, Madaxweynuhuna waxa uu warqad u diray Qolada inaga caawisa xaga doorashada, Xukumaddana waa ka diyaar xageeda wixii dhaqaale ah ee kaga soo hagaagay” ayuu yidhi Muuse Biixi.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Komishanka ay ku wada socdeen Qorshe ah in Doorashada wakhtigeedii lagu qabto, balse aanu garanayn waxa hadda keenay Cabashada iyo Mudo kordhinta ay ka dhawaajiyeen.
Mudooyinkii u dambeeyay ayaa si aada loo hadal hayay in Xukumaddu wado Qorshe laba sano loogu kordhinayo Mudada, inkasta oo wali sanad iyo badh uga hadhsan yahay Wakhtiga sharciga ah. Mucaaradka ayaa si adag uga soo horjeestay hadal hayntaasi oo aan si rasmi ah looga hayn Xukumadda.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxa uu sidoo kale Beeniyay warar sheegayay in Lacag gaadhaysa afar Milyan oo Doolar loo siiyay si uu uga tanaasulo Musharaxnimadiisa 2015-ka " horta Kalmadaas ah Lacag baa la siiyey meesha kuma jirto. Xataa wax-wax aan afka ku haboonayn ayaa jira. Qadiyada iyo masuuliyadda Qaranku wax iib gala maaha, waana wax aad u liita waxaasi waanan arkayay qaar waxaasi qoray, wax laga jawaabana maaha waa Arin aad u qaab daran. Ta Musharaxnimadu Shirkan kuma jirto wakhtigeediina ma joogno. Marka wakhtiga Musharaxnimada la gaadho dabcan dad badan ayaa xaq u leh inay ku yimaadaan is-sharaxaad. Markaa xiliga la gaadho ayaa laga wada hadlayaa yaa musharaxa sidaynu wax nidhaahnaa laakiin hadalkaasi imiku waa wax iska macno daro ah” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Xisbiga Kulmiye ayaa dhawaan Xaliyay Khilaaf mudo soo jiitamayay, kaasi oo lagu xaliyay inaan hogaanka Xisbigaasi lagu tartamin shirweynaha soo socda ee Kulmiye.
Daawo: Muuse Biixi Cabdi oo shaaciyay Mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta madaxwaynaha ee lahadalhayo
Muuse Biixi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal haynta Mudo kordhin Xukumadda Madaxweyne Siraanyo loo Sameeyo. Waxa uu sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii Doorashada wakhtigeedii loo qaban lahaa.