WAFTI WASIIRRO AH OO KU SUGAN GOBALKA SARAR 00 DHAGAX DHIGAY DHISMAHA MAXKAMADA IYO QAYBTA BOOLISKA EE GOBOLKA SARAR

0
Monday March 03, 2014 - 20:01:06 in by Super Admin
  • Visits: 1080
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAFTI WASIIRRO AH OO KU SUGAN GOBALKA SARAR 00 DHAGAX DHIGAY DHISMAHA MAXKAMADA IYO QAYBTA BOOLISKA EE GOBOLKA SARAR

    Wefti Wasiirro ah oo ka socda Xukuumadda Somaliland oo socdaal hawleed ku jooga Xarunta Gobolka Saraar ee Caynaba ayaa maanta dhagax dhigay dhismayaasha Xarunta Maxkamada Gobolka iyo Xarunta qaybta Booliska ee gobolkaasi oo hada la hir galinayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wefti Wasiirro ah oo ka socda Xukuumadda Somaliland oo socdaal hawleed ku jooga Xarunta Gobolka Saraar ee Caynaba ayaa maanta dhagax dhigay dhismayaasha Xarunta Maxkamada Gobolka iyo Xarunta qaybta Booliska ee gobolkaasi oo hada la hir galinayo.

Weftigani Wasiirrada ah oo uu hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancade, isla markaana ay ka mid ahaayeen Wasiirka Duulista iyo Hawadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali Saciid Raygal, Hawalaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo uu wehelinayey Gudoomiyaha Gobolka Saraar Axmed Cali Nuur ayaa hadalo ka jeediyey munaasibad loo qabtay dhagax dhiga labadaasi dhisme oo Xukuumadda Somaliland hir galinayso.


Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Saraar Gaashaanle Mahad Maxamed Cumar oo ka hadlay dhagax dhiga dhismaha xarunta booliska ayaa yidhi " Gobolkani wuxuu xuduud la leeyhay shan gobol, ciidanka joogaana ma badna laakin tayo wanaagsan ayuu leeyahay, saldhiga aanu ku shaqaynaa waa kaas idiin muuqda ee qabyada ah, maanta waxa farxad weyn loo ah inaad Wasiiradiinan sharafta lihi halkan nala joogtaan, noona dhagax dhigayaan qaybtii iyo saldhigii Booliska, waxa dhismahaasi uu naga furan doontaa baahi weyn oo aanu qabno.”

Gudoomiyaha Saraar Axmed Cali Nuur oo isagauna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi " waxaan aad ugu mahad naqayaaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo ka dhabeeyey balanqaadiisii ahaa in la dhiso xarunta booliska oo baahi weyn loo qabay, wax weynaha ayuu saldhigani xaga amaanka naga tari doonaa, waxaan u mahad naqayaa Wasiiradda nala jooga.”



Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancade, oo isagauna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi " runtii waa wax laga naxo sida aanu halkan saldhiga booliska uu yahay, maaha arag wanaagsan, labaatan sano ayeynu jirnay manay haboonayn inuu ilaa hada sidaa ahaado, maanta waxa dhagax dhigani uu ka dambeeyey balan qaad aanu ka soo qaadnay Madaxweynaha Somaliland, maanta waxaanu halkan idiinku dhagax dhiganayaa Xarunta Booliska iyo Maxkamadii Gobolka.”

Sidoo kalena Waxana masiiliyiintaasi ay dhagax dhigeen xarunta Maxkamada Gobolka waxa ka hadlay dhagax dhigaasi Wasiirka wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka Md. Maxamuud Xaashi Cabdi waxana uu yidhi " maanta waxa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo gadhwadeenka ka yahay ay gudoonsahtahay in la dhiso Maxkamadii gobolka iyada oo Maxkamadda cusubi ay badali doonta tii la dhisay sanahadii kontomeeyadii, iyo qaybtii booliska, ka dib markii ay xukuumaddu garawsatay muhiimada ay leeyihiin, sharaf weyn ayey noo tahay waana wax qabad bulshada deegaanka u soo kordhay, dhagax dhiganina maaha mid aanu dadka ku been beeninayno, xukuumadda Kulmiye ee Madaxweyne Siilaanyo hogaamiyaana dhagax beena meel ma dhigto mana safaado, bari waxa aynu arki doonaa Hadii ALLE idmo daaro qiima leh oo dhismahooda la dhamaayey.” Ayuuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.

Gudoomiyaha Maxkamadda Gudoomiyaha Saraar Sheekh Saalax Axmed oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka war bixiyey baahida ay u qabaan dhisme cusub, isaga oo Xukuuumadda ugu mahad celiyey hir galinta dhismahani cusub ee loo dhisayo.
Waftigani Wasiiradda ah ee hada ku sugan Caynabo ayaa Gobolada bari ee dalka u jooga hawlo Nabadayn ah, iyadoo heshiisyo kala dhex dhigay beelo walaalo ah oo ay shaqaaqo u dhaxaysay halka kuwo kale arintood ay ku gudo jiraan.




Afkashacabka.com
Caynaba /Office
Contact@afkashacabaka,com