Ethiopia oo bilowday daabulista hub iyo gaadiid ciidan,''Ethiopia waligeed cid kasta oo gacansiin codsata kama diidan sidaa darteedna waxaan galaynaa Somalia anagoo ka jawaabayna codsigaas isla mar ahaantaana gudanayna waajibaadka na saaran,'' ayuu yiri Wasiirka Difaaca ee Ethiopia Siraj Fegessa

0
Sunday February 02, 2014 - 20:16:45 in by Super Admin
  • Visits: 1225
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ethiopia oo bilowday daabulista hub iyo gaadiid ciidan,''Ethiopia waligeed cid kasta oo gacansiin codsata kama diidan sidaa darteedna waxaan galaynaa Somalia anagoo ka jawaabayna codsigaas isla mar ahaantaana gudanayna waajibaadka na saaran,'' ayuu yiri Wasiirka Difaaca ee Ethiopia Siraj Fegessa

    Militariga dowlada Ethiopia ayaa laba maalin ka hor bilaabay in Somalia usoo daabulo hub iyo gaadiid ciidan oo loogu talagalay ciidanka 4000 dhan ee dhawaan ku biiray howlgalada AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afka Shacabka
Militariga dowlada Ethiopia ayaa laba maalin ka hor bilaabay in Somalia usoo daabulo hub iyo gaadiid ciidan oo loogu talagalay ciidanka 4000 dhan ee dhawaan ku biiray howlgalada AMISOM.
Wasiirka Difaaca ee Ethiopia Siraj Fegessa oo ka hadlay munaasabad looga hadlayay bilwoga howlgalada ka dhanka ah Alshabaab ayaa sheegay in ciidanka Ethiopia ee ku biiray AMISOM wax weyn ka badly doono xaalada amniga ee Somalia.

Wuxuu wasiirku sheegay in Ciidanka Ethiopia uu leeyahay waaya aragnimo ku filan oo dhanka nabad ilaalinta ah sidaa darteedna si kalsooni iyo tayo leh ay ugadan doonaan waajibaadkooda Somalia.

Wasiirku wuxuu cadeeyay in ciidanka Ethiopia AMISOM ku biiray kadib markii cods.i uga yimid dadka soomaaliyeed,dowlada Soomaaliyed,Midowga Africa iyo Qaramada Midoobay.

‘‘Ethiopia waligeed cid kasta oo gacansiin codsata kama diidan sidaa darteedna waxaan galaynaa Somalia anagoo ka jawaabayna codsigaas isla mar ahaantaana gudanayna waajibaadka na saaran,’’ ayuu yiri wasiirku.

Madaxa qeybta loojistikada ee militariga Ethiopia General Ibrahim Cabduljadiid ayaa sheegay in ciidanka Ethiopia la siiyay tababarkii ay ubaahnaayeen loona diyaariyay 157 gaadiidka xamuulka qaada ah oo qalab miltari oo kala duwan ugayn doona ciidamada.

Dowlada Ethiopia ayaa dhawaan ciidan dhan 4395 ku biirisay howlgalada AMISOM kuwaas saldhig ka dhigtay magaalada Baydhaba.

Guud ahaan tirade ciidamada AMISOM ayaa la gaarsiiyay 22kun oo askari kuwaas oo la filayo in dhawaan weerar dhan walba ah ku qaadaan goobaha Shabaabku kaga sugan yihiin Somalia.