Kursiga Wasiirka Madaxtooyadda oo Olole ugu Jiraa Siyaasiyiin Badan oo Ka Tirsan Reer Somaliland....‏

0
Wednesday March 05, 2014 - 05:45:23 in by London Office
  • Visits: 1370
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kursiga Wasiirka Madaxtooyadda oo Olole ugu Jiraa Siyaasiyiin Badan oo Ka Tirsan Reer Somaliland....‏

    Korneel Jaamac Maxamuud Cigaal oo Olole' ugu Jira Hanashadda Kursiga Wasiirka Madaxtooyadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kursiga Wasiirka Madaxtooyadda oo Olole ugu Jiraa Siyaasiyiin Badan oo Ka Tirsan Reer Somaliland....‏
Korneel Jaamac Maxamuud Cigaal oo Olole' ugu Jira Hanashadda Kursiga Wasiirka Madaxtooyadda

Korneel Jaamac Maxamuud Cigaal oo Olole’ ugu Jira Hanashadda Kursiga Wasiirka Madaxtooyadda……


Hargeysa(afkashacabaka.com)Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo la’filaayo in uu sameeyo Bilahan Soo socda isku shaandhayntii ugu Balaadhnayd oo uu ku sameeyo Golihiisa wasiiradda ayaa waxa soo Buux dhaafiyay Xarunta Qasriga Madaxtooyadda JSL Odayaal, Madaxdhaqameedyo, Ganacsato ay saaxiib dhaw ahaayeen Madaxweyne Axmed Siilaanyo wakhtigii uu u ordaayay madaxtinimadda Dalka oo haatan imika uu yahay.

Isku shaandhayntan oo hadalhaynteedu ay saxaafaddu qaadaa dhigaysay ayaa wararku sheegayaan in doorkan Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku daraayo isku shaandhaanta Wasiiradda ay isku haybta yihiin oo labaddii dawr ee u dambeeyay uu ka dul booday, ilo wareedyo u dhuun daloola Madaxtooyadda ayaa sheegay in Booska Wasiirka Madaxtooyada Md Xirsi, uu Oday ay saaxiib hore ahaayeen Codsigiisa u keenay Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Odaygaas ololaha ugu jira in uu noqdo ayaa Lagumagacaabaa Jaamac Xaaji Maxamuudoo imika Maareeye ka ah Shirkadda SOMTEL. Ilo wareedyadda oo intaas ku daray in muddooyinkii u dambeeyay uu Korneel Jaamac Maxamuud Cigaal uu Olole xoogan ku hayay Xarunta Qasriga Madaxtooyadda isaga oo watay odayaal ay madaxweynaha ay inbadan saaxiib ahaayeen aadna isku qadariyaan.

Jaamac Maxamuud Cigaal oo ahaan jiray xubin Kulmiya ah oo aad u fir fircoonaa waagii doorashadda Madaxtooyadda ee sannadkii 2010-kii ayaa hore uga hadhay magacaabista xubnaha Golaha wasiiradda ee Xukuumadda Axmed Siilaanyo.

Wasiirka Madaxtooyadda Md Xirsi Xaaji Xasan oo Shacabka reer Somaliland aad u soo dhaweeyeen wax qabadka uu ka muujiyay wadooyinka, Bilicda Xarunta qasriga madaxtooyadda iyo xidhiidhka fiican ee uu la’leeyahay madaxweynihiisa, Md Xirsi markii uu saxeexay in da’yartu wax badan qaban karto ayaa Siyaasiyiin door ah ku loo lamayaan hanashadda kursiga uu maanta uu xilkiisa bhayo ee wasiirka Madaxtooyadda iyo dayactirka Waddooyinka.

Korneel Jaamac Maxamuud Cigaal oo ay saaxiibo ahaan jireen Wasiir Xirsi, waagii uu SOMTEL joogay Wasiir Xirsi ayaa maanta u eeg mid ku guul dareesanaaya hawsha uu dabada ka riixaayo marka la’eego xidhiidhka madaxweyne Siilaanyo iyo wasiir Xirsi X. Xasan ka dhaxeeya iyo wax qabadka Mugga leh ee uu muujiyay.

Hadal iyo gunaadkii waxa ay isku shaan dhayntani soo bixi doontaa dhamaadka Bishan aynu ku guda jirno sida ay ilo wareedyaddu shagayaan.

Freelance Journalist

Fikirkii Xsan Gaas Mucaawiye

Tell Number 063-4115543