Sababaha Keena Daalka Faraha Badan Iyo Sida Loo Daweeyo!

0
Monday October 20, 2014 - 18:50:06 in by Holland Office
  • Visits: 5355
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sababaha Keena Daalka Faraha Badan Iyo Sida Loo Daweeyo!

    Sababaha Keena Daalka Faraha Badan Iyo Sida Loo Daweeyo! Hurda yarida ayaa aan kaliya ahayn waxyaaba uu qofku u dareemo daal iyo tabcaan fara badan, balse waxaa jira waxyaabo kale oo uu qofku sameeyo dabadeed yaraysa awoodaada jidh ahaaneed iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sababaha Keena Daalka Faraha Badan Iyo Sida Loo Daweeyo! Hurda yarida ayaa aan kaliya ahayn waxyaaba uu qofku u dareemo daal iyo tabcaan fara badan, balse waxaa jira waxyaabo kale oo uu qofku sameeyo dabadeed yaraysa awoodaada jidh ahaaneed iyo ta caqli ahaaneed ba, waxhaabahan ayaa ah waxyaabaha aad samayso

Sidaa awgeed ayaa ay khubaradu daaha ka qaadeen caadooyinka xun xun ee ku dareensiiya daalka iyo waliba waxyaabaha lagaga hor tago ee lagu daweeyo daalka, si aad u dareento energy badan iyo awoodaada oo kor u kacda waxaana idiin soo gudbinaysa faaido.com, waa tan:

Samee jimicsi xataa hadii aad daallan tahay:

Waxa ku tidhi kuteen ah aan waxba ka jirin arinka ay dadku aaminsan yihiin ee ah in jimicsiga aad samaysid marka aad daasho uu dhibaato ku leeyahay jidhkaaga, diraasad ay soo saartay jaamacada Georgia ee wadanka maraykanka ayaa lagu cadeeyay arinkan.

Biyo aan kugu filnayn oo aad cabtid:

Marka aad cabi waydid biyo ku filan jidhkaaga haday doonto haba noqoto in ka yar %2 yaa waxa hoos u dhacaya awooda jidhkaaga, sida uu sheegayo Dr Emmy Jodson oo ah dhakhtar ku takhassusay cilmiga jidhka ayaa qalaylka ama ingaga ku imaada dhiigaag oo ay keento biyo yaraantu uu sababa in aad dareentid daal iyo burbur xoogan oo jidhkaaga ku baaha dabo iyo dacal ba.

Qaadasho la’aanta wax ku filan jidhka macdanta Zink:

Macdantan oo ku jirta cuntooyin badan oo ay ka mid yihiin hilibka cas, harakooga, misirka, beedka, khudaarta iyo fuulka ayaa hadii ay ku yaraato jidhkaaga aad dareemi kartaa daciifnimo xaga awooda ah, cadho badan oo aad wax kaste ka cadhootid, soo jeedida dareenkaaga oo hoos u dhaca dabadeed aad kolba khadka ka baxid, iyo waliba in ay Oxygentu si habsami ah u gaadhi waydo dhamaan jidhkaaga.

Baadhitaanka iyo raadinta dhamaystiranka:

Sida ay sheegayso Drs Eren Levin oo ah prefessor wax ka dhita jaamacada New York ayaa ay dadka qaar nafahooga u dajiyaan yoolal iyo ahdaaf aan macquul ahayn, amaba ay aad u adagtahay sidii loo xaqiijin lahaa, taasina ay ku keentaa in ay ku guul daraystaan dabadeed naftooda ka raali noqon waayaan, arinkan oo ku keena inay dareemaan daal badan oo joogto ah, sidaa awgeed xad u samee ahdaaftaada iyo yoolalka aad rabtid inaad gaadhid adigoon wax culays ah ku keenayn naftaada.

Quraac la’aanta aroortii:

Cuntada ayaa waxa ay jidhka u tahay shiidaal iyada oo marka aad seexatid uu jidhkaagu laasanayo cuntadii aad ku cashaysay habeenkaasi hore, sidaa awgeed si loo ilaaliyo habsamida ay oxygentu ugu faafayso jidhka ayaa waxa marka aad subaxii soo toostid ay tahay inaad markiiba jidhkaaga shiidaal ku shubtid adiga oo quraacanaya.

Cuntooyinka fudud ee u dhaxeeya waqtiyada la cunteeyo:

Cuntooyinka loo yaqaan Break ama musa sascaha ayaa waxay jidhka u leeyihiin ahmiyad aad u saraysa waayo waxay kor u qaadaan Gloucose-ta ku jirta jidhkaaga, taasina waxa ay kor u qaadaysaa awoodii aad shaqo ku qaban lahayd, sidaas awgeed waxaad ku dadaashaa inaad musasaacayso hadii aad shaqaynaysid iyo hadii aad wax baranaysid ba.

Waxa kugu adag inaad "MAYA” tidhaahdid:

Raali galinta dadka kale ayaa ah waxaad waligaa wada heli doonin amba aad suurto gal noqonayn, hadii aad maya odhan wayid waxyaabaha qaar waxa ay ka go’an tahay awoodaada ama energy-gaaga, isku day inaad ku raaxaysatid waqtigaaga adiga oon isku daalinahayn sidii aad dadka kale u raali galin lahayd.


Diyaariye Wariye :Mustafe Shawahaaye