Maxaad Ka Taqaanaa "Qiram" oo ah Magaca Ugu Hadal haynta Culus Haatan:-
Maxaad
Ka Taqaanaa "Qiram" oo ah Magaca Ugu Hadal haynta Culus Haatan:-
Waan idin Salaamay Dahamaantiinba Akhristow
Meelkasta aad joogtaanba. Inta aan maqaalkan bilaabin Kahor waxaan jeclaan
lahaa in aan inyar idiinka iftiimiyo
Waxa igu kalifay in aan ka faaloodo arintan Kor Ku xusan taas oo ay sabab u
tahay, markii aan arkay in aad moodid dalalka aduunka ugu wayne ee Maraykan iyo
Rush ay hada galeen Siyaasad Barobogaando iyo mid Awoodeedba Maadaama uu
Ruushku si rasmi ah ula Wareegan Gobolka Crimea ee Dalka Ukraine Hadaba
Waxaan Jecleestay in aan la wadaago Umada Somaaliyeed Taariikhda iyo Ahmiyadda
Ay leedahay Gobalka Qiram ee Dalka Ukraine:
05/03/2014
Ma ogtay Akhristow in Mushkilada Siyaasadeed ee hada Kataagan Ruushka iyo
Ukraine ee Gobolka "Crimea" ee loogu
dhawaaqo "Qiram" Muhiimadeeda Iyadoo Asal Ahaan Gobolkaasi uu Kasoo
Jeedo Asal ahaan Islaam-ka, Maxaad Ka taqaan Qiram ?? Qiram waa Gobol Ka
mid ah Jamhuuriyadda Ukraine, Macnaha Rasmigaa ee Qiram waxa la gu tilmaamaa "Qalcad" ama Goob, Luqada "Tataar", Tatarkuna waa
Qabiil ka mid ah Turki, Kuwaas oo Degenaanjiray Gobolka Qaroonaa, ee hada
Noqday Qiram, Sidoo Kale Qiram waxa ay Hoos timid Xukunkiii Islaamiga ahaa ee
Cusmaaniyiintii iyada oo uu Islaamku Soo gaadhay Gobolkaas Bilawgii" Qarnigiii 16 - aad" ee
miilaadiga , isagoo
islaamkuna aad iyo aad ugu faafay Gobolkaas. Iyadoo Loo sameeyaya Wilaayad
Islaami ah oo Caasimadna Nooga Dhigay "Biskhshi Saraayaa" magaalada
Ladhaho, Taas oo Islaamku Xukumayaayy ilaa ay ka yimaadeen Shuuciyiintii
Ruushka, Kuwaas oo Halaagay Dadkii iyo Dalkiiba, Sidoo Kale Qiram Waa Magaalo Istaatiiji ah oo leh Khayraad Dabiici
ah. oo ay ka mid yihiiin "Patrol,
Gas, Macdanta iyo Dhuxushuba". Iyo weliba Khyraad Daaqsimeed oo
Beereed oo farabadan. Sidoo kale ma ogtahay Akhristoow in ay Moosko Bixinjirtay
ama ay islaamka Siin jrtay "Jizyo" oo ah Cashuurta uu islaamku u jideeyay in uu ka
qaado Gaaladda La nool. taas oo socotay
mudo qarniyo ah ilamaa iyo ay Daciiftay Khilaafadii Cusmaaniyiinta Aakhirkii Qarniiii 18 -aad ee Milaadiga. Markaa Kadib waxa ay Shuuciyadii Ruushku awood u
yeelatay in ay qabsato Gobolkii "Qiram" ee islaamku ka talinjiray mudada Qarniyadda
ah. Se maxaad ka ogtahay Akhristoow
Ruushku markii uu galay Gobolkaas Islaamkaa waxii uu ku sameeyay ee ahaa Dilka
iyo Dhaca iyo Kufsiga, Iyadoo Taariikhdana Lagu sheego in ay Dileen Tiro
Muslimiin ah oo gaadhaysa 350,000
Sanad Gudihiis. intaas tiro
ka badana ay Ka carareeen . Taas oo la wareegatay Dhulkii Masaajidadii Lagu
cibaadaysanjirayna Baabiisay Ilaa ay ka Fidneeyeen Umadii Islaamka ahayd ee ku
dhaqneed Gobolkaas, Kadib Bolawgiii Qarnigii
20 -aad, ee miilaadiga ayaa waxa ay isku dayeen Tiro yar oo Islaam
ahi in ay ku soo laabtaay Gobolka Qiram siay did ugu soo celiyaan Islaamkii uguna
dhawaaqaan jahmuuriyada u gooni ah, Lkn Shuuciyiintii Ruushku umay ogolaan in
dib islaam ugu soo noqdo Qiram waxana ay Laayeen Culumadii islaamka ahaa ee Rabay
in ay dib usoo nooleeyaan Awoodii Islaamka uu ku lahaa Gobolka Qiram ee Dalka Ukraine. Markii ay Taarikhdu ahayd 1928
ayaa hogamiyihii Soviet Union ka ee la Odhanjiray "Joseph Stalin" waxa uu Damcay in uu Ka dhiso Qiram "Kayaan Yahuudi "oo uu ku Faafiyo Shuyuuciyadii markaa
Socotay. Kadib waxa ka horyimid Culumadii islaamka ahaa ee Ku Hadhay Qiram Kuwaas oo u badnaa imaamyadii Masaajidda, Nasiib
Daro Culumadii Dhamaantood Waa la Dal Dalay ilaa Tiro Gadhaysa 3,500 oo kamid
ah Imaamyadii Muslimiinta. Sidoo kale Waxa ay Mudadii u dhaxaysay 1838
Ilaa 1914 iskugu soo Aruurtay Tiradii Islaamka ee "Tattarka" ahaa
Tiro dhan 850,000 iyagoo Lagu qiyaasi jiray Muslimiinta
"Tattar" Malaayiin iyo Malayiin. taasna waxa kayntay Markii Badhna la
laayay Badhna La Caydhiyay Badhna La Fidneeyay oo Dintii Islaamka Laga
leexiyay. Sidoo kale akhristow Ma ogtahy Markii lagu jiray dagaalkii Labaad ee
Aduunka in Hogaamiyihii Sovietka ee "Staline" Ku eedeeyay Muslimiintii Qiram in ay Taageerayaan "Jarmalka" taasina ay keentay Markii Dagaal kii Labaad ee aduunku Dhamaaday in La laayo
hadhaagii Muslimiinta ahayd ee ku nooleed Gobolka Qiram, iyadoo Laga dhigay wax
la dilo iyo wax la eryado oo naftooda la baxsada iyo wax kale oo La Fidneeyo.
Ilaa islaamkii Ku dhaqnaa Mudadaa Qarniyadda ah uu noqday mid Laga Tir tiro "Qiram " Hada Dadka Ku nool Qiram ee Dalka Ukraine waxa Lagu Qiyaasaaa Tiro Dhan 2.5
Million Tiradda Islaamkaa ee ku noolna waxa lagu qiyaasaa 400 ilaa 500 oo Kun oo Muslimiin ah.
ALAA
MAHADLEH
Waad
Mahadsantihiin
Mahbuub
Hussein Ismail
Email:
engmahbuub@hotmail.com Tell: 063-4331708/9309754 Burao Somaliland
.
Maxaad Ka Taqaanaa "Qiram" oo ah Magaca Ugu Hadal haynta Culus Haatan:-
markii aan arkay in aad moodid dalalka aduunka ugu wayne ee Maraykan iyo Rush ay hada galeen Siyaasad Barobogaando iyo mid Awoodeedba Maadaama uu Ruushku si rasmi ah ula Wareegan Gobolka Crimea ee Dalka Ukraine