TAHRIIBKII GUUR BAA BADALAY!!!!

0
Wednesday March 05, 2014 - 19:49:33 in by Super Admin
  • Visits: 1296
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TAHRIIBKII GUUR BAA BADALAY!!!!

    Maanta diirada waxaynu saari doona,hal ku dhiga ah tahriibkii waxaa badalay guur.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta diirada waxaynu saari doona,hal ku dhiga ah tahriibkii waxaa badalay guur. Gabaygan waxa tirshay Axmed Maxammed Cabdalle, wuxuu ku laqimayaa astaamaha gabadha habboon ee guur loola hollan karo

Maanta diirada waxaynu saari doona,hal ku dhiga ah tahriibkii waxaa badalay guur.

Sanadihii u denbayeye waxaa dhagayhaga ku badanyeye,dhuuxii wadanka oo badaha isku guraya,si ay nolol u sameystaan,tan ay haatan ku noolyihiina ay uga baxaan,iyo dhuuxii wadanka oo aad u xiisaynayaa sidii ay mar uun u caga dhigi lahaayeen wadamada horumarka ay aabayaashood u sameeyeyen ee yurub.

Hadaba Da’yarta Aqoonyahanka ah iyo inta aqliga la saaxiibka ahiba, waxay ogadeen xaqiiqda yurub taala iyo tusaalayaal cad cad oo wadanka ugu yimid,iyaga oo indhahooda ku arkay Da’yar fara badan oo wadanka loo keenay dhaqan celin,iyo si ay u soo bartaan baladkooda hooyo,inta badan Da’yarta yurub joogata inyar mooyaanee aanaya intooda badan ka faa,iideysan jaaniska waxbarsho ee halkaa yaala,in badan oo dhuuxaasi

ka mid ahina ay ku jiraan jeelasha wadamadaasi,iyaga oo lagu qabto falal foolxun oo anshaxa iyo dhaqanka somalida aan hore looga baran iyo iyagoo suuqyada madow ku jira,waxaynu odhan karnaa waxay ka dhaxleen burburkii wadankii la isku odhan jirey Somalia,intii ka denbaysay 1988kii,

 

Si kastaba arrinku ha ahaadee,Da’yarta reer Somaliland waxay tahriibkii ku badaleen guur xalaal ah,iyada geediga noloshu yahay lamaane,lameene markuu imaadana ay noloshu kaamil noqonayso,ama ay dhameystirmayso.

Hadaba mudooyinkii u denbayeye waxaa dhagehaygaa ku yaraadey,DOON BAA KU QARQOONTAY BADA U DHEXEYSA LIIBIYA IYO TALYAANIGA,WAXAANA DHAGAHAYGA KU BATAYA DA’YAR AAD U GUURSANAYSA,oo fahmay ujeedada dhabta ah ee guurka.

Aqoonyahanka Da,yar baana u badan oo is calmaday ,oo aaminay dalkooda hooyo.

Waxaan maqaalkan haleelka ah ku soo afmeerayaa,dhuxii dalka oo fahmay qiimaha uu dalku u leeyahay iyo sida aanay meel kale oo wadankooda ahayn aanay ugu damaashaadi Karin ,

TAHRIIBKII GUUR BAA BADALAY!!!.waxaan ku soo gunaanadayaa gabaygaa.

 Gabaygan waxa tirshay Axmed Maxammed Cabdalle, wuxuu ku laqimayaa astaamaha gabadha habboon ee guur loola hollan karo, dhana waa amaan ku aadan gabdhaha soomaaliyeed , wuxuu yidhi:

Dumarku waxay ku roon yihiin inay damac lahaadaane

 Waa inaanay da’weynayn middaad guur u dayataaye

 Dabci waa inay leedahoo waana dabartaaye

 Waa inay dulqaad badan tahoo daacad kuu tahaye

 Deriskeeda waa inay xaqdhawr ugu dedaashaaye

 Doorkaad wax fari waa inaan lagu dadduucayne

 Waa inaanay ehelka u darrayn duul xigaala ahe

 Waa inaanay ubadkana dayicin dhab u daryeeshaaye

 Waa inaanay kaa dudin markaad yare is diiddaane

 Waa inaanay xidid kaa dacweyn doodna kuu qabine

 Waa inaanay kaa digin markaad duullimaad tahaye

 Waa inaanay debed meerinoo kaa dan badisaaye

 Waa inaanay dibindaabyo iyo duudmarka aqoone

 Waa inay dareen lexejecliyo doojin leedahaye

 Waa inay diyaafadin xarrago dookh u leedahaye

 Waa inay darmaan gaariyoo daran ahaataaye

 Duhur iyo habeen waa inay kuu diyaar tahaye

 Waa inay gacalo diirranoo debecsanaataaye

 Waa inay sidii daawad geel kugu dul reentaaye

 Waa inay ku deeqsiin kartaa waxadan doonayne

 Waa inay doc haasaawin iyo duluc lahaataaye

 Aqalkay dugsido waa inuun lagu dangiigaaye

 Waa inuu ku daaraa udgoon deyrka ka horowe’

 Derinteeda waa inaad tebtaa sida dalxiiskiiye

 Dar ilaahay waa inaad qalbiga uga ducaysaaye.

 

 

 

Qalinkii…AbdirisAZ Ahmed Jama

Email.alyoos87@hotmail.co.uk

Mobile.063-4113511 ama 91130031

ALLAH MAHAD LEH