Qodobada uu Guddomiye Cirro Wax ka bedelka ku sameyey ee u gudbiye Guurtida iyo Qoraalki ay Guurtidu u Dirtay Gudomiyaha Golaha Wakiilada

0
Thursday October 23, 2014 - 08:04:40 in by
  • Visits: 718
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qodobada uu Guddomiye Cirro Wax ka bedelka ku sameyey ee u gudbiye Guurtida iyo Qoraalki ay Guurtidu u Dirtay Gudomiyaha Golaha Wakiilada

    Xildhibaano Khiyaamo Qaran ku Eedeyey Guddomiyaha Golaha Wakiilada ayaa soo bandhigay qodobbada ay ku eedeeyeen in Guddoomiye Cirro wax ka badalka ku sameeyay xeerka diwaangelinta, ka hor intaan loo gudbin Guurtida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaano Khiyaamo Qaran ku Eedeyey Guddomiyaha Golaha Wakiilada ayaa soo bandhigay qodobbada ay ku eedeeyeen in Guddoomiye Cirro wax ka badalka ku sameeyay xeerka diwaangelinta, ka hor intaan loo gudbin Guurtida.

Qodobka 2-aad (Xeerka Diwaangelinta)


Erey Bixinta:-


Waxa La tirey, la soo biiriyey (kordhiyey) ama la dhalan gediyay Macnihii xeerku siiyay erayadan soo socda.


Diwaanka


Qoraalkii Golaha Wakiiladu u codeeyey wuxuu u qornaa sidan:


Diwaanka:waxa loola jeedaa diwaanka lagu qoro Xogta muwaadiniinta Warqadda Aqoonsiga iyo cod-bixiyayaash.


Qoraalka Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu sameeyay ee uu u gudbiyey Golaha Guurtida wuxuu u beddelay sidan:


Diwaanka:Waxa loola jeedaa diwaanka Lagu qoro Magacyada cod-bixiyayaasha ee goob doorasho kasta.


2. DIWAANKA GUUD


Qoraalka Golaha Wakiiladu u codeeyay wuxuu u qornaa sidan:


Diwaanka guud: Waxa Loola jeedaa diwaannada dhexe ee la dhigo xarunta wasaaradda arrimaha gudaha iyo komishanka doorashooyinka, kuwaasi oo lagu keydiyo dhammaan Xogta muwaadinka.


Qoraalka Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu sameeyay ee uu u gudbiyey Golaha Guurtida wuxuu u beddelay sidan:


Diwaanka guud:Waxa Loola jeedaa diwaannada dhexe ee la dhigo xarunta Komishanka doorashooyinka, kaasoo lagu keydiyo dhammaan Magacyadacod-bixiyayaasha Qaranka Somaliland…..


Dhanka kale, waxaanu xildhibaannada soo bandhigay isbedalka lagu sameeyay xeerka diwaangelinta ee khilaafku ka taagan yahay, ayaa waxay soo bandhigeen warqaddii uu Guddoomiyaha Guurtidu u soo diray Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, taasi oo nuxukeedu ahaa inay is khilaafsan yihiin xeerka loo gudbiyey Guurtida iyo kii ay ansixiyeen mudanayaasha Golaha Wakiiladu.


Warqaddaasi oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aaden, ayaa u dhignayd sidan:-


Ujeeddo: Wax Ka Bedal Xeerka Diwaangelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer L/n 37/2010.


Ku: Guddoomiyaha Golaha Wakiilada JSL

"Mudane Guddoomiye, wax ka bedalka xeerka diwaangelinta cod-bixiyayaasha Xeer L/n 37/2010, ee aad Golaha Guurtida u soo gudbiseen, kuna lifaaqan halkan iyo kii aad golaha (Wakiilada) ka ansixiseen farqi ayaa u dhexeeya, sida ku cad qodobka 7-aad, farqaddiisa labaad, qodobka 25-aad iyo qodobka 26-aad, sidaa daraadeed waxa la idinka codsanayaa inaad isa soo waafajisaan, soona gudbisaan nuqul rasmiya oo ah kii golaha ka ansaxay ee ay sharciga ahayd inaad noo soo gudbisaan”


Guddoomiyaha Golaha Guurtida JSL

Md. Saleebaan Maxamuud Aaden