Hargeysa: Kaba Tole Xaaskiisi Mindi ku Dilay Saqbadhkii Habeen Hore iyo Dilalka Qorshaysan oo ku so badanaya Dalka

0
Thursday October 23, 2014 - 10:02:38 in by salman abdi
  • Visits: 841
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa: Kaba Tole Xaaskiisi Mindi ku Dilay Saqbadhkii Habeen Hore iyo Dilalka Qorshaysan oo ku so badanaya Dalka

    Dil argagax badan dhaliyay ayaa ka dhacay magaalada Hargeysa habeenkii Salaasada, ka dib markii nin ka mid ahaa Dadka kabaha tola ama sameeya (Kabo-tole) uu mindi ku khaarajiyay Xaaskii uu qabay oo afar ubad ah u dhashay!.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dil argagax badan dhaliyay ayaa ka dhacay magaalada Hargeysa habeenkii Salaasada, ka dib markii nin ka mid ahaa Dadka kabaha tola ama sameeya (Kabo-tole) uu mindi ku khaarajiyay Xaaskii uu qabay oo afar ubad ah u dhashay!.


Gacan ku dhiigale Gaydh Faarax Cabdilaahi, ayaa qudha kaga jaray mindi uu ku jeex-jeexi jirey kabaha uu ka shaqeeyo abaarro saddexdii iyo badhkii saqbadhkii habeenimadii salaasadii todobadka iyagoo gurigooda jooga, sida ay Caynaba News u xaqiijiyeen dad goob-joogeyaala.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Daami ee degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa. Ciidanka Bilayska ayaa ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan gacanta ku dhiglihii falkan foosha xun gestay, islamarkaana u taxaabay xabsiga iyagoo baadhaya sababihii dilka dhaliyay.
waxaana isla shalay gelinkii dambe la aasay Marxuumada uu dilay ee xaaskiisa ahayd magaalada Hargeysa.

Gacan ku dhiglaha falkan foosha xun gestay, ayaa muddo hore dilay walaalkii oo qabay xaaskiisan uu dilay sida ay goob joogayaal jaarka ahi sheegeen.


Dhanka Kale Xukumada Kulmiye Ayaa dad Kor u dhaafya Kun Qof oo Gacan Ku Dhiiglayaal ah ku haysa xabsiyada dalka taasi oo Shacabka Somaliland Ku Macneeyeen dilka Ku Soo Badanaaya Somaliland In Hadii Cidii Cid Disha La toogto Ay Dadku Kala Biqi Lahayeen Balse Xukumada Iyo Haay'ado Ayaa Jeelasha Ku Biiliya Gacan Ku Dhiiglayaasha Jeelasha Buux Dhaafiyey Tana Waxay Fududaynaysaa In Qofkii Rabaaba Qof Dilo Maadaama Aan La Dilayn Oo Jeelasha Dalka Lagu Biilinaayo, ogyahayna in xabsi uun lagu Ridayo. 



Contact@afkashacabka.com