Natiijooyinka Champion-ka : Real Madrid Oo GuusheediiUgu Horaysay Liverpool Ka Gaadhay ,Arsenal Oo Laba Daqiiqo Guul ku Gaaday Iyo Juventus Oo Guuldaro Kala Kulantay Olympiacos Iyo Kala Sareenta Group-da

0
Thursday October 23, 2014 - 12:02:16 in by Burco Office
  • Visits: 1338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Natiijooyinka Champion-ka : Real Madrid Oo GuusheediiUgu Horaysay Liverpool Ka Gaadhay ,Arsenal Oo Laba Daqiiqo Guul ku Gaaday Iyo Juventus Oo Guuldaro Kala Kulantay Olympiacos Iyo Kala Sareenta Group-da

    Haddii sideed kulan ee habeem hore ay kooxuhu iska dhaliyeen 40 gool ayaa sideedii kulan ee xalayna kooxuhu iska dhaliyeen 19 gool oo kaliya waana intii gool ee ay kulamdii xalay ay kooxuhu iska dhaliyeen qaybtii hore ee ciyaarahaas.haddaba halkan ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii sideed kulan ee habeem hore ay kooxuhu iska dhaliyeen 40 gool ayaa sideedii kulan ee xalayna kooxuhu iska dhaliyeen 19 gool oo kaliya waana intii gool ee ay kulamdii xalay ay kooxuhu iska dhaliyeen qaybtii hore ee ciyaarahaas.haddaba halkan kaga bogo warbixinaha kulamada Liverpool vs Real Madrid, Anderlecht Vs Arsenal iyo Olympiacos Vs Juventus. waxakale oo aad fiirin kartaa natiijooyinka dhamaan kulamadii xalay la ciyaaray.

Liverpool Vs Real Madrid:

Real Madrid ayaa doonaysay inay soo gabagabayso dhibaatada ka haysatay inaysan waligeed ka guulaysan Liverpool, waxayna soo kale ka fikiraysay inay gaadho kulan keedii saddexaad ee Champions Leaquega heerkiisa group-yada oo xidhiidh ah.

Daqiiqadii 23 aad ayuu Cristiano Ronald kooxdiisa Real Madrid hogaanka u dhiibay. Ronaldo ayaana kubbad layaableh oo uu ka helay James Rodriguez ayuu sifiican uga dhex qaatay difaaca Liverpool sidaana wuxuu ku soo gabagabeeyay gool la’aantii ka haysatay inuu Anfield gool ku dhaliyo. Ronaldo ayaana dhaliyay goolkiisii 70 aad ee uu ka dhaliyo Champions Leaqeuga.Ciyaarta ayaana noqotay 1:0 ay Real Madrid hogaanka ku qabatay.

Cristiano Ronaldo ayaa 55 gool oo Champions Leaquega ah u dhaliyay Real Madrid kadib markii uu u saftay 55 kulan oo Champions League ah.

Markale ayay Real Madrid hogaanka dheeraysatay kadib markii uu Karim Benzema u dhaliyay gool qurux badan oo uu madax ugu dhaliyay kooxdiisa, wuxuuna jatiijada ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Real Madrid hogaanka ku dheeraysatay.

Real Madrid ayaana u muuqatay inay gacanta ku dhigtay maamulka ciyaarta, waxaana markale Real Madrid goolka saddexaad u dhaliyay Benzema . Benzema ayaa daqiiqadii 41 aad kooxdiisa u dhaliyay goolka saddexaad iyo waliba goolkiisa labaad ee ciyaarta.

Dhamaadkii qaybtii hore ee ciyaarta ayay Liverpool u muuqtay inay heshay goolka kowaad kadib markii uu Coutinho goolka Madrid uu inta uu meel fog ka soo toogtay uu birta kaga gariiriyay. Qaybtii hore ee ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 3:0 ay Real Madrid gacanta sare ku leedahay.

Waa kulankii ugu horeeyay ee Liverpool 3 gool laga dhiliyo qaybta hore ee ciyaarta tan iyo sanadkii 2005 markaas oo finalkii Champions Leaquega ay AC Milan ka dhalisay balse ay haddana iyadu koobkaas ku guulaysatay.

Markii layskugu soo laabtay qabtii danbe ee ciyaart ayuu Rodgers badalay Balotelli oo aan wax saamayn ah ciyaarta kulahayn wuxuuna soo galiyay Adam Lallana. Liverpool ayay dhibaato wayni ka haysatay dhinaca weerarka iyo waliba difaaca.

Carlo Ancelotti ayaa daqiiqadii 64 aad badal ku saaray Cristiano Ronaldo isagoo doonaya inuusan wax dhibaato ah soo gadhin,wuxuuna ka fikirayay kulanka sabtida ee Clasico ee dhex maridoona Real Madrid iyo Barcelona. waa sidii uu xalay sameeyay Luis Enriqui isagoo sidan oo kale badal ku saaray Messi iyo Neymar.

Ugu danbayn kulanka dhex maray Liverpool iyo Real Madrid ayaa ku soo dhamaaday isla natiijadii uu ku dhamaaday qaybtii hore ee ciyaarta. Inkasta oo ay Liveprool dadaal badan samaysay qabtii danbe ee ciyaarta ayay haddana ku guul daraysatay inay soo tabato shabaqa uu Casillas waardiyaha ka hayay. waa dhibaato horleh oo soo gaadhay Liverpool.

Kala saraynta Group B:


 

Anderlecht Vs Arsenal:

Kulankan dhex maray kooxdaha Anderlecht iyo Arsenal ayaa qaybtii hore ahaa mid qabaw isla markaana ayna labada koox ku soo bandhigin qaab ciyaareed fiican.Ciyaartoyda khadka dhexe ee Arsenal ayaana ku guul daraystay inay sameeyaan fursado goolal lagu dhalin karo. qaytbii hore ee ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay barbaro gool la’aan ah. Dhinaca kale kulanka dhex maraayay Galatasaray iyo Dortmund ayaa qaybtii hore ee ciyaarta ku dhamaaday 3:0 ay Dortmund ku hogaaminayso.

Qaybtii danbe ee ciyaarta ayay inta badan ciyaartu sii ahayd qaabkii ay ahayd waqtigii nasashada ka hor balse Anderlecht ayaa goolkeeda kowaad la timid daqiiqadii 71 aad . Waxaana goolkaas u dhaliyay laacibkeeda Andy Naja, wuxuuna natiijada ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Anderlecht ciyaarta ku hogaaminayso.

Markii ay ciyaartu dhamaynaysay ayay Arsenal hurdada ka kacday waxayna daqiiqadii 89 aad la timid goolka barbaraha waxaana goolkaas u dhaliyayKieran Gibbs. Laba daqiiqo ka dib ayuuPodolski kooxdiisa Arsenal u dhaliyay goolka guusha. saddex daqiiqo ka hor waxaa laga fikiraayay inay guul daro Arsenal ka soo gaadhayso balse laba daqiiqo gudahood ayay Arsenal kulankan ku qaadatay saddexda dhibcood.

Ugu danabayn kulankan ayaana ku soo dhamaaday 2:1 ay Arsenal guushu ku raacday. Arsenal ayaa inta badan ciyaarta ku dhamaysatay qaab ciyaareed aan fiicnayn balse ugu danayn waxay heleen waxay u baahnaayeen oo ah inay saddexda dhibcood soo qaataan.


Wenger ayaana sanad guurada dhalashadiisa ee 65 jirka guul muhiim ah kula dabaal dagay kooxdiisa. waa guushii labaad ee ay Arsenal gaadho iyadoo kulankii horena guul muhiim ah ka soo gaadhay Galatasaray. Guusha Arsenal ay Anderlecht ka soo gaadhay ayaa u sahashay inay kaalinta labaad ka gasho group D oo ay 9 dhibcood ku hogaaminayso Dortmund.

Kala saraynta Group D :

Olympiacos Vs Juventus:

Juventus oo marti u ahayd kooxda Olympiacos ayaa ka fikiraysay inay ka soo kabsato guul daradii ka soo gaadhay Atletico Madrid. Olympiacos oo qaab ciyaareed fiican ku jirtay kulamadii hore ayaa iyaduna dhankeeda doonaysay inay iyadoo gurigeeda iyo jamaahiirta ka faa’iidaysanaysa inay guul muhiim ah ka gaadho kooxda Juventus.

Daqiiqadii 36 aad ayay Olympiacos hogaanka la wareegtay waxaana goolkaas u dhaliyay Pajtim Kasami, natiijada ciyaarta ayuuna ka dhigay 1:0 ay Olympiacos ciyaarta ku hogaaminayso.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayayna Juventus haddana Juventus ku guul daraysatay inay wax gool ah ka dhaliso kooxda Olympiakos.Ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 1:0 kii ay Olmpiakos dhalisay qaybtii hore ee ciyaarta.

Haddii ay Juventus la dhibaataysnayd inay wax gool ah dhaliso Atltico Madrid oo ay isku group yihiin ayaa 5:o ku xaaqday kooxda Malmo. Guusha Atletico Madrid iyo waliba tan Olympiakos ayaa xaalka rajadii Juventus ee Champions leaquega halis galinaysa waxayna Juventus guul kaagay kulankii Malmo oo kaliya.

Kala saraynta group A :


Halkan ka fiiri natiijada kulamadii caawa la ciyaaray oo dhamaystiran.





Contact@afkashacabka.com