Haween Farabadan Oo Markale Nigeria Lagu Afduubay.

0
Thursday October 23, 2014 - 22:38:37 in by salman abdi
  • Visits: 820
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haween Farabadan Oo Markale Nigeria Lagu Afduubay.

    Tiro Dumar ah ayaa lagu soo waramayaa in ay afduubteen dad looga shakiyey inay ka tirsanyihiin kooxda Boko Haram, waqooyi bari dalka Nigeria.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tiro Dumar ah ayaa lagu soo waramayaa in ay afduubteen dad looga shakiyey inay ka tirsanyihiin kooxda Boko Haram, waqooyi bari dalka Nigeria.


Arrintaas waxay ka dhacday laba degaan oo ku yaala gobolka waqooyiga galbeed ee Adamawa.

Xukuumadu weli ma aanay xaqiijin afduubkan, balse dadka degaanka ayaa sheegaya in afduubkan uu dhacay maalin ka dib markii miletariga Nigeria uu sheegay in uu heshiis xabad joojin ah la galay Boko Haram.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in koox ay weerartay xaafado, waxayna meel isu geeyeen dumarka.


Waxaa aad u adag in warar laga helo degaanada, waana sabata ay wakhti badan u qaadatay in la helo wararka ku saabsan weerarkan.

Dowladda Nigeria ayaa rajenaysa in kooxda Boko Haram ay sii deyn doonto in ka badan 200 oo gabdhood oo ay bishii Abril afduubtay.


Contact@afkashacabka.com