SIDEED KU NOQONKARTAA SIYAASI GUULEESTA :10 Points: By Eng- Mahbuub Hussein Ismail

0
Saturday March 08, 2014 - 19:26:47 in by Super Admin
  • Visits: 1720
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SIDEED KU NOQONKARTAA SIYAASI GUULEESTA :10 Points: By Eng- Mahbuub Hussein Ismail

    Waxa igu kalifay in aan ka faaloodo arintan Kor Ku xusan taas oo ay sabab u tahay, markii aan arkay in Bulsha wayntii somaliyeed dhamaantood ay uwada holeeleen dhankaa iyo siyaasada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa igu kalifay in aan ka faaloodo arintan Kor Ku xusan taas oo ay sabab u tahay, markii aan arkay in Bulsha wayntii somaliyeed dhamaantood ay uwada holeeleen dhankaa iyo siyaasada

SIDEED KU NOQONKARTAA SIYAASI GUULEESTA :10 Points: By Eng- Mahbuub Hussein Ismail

Waan idin Salaamay Dahamaantiinba Akhristow Meelkasta aad joogtaanba. Inta aan maqaalkan bilaabin Kahor waxaan jeclaan lahaa in aan inyar idiinka  iftiimiyo Waxa igu kalifay in aan ka faaloodo arintan Kor Ku xusan taas oo ay sabab u tahay, markii aan arkay in Bulsha wayntii somaliyeed dhamaantood ay uwada holeeleen dhankaa iyo siyaasada, iyada oo ay yartahay kadib marka uu qofku siyaasada ku biirto inta ku guuleesya ama siyaasadoodu ay noqoto mid dhaxalgal ah oo dadka danbe ee siyaasiyiinta ah ka faa-iideesato, sidaas darted waxaan jecleestay in aad ila wadaagtaan 10 step oo aan is idhi hadii uu qofka raba in uu Siyaasi Guuleesta noqdo uu dhaqmo gaadhi doono Goalkiisa ama Hadafkiisa Siyaasaeed, xxxxxxxx Qodobadiina waa Sidan:-

8/03/2014

1.   Marka Hore Ogow Cida aad u shaqaynaysid, u shaqee Bulshadda, Naftaada Ha u shaqeen.

2.  Ku Bilow tan yar,  adigoo marka hore kaso bilaabaya siayasada xaga hoose sida sarkaal Degmo, Agaasime, Gole deegaan, Hadii aad tahay arday School Dhigtana Ku bilow "Kaabo Class” , isku day in aad markasta La hadashid Cida kula Facaa Dhamaandood waxad ka helaysaa Waxa loo yaqan Khibrad.

3.  Markasta isku day in aad Practice garaysid xirfadaada Dad la hadalka, ama (Public speak skills) waxa loo yaqaano, adigoo marka aad la hadlaysid Bulshada soo qaadanaya Dhacdooyin Xaqiiqaa, isku na dayaya in aad markasta la hadashid dadka aad maalinkasta la kulmaysid , sida Dadka aad meelaha lagu nasto ama  wax laga cuno kula kulantid, si aad uga dhaadhicisid Fikirkaaga ama siyaasadaada.

4.  Markasta isku day in aad Xiriir La samaysid Bulshada Qeebaheeda Kala Duwan, khaas ahaan ku wa kula position ka ah ee aad isleedahay tartankaaga Siyaasadeed ayay kuu fududeenayaan.

5.  Lasoco Markasta Dhacdadda Taagan, ama waxa loyaqaano (Current Event) Haday tahay mida (Gudaha, Dibadda, iyo dhanka Siyaasadaba), Markasta isku day is aan bulshada u soo gudbiso dhacdada Dhabta ah ee ka Taagan Hadba meeshaad Dan u aragtid, si Hadalkaagu u noqdo mid Lafisho Marka ay Dhaco Dhacdo.

6.  Markasta wax ka Baro wixii Tagay, haday tahay dhanka Taariikhda, dhanka siayasada, dhanka Hogaamiyaashii hore, hadii ay tahay Wanaag iyo hadii ay tahayba Khaladaad si aad Tan Fiican uga Qaadatid. (Learn From Past)

7.  Noqo Mid ugo-ay waxa uu rabo in u dhamaystiro ama gaadho, waayo hadii aadan ahayn mid ku apply gareeya Dadaalkiisa Ujeedadiisa waxaad noqonaysaa Siyaasi Fashilma, iskuna Day in aad markasta Codbixiyaasha usoo jiidhid Hadafkaaga Siayaasadeed.

8.  Kasbo Markasta Xirfad Cusub, ka qaybgal Munaasabaadka iyo Shirarka Siayaasaded Si-aad u horemarisid Diplomasiyadaada Siayaasadeed, Kana Baro Xirfad Xusub Wada Hadaladaas.

9.  Wax Ka Baro Kuwii  Horee guuleesatay, aqri Bugtay Qooreen siyaasiyiintii kaa horeeysay, iyo Saraakiishii sar sare ee Guulaha Gaadhay, si ay kuu siiyaan ama aad uga heshid Fikrad Cusub o aad ku dabaqdid Siyaasadaada si aad  u guuleesatay sidoo doo kale.

10. Ka qayb-qaado Loolanada siyaasadeed ee iska soo dabadhacaya, Maxaa yeelay waxaad naftaada ku Carinaysaa in ay stage-ka tagto si  geesi nimo leh, waayo Markasta oo aad naftaada Carisid waa markastoo aad wax baratid dhanka siyaasada ama Hadalka

Hadaba Akhristoow Hadii aad Tahay qof xiiseeya Siyaasada, waxaa hubaal ah in aad gasahy Mihnada ugu Dhibka iyo cadawga, sxb-tinimada badan mihnadaha la ga shaqaysto.

Gabagabadii maqaalkayga oo noqondoona mid taxanaa aanan uga hadlidoono insha alah nolosha qeebheeda kala duwan sida(Siyaasada, Waxbarashada,guurka,jacaylka,iyo sida uu qof kasta oo inaga mid ah u dhisi karo noloshiisa hadaba heerka uu karaba isagoo marnaba ka tagayn Tawakalka Ale.

وَاسْتَعِينُواْ بِالصَّبْرِ وَالصَّلاَةِ وَإِنَّهَا لَكَبِيرَةٌ إِلاَّ عَلَى الْخَاشِعِينَ ) 

Waad Mahadsantihiin

Mahbuub Hussein Ismail

Email: engmahbuub@hotmail.com         Tell: 063-4331708/9309754              Burao Somaliland

.