Maansada Badheeh Waa Maanso Ka Hadlaysa Tahriibka Waxana Kaalinta Koowad ku gashay Hal-abuur. Deeqa Nuux Yoonis oo Curisay Maansada

0
Sunday November 09, 2014 - 08:57:31 in by salman abdi
  • Visits: 2679
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maansada Badheeh Waa Maanso Ka Hadlaysa Tahriibka Waxana Kaalinta Koowad ku gashay Hal-abuur. Deeqa Nuux Yoonis oo Curisay Maansada

    Tartan suuganned tahriibka lagaga hadlayay ayay ka qayb gashay Hal Abuur Deeqa Nuux Yonis, waxa ay la tartamaysay rag iyo dumarba dhalin yarada maanta kuwooda ugu suugaanta shilis. Deeqi kaalinta koobaad ayay u gashay dhammaantood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tartan suuganned tahriibka lagaga hadlayay ayay ka qayb gashay Hal Abuur Deeqa Nuux Yonis, waxa ay la tartamaysay rag iyo dumarba dhalin yarada maanta kuwooda ugu suugaanta shilis. Deeqi kaalinta koobaad ayay u gashay dhammaantood.
Maanso: Badheedh.

Miyaan u badheedhay
Inaan noqdo baadi
Miyaan u badheedhay
Inaan cuno booli
Xalaasha ka baydho
Miyaan u badheedhay
Inuu xaqu baaqdo
Inuu gefku baano
Inaan sharka baahay
Bilkhayr ku idhaahdo.
Miyaan u badheedhay,
Inaan bogto jiifka
Anoo barqo seexday
Baraarugi waayo
Miyaan u badheedhay
Bukaankiyo taahu
Inuu I barriinto
Bogsiimana waayo
Miyaan u badheedhay
Inaan ban abaara
Dhul baahiyi taalo
Bustiyo gogol waayo.
Miyaan u badheedhay
Inaan baryo noole
Nin beeniyay mowle
Miyaan badheedhay
Waxaan is bidaayay
Inaan ka barriiqdo
Miyaan u badheedhay
Inaan galo baayac
Badeecad sideeda
Jidhkaygu boqloobo
Miyaan u badheedhay
Inaan noqdo baa’ba
Habaaska ku biiro
Miyaan u badheedhay
Basaastiyo oonka
Busaarad la jiifka
Miyaan u badheedhay
Inaan bacad raaco
Balaayada doorto
Miyaan u badheedhay
Bulshooy raxan raadka
Miyaan u badheedhay
Kaskayga la baadhay
Kashayda la boobay
Korkayga la biishay
Naftayda la baabay
Badwaynta ku biirtay
Yaxaasku bireeyay
Miyaan u badheedhay
Inaan baxsantayda
Barbaarta dalkayga
Badwaynta ku hoobtay
Anoon boqol aasin
Xabaasha la beegsan
Baroor ku illaawo
Miyaan u badheedhay
Inaan baladkayga
Arliyo baradayda
Bahdiyo isirkayga
Badwaynta ka doorto.
Miyaan u badheedhay
Bilaadka dhulkayga
Anoo nabad buuxa
Inaan baxar jiidho
Wadkaygana booqdo
Bulshooy dagalkeenna
Balaayo la’aanta
Badhaadhe negaanta
Bushaaro samaanta
Ballaysinka khayrka
Ha baylihin guusha.
Nin bayrle ka dhowra
Billaawe ku dayra
Baqoolka ka oola
Ha beegsanintiisa
Ha baal marintaada
Intii baxday maanta
Intii barri taagan
Intii hore boodhka
Gashee bakhtigooda
Dugaagu u boobay
Intii biyo wayday
Harraadna la baahan
Intii bahardaada
Bakhaarrada iibka
Intii la bireeyay
Cawaanku bisleeyay
Intii boqolaal kun
Naftooda ku baantay
Badwaynta dhexdeeda
Intii ku basbeeshay
In baad laga qaado
Garaadka in beeshay
Waxaa nabar baahay
Intii ka badbaaday
Miyay ban abaara
Qaxoonti ku biirtay
Hungooy magacaa be’
Bukaanka sidiisa
Laxaadka qof beelay
Intee sugta biilal.
Intee ku bidaysa
Dhuloow balad gaajo
Intee baran wayday
Inaad tahay baarri
Intee bogan wayday
Islaamka bayaansan
Intee la bakhayshay
Balaayo xijaabta
Ayaa boqray gaalka
Muxuu burjigaagu
U hoos maray boodhka
Haddaan anna baano
Bulshooy hiddahayga
Bildhaanta dadkayga
Shabeel barihiisa
An baabi’in weeyi
Wax ii bilan weeyi
Illays baxa weeyi
Rabboow mari baasha
Wax beesha hayaansha
Wax baaba’ ku keenna
Wax ciil igu beera
Wax beerka ku roora
Wax baadka ku duula
Rabboow naga baaji
Balaayada oogan
Dadoow basan baaska
Ha doonan bartiisa
Dadoow bahal jiifa
Buhbaahda ka daaya
Ha galin baradiisa
Dadoow is baxnaani.
Intaan lagu baadhan
Dadoow haka baydhin
Wax diintu bannaysay
Dadoow haku baydhin
Wax gaalku binneeyay.
Dadoow ha bahaysan
Nin diinta budeeyay
Waxaan bandhigayga
Baroorta hiqdayda
Baraadli’I ooyga
Ku soo xidhay baaqa
Haddaad belo doonto
Wanaagga ka baydho
U baaqdo halaaga
Marbaad bogan doonni
Marbaad baran doonni