Sababta Keentay Xiligan In Da'yarta Gobolada Dalku ka Soo Horjeestaan kuna kacaan Dalada SONYO .

0
Monday March 10, 2014 - 18:49:32 in by Super Admin
  • Visits: 1269
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sababta Keentay Xiligan In Da'yarta Gobolada Dalku ka Soo Horjeestaan kuna kacaan Dalada SONYO .

    Waxaa mudooyinkii u danbeeyey kazoo yeedhayay dhamaanba dhalinyarada Somaliland eek u sugan gobolada dalka gudihiisa iyo dhankaa qurbaha qaylodhaan baahsan oo ay ku diidan yihiin isla markaana ay uga soo horjeedaan Dalada magaca dhalinyarada Ku qadha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa mudooyinkii u danbeeyey kazoo yeedhayay dhamaanba dhalinyarada Somaliland eek u sugan gobolada dalka gudihiisa iyo dhankaa qurbaha qaylodhaan baahsan oo ay ku diidan yihiin isla markaana ay uga soo horjeedaan Dalada magaca dhalinyarada Ku qadhaabsata



Waxaa mudooyinkii u danbeeyey kazoo yeedhayay dhamaanba dhalinyarada Somaliland eek u sugan gobolada dalka gudihiisa iyo dhankaa qurbaha qaylodhaan baahsan oo ay ku diidan yihiin isla markaana ay uga soo horjeedaan Dalada magaca dhalinyarada Ku qadhaabsata eeSababta Keentay Xiligan In Da’yarta Gobolada Dalku Meel Iska Taagaan Mowqifkooda Ay Uga Soo Horjeedaan Dalada SONYO .lagu magcaabo SONYO. 

Dhalinyaradan ayaa waxaa ay ka siman yihiin Nacayb ay u qabaan ururkaasi oo ay ku sifeeyeen inay ku qadhaabsadaan Magaca dhalinyarada isla markaana ay ku sheegeen Koox Cusub oo u eg Maafiyo Midowday Isla markaana wax gaar ah ku heshiiyay kuwaasi oo Masraxa u fuulay inay Wax ku doontaan dhalinyaro aan haba yaraatee waxay u qabteen aanay jirin.

Dhalinyaradan ayaa waxaa ay Daladani ku sifeeyeen inay kala mugweyn yihiin Ku Maxaafsiga Magaca Dhalinyarada iyo Ujeedadooda Dhabta ah ee u samaysteen Mashruucan,waxaana ay xukuumada Somaliland iyo Madaxweyne Silanyoba ugu Baaqayeen inay ka feejignaadaan sidii ay kooxdan calooshooda u shaqaystayaasha ah ugu aaminaan inay metelaan Masiirka dhalinyarada Somaliland

. Dayartan ayaa waxaa ay qodobo ku sifeeyeen ujeedada cabashadooda waxaana ay kala ahaayeen inta badan marka loo fiirsado su’aalaha ay diidmadoodu salka ku hayso daladu ma yeelan karto qorshe waxqabad oo fog kuna dhisan cilmi badhid waqiciya, dhawrkan sababood dartod: 1- daladu male ilko ay wax ku qaniinto, taa macneheedu waa,

qorshehedu wuxu daba socoda cida wax siinaysa,waxaana ay u egtahay taasi miskin dookh ma le. 2- Daladu uma dhisna qaab xaqiiqda ka turjumaya, dhaman dhinaca kastood ka eegto waxa ka muuqda qabyo, sida dhan aqooned, dhaqaale iyo xirfadeedba, taaso kuu mujinaysa kala foganshaha magaca iyo nuxurka mareegta. 3- Daladu wali uma eeka inay garwaqsatay awoodeeda dabiciga iyo ta besha ay matasho,

inago ka duulayna shirki u danbeeyey , oo lagu soo gaba gabeeyey wax u eega baaq balse ay u dhigeen go’aamo, sababto ah ma jirin hal qodob oo ay lasocotay cida fulinaysa, gorta lafulinayo, halka laga fulinayo iyo hadi la fulinwayo waxa badalaya. 4- Dalada waxa xubneheeda kamida laba urur oo midna sanad xisabeedki xidho ($25,000-50,000), halka mid kalena awodi wayo inuu bixiyo kirada hal qol ($50-100),

iyago kan hore si aan sax ahayn uga fa’idaysanayo magaca maregta ama u isticmalyo xirfad iyo aqoon aanu lahayn kan kale. 5- Daladu wali may hir galin hanaan sax Ah ooy warka saxda Ah kusiinayso xubnaha ay matasho taaso keentay kala duwanansha fikir ama khilafka jiritaan ee Dalada iyo sheegashadeed heer Qaran. 6- Daladu wali may suuro galin hanan wax wada qabsi o dhex mara Maregta iyo dhalinta qaranka,

ama Maregaha kale ee kajira dalka. Hadaba Maxamed Cumar Foon oo ku sugan magaalada hargaysa ayaa ka hadlay xaalado kala duwan oo uu u soo taagnaa kuwaasi oo ay ku kacaysay dalada sonyo isla mar ahaantaana cadaynaya inaanay hadafkeeda ka madhnayn siyaasada taasi oo uu sheegay inay xisbiyana taageertay mid kalena ku foodhiday iyadoo danaheeda wadata balse aan u danaynayn dhalinyarada ay magacooda ku qadhaabato waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay " SONYO inay tahay madal siyaasadeed waxaa cadayn ah wixii ka dhacay xuskii dhagaxtuurka ee masuul qaran la takhaantukhiyay makarafoonkii-waa xo ghayaha UDUBe,

anigu ma taageero Udub waxaanan ahay dadka qaba inayna u shaqayn sidii loo baahnaa oo ay meesha baneeyaan. Laakiin hadana, ma jecli in xisbi gaara iyo xubno xukuumadeed lagu bahdilo meel lagu sheegayo inay soo qabanqaabiyeen urur dhexdhexaad ahi. Maaha in xisbiyo loo mashraxado midna lagu qayliyo. Waxaana halkaa ka cad in Sonyo ugu sii talagashay inay sidaas wax noqdaan. Oo hadana qaladna saaraan dadkay iyagu meesha keeneen. Waxaa kale oo cad in nimanka mucaaradka ka socday sii ogaayeen siday wax u dhaca yaan. Sonyona waxay ku dadaaleen maalintaas dhagaxtuurka inaanay xaflada kusoo casuumin niman badan oo Uduba oo arintaas wax ka qaban karayay sida ala ha u naxariistee Wasiir Talaabo oo kale. Waxaa kale oo cad inaan udub laga soo casuumin dhaliny artooda,

balse mucaaradka dhalin badan looga yeedhay si ay u abaabulaan kac doon lagu sharaf dilayo masuulkaa Udub, kuwa mucaaradkana toban farood ugu sacabiyaan " Ayuu yidhi muwaadinkaas dhalinyarada oo u waramayay wargayska xogogaal xili ay indhihiisa ka muuqato qiiro wadaniyeed balse ay booskiisii ka riixdeen isla markaana jaanis u siin waayeen inuu hamigiisa ka run sheego. Ugu Danbayntii Maxamed isagoo talo iyo tusaale u soo jeedinaya dhalinyarta Somaliland sheegayna inay muhiim tahay loona baahan yahay isla markaana ay lagama maarmaan tahay in meesha laga saaro rag waaweyn oo dhalinyarada magacooda ku qadhaabanaya kuwaasi oo kor u dhaafay 40 taneeyo sano waxaa uu yidhi

" Sonyo intay xisbyada taageerayso may wax qabato, oo dhalinyarta tidhaahdo sadaxda xisbi ilooba oo wax qabsada. Dadka Sonyo maa mula ama ka shaqeeyaa haday jecel yihiin miyay cadaystaan siyaasada, sida maxamad ilka case oo kale, miyay dabadeed Sonyo ka baxaan maadaama ay da diina dhaafeen. Anigu waxaabaha aan soo jeedin lahaa waxaaba ka mida sharci odhanaya dhalinyarta da doodu xad dhaaftay ama ka yar da da dhalinyarta waa in loo diido inay is hagaasiyaan oo iska sheegtaan dhalinyar,

Dhalinyarta waxaan leeyahay aqoonta aynu ku dadaalno, dalkeena horumarino oo midawno. Waa inaynu iska ilawno qabyaalada inaynu ku dhaqano iyo inaynu wax walba siyaasadayno oo cid u taageerno qabyaalad darted. Aynu barano sida loo doodo, iyadoon la caloobin. Hadaynaan doodin oo murano isma qancin karno” Dalada SONYO

oo sheegata inay metesho dhalinyarada Somaliland ayaa tan iyo markii la Aasaasay waxaa Tunka ku sitay Cid gaar ah iyadoo laga horjoogsaday inay iska soo sharaxaan kaabigana u soo fadhiistaan dhalinyaro Tira badan oo isaga kala Yimi Guud ahaanba Gobolada iyo Degmooyinka Dalka Kuwaasi oo door moodayay inay madasha Sonyo taalo Cadaalad loo wada siman yahay. Dalada SONYO ayaa dabada la gashay siyaasada dalka taasi oo la mid noqotay xisbiyada dalka sida Ucid oo markii gudoomiyaha xisbigaasi Faysal Cali Waraabe ay Golihii Xisbigaasi u soo jeediyeen inuu xilka gudoomiyenimo amase ka musharaxnimo wareejiyo ka dibna uu Faysal Sheegay inuu xisbiga isagu samaystay isla markaana aanu haba yaraatee cid kale ku wareejin doonin tan iyo inta uu ka dhimanayo.

dhalinyarta xisbiyada wax ka sugaysa ayaa lama huraan ah in isbadalku gamcihooda uu ku jiro, taas oo ay cadayn u Tahay maqaalkaygii maalin kaliya ka dib Sonyo waxaa qasab ku noqotay inay ururadii furto oo ay tidhahdo waxaan qaadana ynaa ururadii ugu badnaa intay jirtay, taasi miyaanay ahayn geeso lo’aad kulaylkaa lagu jaraa,Sidaasi waxaa yidhi mid ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan gobolka togdheer oo habeenkii xalay khadka teleefanka ugu waramayay wargayska xogogaal.

dib u yara micilsano SONYO ujeedoyinkeda, himiladeeda iyo waxay u jirto ama erayada inta badan aad ka maqlayso dhalinta kuxidhan ururada aan dawliga ahayn (Mission, Vission and Objectives), waxad markaba is waydinaysa suura galnimada adoo ugu danbaynti ku dhafaya inay tahay riyo, iyo wax kafog waqica. Ugu horeyn SONYO waa urur aan dawli ahayn, siyasadana aan lug buuran ku lahayn, Golaha Sarena ugu awood badanyahay, isagoon sida loo soo doorta anay u cadayn inta badan dadka ay daladu matasho (dhalinyarta) balse laga dhex dorto golaha guud labadi sanaba mar, hawleheda shaqo waxa fuliya Agasime dibada laga so qorto, isago gacan wayn ka hela Gudomiye u eeg xubin sharafed, balse aanay si tosa u cadayn shaqadisu,

Gudomiye xigen iyo Khasnaji Guud. Iyadoo sadexdaba laga so dhex doorto golaha guud, oo mideeya ruru xafadeedyada xubnaha ka ah Mareegta. Farxaan maxamed jaamac oo ah Agaasimaha Waaxda Samafalka Gobolka Saraar ayaa khadka telefoonka Kula soo xidhiidhay waxaana eedeeyey isla markaana sheegay inaanay haba yaraatee metelin waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay sidatan” hadaanu nahay dhali yarada gobolada beri ku dhaqan,

Waxaan daladaa sheeganaysa inay ka wakiil tahay dhalin yarada u sheegaynaa in ay beenta ka fogaadaan meel ay wakiil kaga yihiin nagu garan mayno,Waa nasiib daro mar haday noqotay dhalintii Dalku ta hargeysa oo keliya ku nool,oo aanay jirin cid kale oo sheegan karta hogaaminta dhalin yarada ,waana mid aanu gaadhsiin doono cid kasta oo ay qusayso arintaas dhalin yaradu” Ayuu hadalkiisa ku soo afmeeray Farxaan Maxamed Jaamac. 





source: aftahannews.com