CUNISTA QAADKU WAA GAF!!! W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)

0
Monday March 10, 2014 - 19:51:08 in by Super Admin
  • Visits: 1232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CUNISTA QAADKU WAA GAF!!! W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)

    Bal hadaba hadaan yara falanqayno waxyaabaha salka u ah burburkan waa qaadka waana markhaati madoon waayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bal hadaba hadaan yara falanqayno waxyaabaha salka u ah burburkan waa qaadka waana markhaati madoon waayo



Waxaynu waayadanba wadnay maqaalo aynu kaga waramayno qaadka iyo dhibtiisa uu bulshadeena ku hayo inagoo marba tusaale soo qaadanayna isla markaana waraysiiyo iyo la sheekaysiiyo layeelanayna hadba dadka uu saameeyay isla markaana mahadhooyinka kala kulmay sidaa awgeed baa maqaalkeenii shalay waxay inoo maraysay iyadoo ninkii odayga ahaa ee soo mirqaamay ee guri aanu lahayn isku qaaday dabeeto la garaacay fadeexaduna ka raacday uu waabarigii kacay waxna kala gartay isla markaana gabadhiisii ama xaaskiisii ku dhahay naa bal dhakhtar ii qaada ceebaa dhacdaye ilahay ceebteena ha asturee sida waajibku ahaa gabadhii odaygii waa qaaay waxaana lageeyay dhakhtar waana la soo daweeyay oo waa caafimaaday balse maxaa ku bilaabmay? waxaa ku bilaabmay sheeko aanu qaadi karahayn oo xaaskiisii ayaa waxay aamintay

inuu odaygani godadle yahay oo way masayrtay ilayn waatii u taagnayd isagoo guri hortiis lagu garacaayo oo la dhahaayo habeen walba waxaan uga taag laayahay reer kayga waxay gabadhu u qatay dhab oo ma oga in odaygu qaad soo cunay oo soo waashay sidoo kale kama war hayso inuu ninkan kalena yahay hinaasi oo waxay iska wadatay hawsheedii hinaase odaygii hada waxaa haysata dhibaato wayn gurigii waa laga eraya oo caruurtii waa lagu diray waxaa uu hada noqday duur gal ergo kasta oo uu soo diraana way shaqayn waysay ugu danbaystiina reerkii waa kala yaacay oo waa burburay.

 

 

Bal hadaba hadaan yara falanqayno waxyaabaha salka u ah burburkan waa qaadka waana markhaati madoon waayo waxaad ogaydeen inta mar xaladood ee uu ninkaasi la soo maray qaadku iyo dhibaatada uu u gaystay odayga ugu danbayna waxaa uu ka dhigay rug iyo reer beel sidaa awgeed waxaan dhahaynaa waar qaadku waa danbiile dagaal una baahan in maxkamad lasoo istaajiyo oo lagu qaado xeer ciqaabeed.

 

saaxiibayaasha cunista qaadka ku hawlana waxaan kula talinaynaa waar iska dhiciya gumaysiga qaadka oo naftiina gacantiina ha ku haligina cunista qaadku waa if iyo aakhiro seeg waa ayaan daro waa nacasnimo sidaa awgeed aan iska dayno oo is daba qabatayno saaxiibayaal.

 

waayo dhinac walba waa inaga dilaa oo wax uu inoo reebay ma jiro dhinacyada uu inaga dhaawacay ama uu inaga dilaybana waxaa kamid ah dhinaca cafimaadka oo waxaad arkaysaan wax uu reerkaasi aan ka soo waranay kukala yaacay waa qaadka iyo mashaakilka uu bado ruuxa cuna ama isticmaala.

waxaa kale oo uu baabashaa dhinaca dhaqaalaha oo inta ruux ee shalay qani ahaa maantana uu saboolka ka dhigay waa badanyihiin.

guntii iyo gaba gabagabdii maqaalka waxaan soo jeedinaynaa waar sidan ku soconmayno oo waad aragtaane qaadka joojiya.



W/Q: Jamaal Cabdilaahi Muxumed ( Abu Ciza)